Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Axad 31 January


Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Axad 31 Januaryaa Wargeys maalinle ah oo madax bannaan oo ka soo baxa Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeisa.

Guurtida: Is-casilaaddii Sh. Furre, aamuskii Siciid, amakaaggii Saleebaan iyo ereyadii ka dambeeyay

“Sheekh Axmedoow ma sidaasaad garatay, mase u gudbiyaa Golaha?”
“Waxa soo korodhay arrin kale oo aanan hore u ogayn oo ka baxsan tii aanu hore uga hadlaynay”
Guddoomiyaha Guurtida
Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay khilaafka aan weli xalka loo helin ee Golahaas, isla markaana wuxuu sheegay in aanay jirin weli wax ay isla meel-dhigeen Shirguddoon ahaan. Waxaanu baaq u jeediyay Mudanayaasha kale ee Golaha.
Fadhigii shalay ee Golahaas oo ay ka xaadireen 55 Mudane, isla markaana uu guddoominayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shalay ku furmay jewi degan.
Ugu horrayn Sheekh Khaliif Xasan Gudaal oo ka tirsan Mudanayaasha Golahaas, ayaa halkaa hadalk uu ka jeediyay waxa ka mid ahaa, “Umaddu siday doonayso mar walba wax ma noqdaan oo si kale ayay u dhacdaa mararka qaarkood ee marka ay wax yimaaddaan waxa wacan in laga wada tashado oo la xalliyo. Sababtoo ah, khilaaf wuu jirayaa oo beri iyo saadambeba wuu imanayaa, meelna la kala tegi maayee Khilaafka ha la xalliyo oo Ilaahay ha laga yaabo.” Waxaanu intaa raaciyay Mudanuhu oo uu yidhi, “Dadka ama Gaajaa isu-geysa iyo baaha ama Dherag baa isu-geeya. Inaga Gaajo isuma keen gaynaysee (khilaafka ma abuurayso) ee waxa isu-keen gaynaya waa Dherag iyo durduro. Waxaan leeyahay, haddii Jidhka qofka uu Dhabarku yidhaahdo dhinacaygaan u dhaqaaqayaa, Wejiga iyo inta horena tidhaahdo dhinacaygaan u soconayaa ma suurtogalayso, waxa wanaagsan in la kala dambeeyo oo lays daba socdo.”
Waxa hadalkii la wareegay Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlay arrimo la xidhiidha wada-xaajoodyo dhawaanahanba u socday Shirguddoon ahaan, waxaanu sheegay in aanay jirin weli wax laysla meel dhigay. “Hadii xil ina saaran yahay oo Baarlamaanka had iyo jeer waa laynaga reebaaye waxa ina saaran xil Baarlamaan, waliba mid Guurti iyo Odaynimo, waxa weeye in la xalliyo wixii ina dhex yaala oo aynu Bulshada si ugu wada adeegno.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idinkaga tegay Heshiis inaga oo ah oo aynu waliba gaadhnay heshiis 9 qodob ka koobnaa oo aan islahaa waa la fulinayaa. Labada Guddoomiye-ku-xigeen nabad baanu ku kala tagnay, waxa Golihii soo galay khilaaf ay labada Guddoomiye-ku-xigeen yidhaahdeen anaga Shirguddoon ahaan ayuu noo dhaxeeyaa. Waa waajib in aanu khilaafka dhexyada ka saarno, hawshaasna waanu wadnaa. Laakiin, weli waxba islamaanu meel dhigin, hase yeeshee, wixii aanu gaadhno ayaanu Gole ahaan idiin soo gudbinaynaa.”
Guddooomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu Mudanayaasha Golahaas u jeediyay in aanay isku xidhnaanin wada-hadallada socda ee Shirguddoon ahaan iyaga u dhaxeeya iyo hawlihii uu qaban lahaa Goluhu oo uu ugu horreeyo gudo-galka kalfadhiga Golahaas u furmay. “Anagu Shirguddoon ahaan dhexdayada aanu danaha ka raacno, balse Goluhu wuu furmay oo istaagi maayee ha shaqeeyo, hawlanaha ha la wado.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha oo hadalka wata, ayaa Xoghayaha guud ee Guurtida Cabdilaahi-dheere Guddoomiyaha u dhiibay Warqad saxeexan, taas oo keentay in uu Guddoomiyuhu hoos ahaan u akhristo, isla markaana uu su’aal la xidhiidha qoraalka ugu noqdo Guddoomiye-xigeenka 1aad Sh. Axmed Nuux Furre. “Sheekh Axmed ma sidaasaad garatay?” ayuu waydiiyay Guddoomiyuhu, taas oo uu Sheekh Furre ka jawaabay oo uu yidhi, “Waan ka wadi waayay, waan ka wadi waayay”. Guddoomiye Saleebaan waxa uu Sheekh Furre waydiiyay su’aal kale oo u dhignayd, “Ma u gudbiyaa (Qoraalka) Mudanayaasha Golaha?”, taas oo uu Furre kaga jawaabay, “Haa ee u gudbi”.
Gudoomiyuhu wuxuu Warqaddii u gudbiyay Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Siciid Jaamac Cali oo madasha fadhiyay,  hase ahaatee, Siciid waxba kama odhan ee inta uu akhriyay ayuu iska celiyay.
Intaas ka dib, Guddoomiye Saleebaan oo Wejiga ay ka muuqato yaab iyo fikir uu muddo kooban kaligii iskula faqay, waxa uu xidhay fadhigii, waxaanu Mudanayaasha ku wargeliyay in fadhiga maanta Golaha mar kale laysugu soo noqdo. “Arrin aan halkan ku ogaaday ayaa nagu soo korodhay oo tii aanu wadnay mid aan ahayn oo kale ayaa timi ee aanu saddexdayadu (Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen) is-raacno oo aanu shirno, fadhiguna wuu inoo xidhan yahay ee waa inoo berri Insha Allah.” Ayuu hadalkii ku soo gebogebeeyay Saleebaan.
Ka dib markii ay Shirguddoonku dibedda uga soo baxeen Golaha, ayaa mar Sheekh Furre wax laga waydiiyay nuxurka Qoraalka, ayaa Guddoomiyaha Guurtida isaga riixay in uu ka hadlo. “Guddoomiyaha ayaa Qoraalka haya ee waydiiya waxa ku qoran.” Ayuu ku jawaabay Furre.
Geesta kale, Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna wax laga waydiiyay nuxurka qoraalka, ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo, waxaanu sheegay in ay Golaha horkeeni doonaan wixii jira.
Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ku hanjabay inuu xilkaa iska  casilayo
Hargeysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Afhayeenka xisbiga talada dalka haya ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa la sheegay inuu ku hanjabay inuu iska casili doono xilkaas.
Siday faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews, arrintani waxay ka dambaysay ka dib markii ciidanka ilaalada Madaxtooyadu ay shalay Afhayeenka UDUB ka horjoogsadeen inuu galo xarunta Madaxtooyada ee Hargeysa.
Warku wuxuu intaa ku daray, in is hortaaga ilaaladu kula kaceen Afhayeenku ay sababtay inuu hadalku ka taagtaagmo, kaasoo markii dambe sidu bedelay in hadalo kulkululi dhexmaraan.
Siday dad goobjoog ahaa u sheegeen shakabadda, waxa muran iyo buuq dhexmaray afhayeenka UDUB io ciidanka is hortaagay, kaasoo ku dhexmaray irida hore e laga galo xarunta Madaxtooyada. Sida warku sheegay, arrintaasi waxay sababtay inuu xidhmo jidka halbowlaha ah ee hormara Madaxtooyada, ka dib markii dad aan badnayn iyo gaadiid jidka marayay halkaa ku hakadeen. “Isagana (Madaxweyne Rayaale) imikaan Telefoonkiisa garaacayaa, ma waxay ii haystaan guul-wadayaashiisa oo kuwo la mid ah ayuu na moodayaa,” sidaa waxa laga sheegay inuu ku tiraabay Muj. Cali-gurey.
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in Afhayeenka la tusay warqad aanay cadayn waxa ku qoraa, taasina waxay sababtay in Afhayeenku ku hanjabo inuu is casilayo.
Intaa ka dib, waxay weriyeyaal shabakadda ka tirsani ka soo horjeedka dhismaha Baarlamaanka oo dhawr talaabo u jira Madaxtooyada kula kulmeen Afhayeenka UDUB oo gaadhigiisa dhex fadhiya, kuna mashquulsan telefoonkiisa gacanta (Mobile-ka), isla markaana ku tiraabaya erayo uu ku diidan yahay dhacdadaas.
Hargeysa: Magacyada dad ku dhintay Shil Baabuur
Hareysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen shil Baabuur oo shalay ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay Keyse Maxamed Muxumed oo ka tirsan qaybta gargaarka degdega ah ee Cusbatalka guud ee Hargeysa, waxa uu shilkaasi ka dhacay meel u dhow tuulada Dhubato oo u dhexaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Waxa uu sheegay in Baabuurka shilkaas geystay uu ahaa nooca loo yaqaano Maarka-tuuga, isla markaana ay ku dhinteen Cabdi Muxumed (Cabdi-rabaysane) iyo nin kale oo magaciisa Axmed lagu koobay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inay ku dhaawacmeen darawalkii gaadhigaas oo la yidhaahdo Axmed Yaasiin Maxamed iyo Cabdifataax Maxamed Sh. Caynaan, kuwaasoo haatan lagu daawaynayo Cusbatalka guud ee magaalada Hargeysa.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa kor u sii kacayay khasaaraha ka dhasha shilalka gaadiidka Somaliland.
Wasaaradda Qorshaynta iyo hawlgalkeeda la xisaabtanka hay’addaha
“Waa xaq in ciddii xil loo dhiibo lala xisaabtamo, haddaan la-xisaabtan jirina…”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka………Shirjaraa’id
Hargeysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhka hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalka la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaraddiisu kula xisaabtamayso hay’addaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan.
Wasiirka oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheega inay waajib tahay in cid kasta oo xil loo dhiibo lala xisaabtamo, taas la’aanteeda waxa uu sheegay in aan horumar la gaadhi karin.
Wasiir Cali-Sanyare oo ay shirkiisaa jaraa’id goobjoog ka ahaayeen guddi farsamo oo Wasaaradda Qorshayntu u xilsaartay isku-dubaridka barnaamijka la xisaabtanka hay’addaha Caalamiga ah, waxa uu sheegay inay wax-ka-bedel ku sameeyeen qorshihii laxisaabtanka ee ay sannadkii hore u bandhigeen hay’adda. “Waxaanu bilownay sanadkan qorshihii la xisaabtanka hay’addaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo ururada Caalamiga ah ee aan dawliga ahaynba, waxaanan kula xisaabtamaynaa deeqihii dalka soo gaadhay siday u baxeen. La xisaabtankani wuxuu noqon doonaa mid joogto ahaan doona. Sanadkii hore markii noogu horraysay bay ahaydoo, may ahayn wax la wada dhammaystiri karo,” ayuu yidhi Wasiirku. “Khibradii aanu sanadkii hore ka faa’iidaysanay la xisaabtanka hay’addaha, waxaanu sanadkan foomamkii u diray hay’addaha caalamiga ah, si ay ugu soo buuxiyaan deeqihii iyo siday u baxeen. Waxa kale oo aanu nuqulo siinay ururada iyo hay’addaha dawliga ah ee la fulinayay mashaariicda. La-xisaabtanka sanadkani wuu ka balaadhan yahay kii sanadkii hore. Su’aalihii aanu sanadkii hore waydiinay waxay ahaayeen 12 su’aalood oo dhammaantood la xidhiidhay mashaariicda iyo deeqaha. Laakiin, sannadkan waxaanu soo kordhinay xogihii aanu waydiinaynay oo aanu ka dhignay 18 su’aalood oo loo baahan yahay,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in barnaamijkan la-xisaabtanka ay qayb ka yihiin Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ah ee Somaliland oo uu xusay in looga fadhiyo inay soo bandhigaan meelaha laga fuliyay siday u baxeen mashaariicda horumarinta ee ay wax ka fulinayeen. “Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in aanu dhawaan soo bandhigi doono warbixin cilmiyaysan oo salka ku haysa natiijada barnaamijka la xisaabtanka…. Hay’addaha Caalamiga ahi si weyn ayay u  qaateen barnaamijkan la xisaabtanka oo ah wax xaq ah oo u baahan inuu dhaxal u noqdo Somaliland oo uu sii socdo, inagana waa la inooga baahan yahay inaynu dhinaceeda diyaar u noqono,” ayuu yidhi.
Wasiirka oo la waydiiyay inay wax talaabo ah ka qaadeen dhawr iyo toban hay’addood oo ay sannadkii hore digniin u qoreen, ka dib markii ay warbixintoodii waxqabad soo gudbin waayeen, waxa uu ku jawaabay; “Horta, nasiib-wanaag saddex mooyee intoodii badnayd way soo direen la xisaabtankii, kuuwaasina waxaanu ogaanay inaanay dalkaba joogin ee ay ka tageen, markaa digniintayadii way gaadhay xarumahoodii,” ayuu yidhi Cali Ibraahim Maxamed. “Haddaan la isla xisaabtamin horumar la gaadhi maayo, cid kastoo xil loo dhiibay in lala xisaabtamaana waa xaq,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay inay hay’addaha ku wargeliyeen inay si siman mashaariicda ay fulinayaan ugu balaadhiyaan gobollada dalka, iyadoo sida uu sheegay ay intii ka horaysay 2006 mashaariicdu u badnayd gobollada Galbeedka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inay ku dedaalayaan in hay’addaha dalka ku sugani si siman ugu xaqsooraan gobolada dalka, iyadoo muhiimada la siinayo siday baahidu ugu kala badan tahay. “Waa run in Galbeedku u badnaayeen waqtiyadii hore…Wasaaraddan baa u xilsaaran inay ilaaliso in mashaariicdu si siman dalka looga fuliyo, haddii wadanka deeqdu kala qaybisana midnimadu jiri mayso. Intii ka dambaysay 2006 markii aanu hay’addaha ku wargelinay, 66 jeer bay u ruqaansadeen dhinaca Bariga,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in qiimayntii ay sannadkii hore soo saareen ay gobollada mashaariicda ugu badan laga fuliyay uu gobolka Togdheer kaalinta labaad ka galay.
Wefti ka socda Golaha Wakiilada oo Ingiriiska kaga qayb-galaya Shirka dalalka Barwaaqo-sooranka
Addis-Ababa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Guddida la-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golahaas Md. Aadan Tarabi Oogle, ayaa habeen hore ka amba-baxay Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isla markaana u kicitimay dalka Ingiriiska.
Mudanayaashan oo habeen hore Wargeyska Ogaal ugu waramay Magaalada Addis-Ababa, ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho casuumad Rasmi ah oo ay ka heleen Shirka Barwaaqo-sooranka oo ku qabsoomaya dalka Ingiriiska, kaas oo ay sheegeen in lagaga hadli doono Dhismaha nabadda iyo maamul-wanaagga.
Labadan Mudane waxay sheegeen in SShirkan lagu marti-qaaday 40 Dal oo mid kasta laga casuumay laba Xubnood. “Waxaanu ku faraxsanahay anaga oo metelaynaya Somaliland in aanu Shirkaa ka qayb galayno.” Sidaa waxa yidhi Md. Samaale oo sheegay inay qaddiyadda Somalialnd ku soo bandhigi doonaan shirkaas.
Shirkan Barwaaqo-sooranka ayay sheegeen in uu socon doono muddo toddoba maalmood ah, kuwaas oo 5 ka mid ah uu ku qabsoomi doono Magaalada London, halka 2 maalmood ee kalena uu ka dhici doono Magaalada Belfast ee Waqooyiga Ireland.
Maaha markii ugu horraysay ee Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay ka qayb-galaan Shir noocan oo kale ah, hase ahaatee, waa markii u horraysay ee Somaliland shirkan loogu marti-qaado si rasmi ah.
Markab Dhuxul sida oo Dab ku qabsaday Dekedda Magaalada Muqdisho
Muqdisho, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Markab nooca Dhuxusha qaada ah oo lagu magcaabo Al-Marjan, ayaa shalay ku gubtay dekedda Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu halkaas ku xidhay si looga badbaadiyo Dab si lama filaan ah uga kacay Markabka.
MV Al-Marjan oo dorraad soo gaadhay Dekedda Muqdisho ayaa dhuxusha uu wado ka soo qaaday Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ee isla Soomaaliya, halkaasoo ay gacanta ku hayso Kooxda Al-Shabaab. “Waxaanu dedaal u galnay in aanu Markabka daminno” sidaa waxa yidhi masuul ka tirsan Dekedda Muqdisho oo Warbaahinta u waramay shalay.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Markabka ayaa sheegay in Dhuxusha markabka saaran ay ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxayna sheegeen in Dabka ay ku arkeen markii ay soo gaadheen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baraawe.
Gaadiidka Dab-demiska iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa ka qayb-qaatay deminta Dabka ka kacay Markabka. Markabkan oo siday Dhuxul aad u tiro badan, taas oo badankeedii ku dul baaba’day, ayaa ka mid ah Maraakiibta Dhuxusha ka qaadda Soomaaliya ee geeya dalal badan oo uu Khaliijka Carabtu ka mid yahay.
Maaha markii ugu horreysay oo uu Markab ku gubto dekedda Muqdisho, iyadoo sannadkii hore uu ku gubtay markab kale oo dhuxul waday, kaasoo ay damiyeen ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya ammaanka Dekedda.
Urur Siyaasadeedka UDHIS oo shir ku qabsaday Carriga Ingiriiska
“Kuwa ilaawa taariikhdooda, waxa lagu ciqaabaa in wixii ay soo mareen lagu celiyo”
Sheffield, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Urur siyaasadeedka UDHIS ayaa Shirweyne uu ku qabsaday magaalada Sheffield ee carriga Ingriiska waxa ay ku falanqeeyeen Xaaladda Dalku hadda taagan.
Xog-hayaha guud ee Urur siyaasadeedka UDHIS Axmed Maxamed Jawhari oo dhawaan ka tegey dalka oo uu socdaal ku joogay, ayaa Khudbad dheer oo uu kulankaas  ka jeediyay waxa uu si qoto dheer uga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, Hogaaminta Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah oo uu ku tilmaamay kuwo Xisbiga UDUB la qaba Fashilnaanta iyaga oo aanu cadayn Barnaamij siyaasadeedkoodu.
Hadalka uu halkaa Jawhari ka jeediyay oo dhamaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Mudanayaal Iyo Marwooyin waxa ii sharaf ah in aan maanta halkan aynu ku kulano oo aan idinka waramo  xaalada wadankeenii oo aan dhawaan ka soo laabtay.  Dhulkeenii maanta waa nabad, Illaahii nabad-gelyadaa inagu simay ayaa mahadeeda leh. Deganaanshahaa iyo nabada Somaliland ka jirta waxa iyaguna markasta u taagan in ay dhawraan shacabka Somaliland, oo ah kuwa ay sida weyn ee tooska ah ay u taabanayso haddii ay xasiloonidaas ay wax ku yimaadaan. Waxa jira kooxo aan raali ka ahayn deganaanshaha dalka iyo isku duubnida bulshada Somaliland. Waxa aynu ka wada dheregsannahay xaalada cakiran ee ka jirta gobolka maanta. Waxa aad la socotaan in weeraro argagixiso ay ka dhaceen wadankeena, markastana cadawga Somaliland ay maleegayaan shirqoolo wax lagu yeelaynayo nabada dalka iyo dadkeena.
Waa illaahay mahadii in kooxahaasi ay ku guul-daraysteen in ay faafiyaan fikirkooda guracan, ee ku salaysan siddii ay u kala qoqobi lahaayeen dadkeena, shaki iyo aamin darana ay uga abuuri lahaayeen heer kasta oo bulsheedana ah, ha ahaato mid dhaqan, mid gobol, mid xisbi siyaasadeed iyo wax kasta uu u fududaynaya in aragtiyahaas ka reebka ahi ay ku xididaystaan wadankeena. Taasi kama dhigna in qataraha wax u dhimi kara dalkeenu ay ka yimaadaan oo keliya meelo ka baxsan xuduudaha Somaliland. Waxa khatar taas la mid ah keeni kara ka-feejignaan iyo dhayalsi aynu dhayalsano xad-gudubyada iyo xil gudasho la’aan ka timaada kuwa loo igmaday in ay ka turjumaan rabitaanka dadkeena.
Waxa aynu qaadanay nidaamka Dimuqraadiyada xisbiyada badan, laakiin waxa aynu hadda u muuqaanaa in nidaamkeena dimuqraadiyeed uu magac u yaal uun yahay. Waxa berigii hore badanaa qaarada Afrika ka dhici jirtay in marka uu nin keligii talis ahi uu xukun qori caaradiis uu ku qabsado uu sameyn jiray nidaam uu weligii xukunka ku haysto. Teenu waxa ay maanta u muuqataa keli-talisnimo dhawrkii biloodba dib loo cusboonaysiiyo. Habka iyo heerarka loo maro cusboonaysiinahan ayaa ah kuwo la qabitimay, muuqaalkeeda meel dheer ayaa laga gartaa, waxa ay ku bilaabantaa khilaaf siyaasadeed oo la soo macmalay oo la dhex dhigo golayaasha wakiilada iyo guurtida, khilaafyadaas oo ujeeddada keli ah ee laga leeyahay ay tahay si loo wiiqo rabitaanka shacabka, loogana hortago in doorasho xor iyo xalaal ahi ay wadanka uga qabsoonto.
Horaa loo yidhi “Kuwa ilaawa taariikhdooda, waxa lagu ciqaabaa in wixii ay soo mareen lagu celiyo” Waxa wax laga tiiraanyoodo oo aan marnaba la qaadan Karin ah in 30 sannadood ka dib aasaaskii dhaqdhaqaaqii SNM iyo kudhawaad 20 sanno ka dib la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland, ay xukuumadeenu ay shacab mudaharaadaya ay rasaas kula dhacdo magaalada Hargeysa. Xukuumada talada dalka haysaa wey ku fashilantay xilkii loo igmaday, inta ay wadanka ka talisona wax inaga dhaca mooyee, waxba inoo kordhi maayaan.
Waxa ayaan daro ah in aanay ahayn xukuumada oo keliya tan fashilantay, ee waxa daawasho iyo ceeb la qaba labadda xisbi mucaarid oo iyaguna ku guul daraysatay in ay soo bandhigaan barnaamij siyaadeed oo ay dawlad ku hagaan,  dimuqraadiyadeena kaga dhigi lahaayeen mid magacaas u qalanta.
Wax aan hore u sheegay in xikmada siyaasadu aanay saddex xisbi ku koobnayn, kuna koobnaan Karin. Dadkeenuna ay u qalmaan in loola dhaqmo in ay yihiin   kuwo kala garan kara xaqa iyo baadilka, dadka iyo xisbiyada is-bidaya in ay hayaan talooyin taabo gal ah, oo dalka iyo dadka faaiido u lehina ay helaan firaaqadii ay ku soo bandhigi lahaayeen fikirkooda.
Khatarta ay leedahay in koox gaar ah, oo u adeega danahooda gaarka ah, oo aan si dhab ah u metalin dadka ay sheegtaan in  ay ka wakiil yihiin, oo aan ficilkooda iyo fikirkooda midnaba aan ku salayneyn danta guud iyo halka dawadu ku jirto, oo taas ka door bida dan shaqsi iyo mid xisbi, waxa tusaale cad inoo ah maqiirta ku habsatay walaaleheena Soomaaliyeed, ee 20ka sanno u dabran nin ku danaysta iyo urur aan u diir naxayn.
Marka aynu qiimaynayno halka ay Somaliland taagan tahay way haboon tahay in garawsano waxyaabaha  inoo qabsoomay, waxa iyana meesha ku jirta in aynu ogaano in aynu ka kororsan karno halka aynu maanta taaganahay. Xoraynta wadanka waxa loo soo maray halgan qadhaadh oo naf iyo moodba leh. Ururkayaga UDHIS waxa uu u taagan yahay in la helo xoriyad buuxda iyo horumar siyaasadeed.”


Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: