Madaxweyne Rayaale oo ka muquurtay xuska 16aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka


Munaasibad lagu xusayay sannad-guurada 16aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka qaranka, ayaa shalay lagu qabtay qabtat taliska guud ee Ciidanka ee magaalada Hargeysa.
Xafladdaas oo sannadkan lagu maamuusay miiqaam ka hooseeyay sidii hore loogu xusi jiray, waxa ka baaqday Madaxweyne Rayaale oo la filayay inuu ka qaybgalo. Taas bedelkeeda, waxa ka qaybgalay Wasiirka Madaxtooyada oo sida uu sheegay metelayay Madaxweynaha, guddoomiyaha Baanka dhexe, Wasiir kuxigeenada Gaashaandhiga iyo Warfaafinta, hoggaanka Ciidanka qaranka iyo martisharaf kale. “Marka aynu Somaliland ka hadlayno waqtigii aynu gobonimada helnay 1960-kii waxaynu lahaan jiray Ciidan, wuxuuna ciidankaasi baaba’ay markii gobanimadeenii baaba’day. Munaasibadan aynu xusaynaa waxa weeye, la soo noqoshadii gobonimadeenii ayuu la aasaasmay, Ciidankan hadda jooga waxa la aasaasay 2-dii bishii Feebarwari 1994-kii. Sidaad ogtihiin dawladi ma dhismi karto, haddii aanu jirin ciidan amnigeeda ilaaliya. In la isu keeno ciidan beeleedyadii wadooyinka kala duwan joogay ma sahlanayn, midayntaasna dad badan ayaa ku dhintay marxalad adagna way ahayd. Waxa lagu guulaystay in 500 ee ugu horreeyey ciidanka qaranka oo ka kooban beelaha Somaliland in la isu keeno, waxaana sidaa lagu aasaasay guutooyinkii koowaad iyo labaad. Labadaa guuto gundhig ayay u noqdeen ciidanka qaranka muddadii intaa ka dambaysay ciidanka qaranku wuu soo kobcayay tiro iyo tayaba waxaanu yeeshay wixii ciidan qaran oo rasmiyi lahaa oo dhan,” sidaa waxa yidhi Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani.
Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka qaranku dalka ka soo samato-bixiyeen duruufo badan oo dalka soo maray, kuwaasoo uu xusay inay ka mid ahaayeen doorashooyinkii kala duwanaa iyo adkaynta nabadgelyada. “Ciidanka Qaranku wuxuu sugay xuduudaha dalka, markii ciidamada qaranka la qarameeyay waxa loo baahday in la tayeeyo, waxaana la sameeyay afar dugsi tababar oo kala ah Sheekh, Darar-weyne, Gorayo-Cawl iyo Biyo-guduud. Dugsiyadaa ayaa dhiboo lagu galiyay ciidamadii si loo tayeeyo awoodooda ciidanimo. Intaa ka dib waxa ciidamada qaranku laga bilaabo 2004 hawlgalo badan ka sameeyeen gobolada Barriga, gaar ahaan qabashadii Laascaanood. Goobaha aynu gaadhnay ee diiwaangelintiina laga hirgeliyay waxa ka mid ah Xudun, Baraago-qol iyo Xiin-galool. Toddobaadkii ina dhaafay waxa ciidamada qaranku ay tageen Tuko-raq iyo Holhol oo aad ogtihiin intay u jiraan Garoowe,” ayuu yidhi Mr. Nuux Ismaaciil Taani. Wuxuuna balanqaaday in Ciidanku intii awoodooda ah ay sugi doonaan soohdimada iyo amaanka dalka.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Difaaca Somaliland Axmed Maxamed (Filanwaa) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu Ciidanka ku hambalyeeyay sannad-guurada 16aad ee aasaaskooda. “Ciidankeenu wuxuu muujiyay anshax iyo kala dambayn lagu majeeran karo heerka maanta uu marayaana maaha meel qarsoon. Cadowgeena ayaa ka marag kacay tayada ciidankeena,” sidaana waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Axmed Xassan Ducaale oo sheegay inuu soo wakiishay Madaxweyne Rayaale. “Ciidankeenu sharaf ayay naga mudan yihiin, dalkana sharaf ayay u soo hooyeen,” ayuu raaciyay. “Halgankii dheeraa ee aynu ku guulaysanay ninba meel ayuu kaga jiray, waxa laga yaabaa nin ku faanaya oo dhex joogay goobtii dagaalka – waxa dhici kara in nin dibada joogay uga badsaday, wali lama xisaabtamin halgankaas. Ninba wixii uu taray, haddii dib loo xisaabtamo waxa dhici karta rag ay ku soo baxayso iyagoo halganka dhex joogay inay hagardaamo iyo lugooyo la dhex joogeen, mar uun baana la xisaabtami doonaa oo taariikhdu siday tahay loo qori doonaa. Halgankii aynu soo galay waynu ku guulaysanay, hase yeeshee weli ma dhammaan, gobonimadii waynu helnay, balse ictiraaf wali maynaan helin. Waxa loo baahan yahay in qalbiga lagu hayo inaanu wali halganku dhammaan,” ayuu raaciyay Wasiirku. Wuxuuna intaa ku daray; “Anagoo Ciidamadeena ku kalsoon, waxa loo baahan yahay in marka cadowgaagu kordhaba ay feejignaantaadu korodho.”
Dhinaca kale, ma cadda sababta keentay in Madaxweyne Rayaale ka muquurto ka qaybgalka xuska Ciidanka qaranka oo lagu waday inuu ka qaybgalo. Taas bedelkeeda, waxa uu Madaxweyne Rayaale dhambaal qoraal ah oo hal sader ka kooban u diray Ciidanka qaranka iyo xaasaskooda.
Sida lagu sheegay qoraalkaas kooban ee Madaxtooyadu soosaartay, Madaxweyne Rayaale waxa uu Ciidanka qaranka ku amaanay sugida amniga dalka, iyadoo ay mandaqada Geeska Afrika ka jiraan xaalado xasilooni daro. “Waxaan aad ugu hanweynahay kaalinta wax-ku-ool ka ah ee Ciidamada Qaranka ay ka qaateen sugida Nabadgelyo iyo xasiloonida ay Somaliland ku naaloonayso, iyadoo aan ka war hayno xasilooni-darada iyo dagaalada ka aloosan meelo badan oo ka mid ah Mandaqada aynu ku noolnahay,” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkaa kooban.
Qoraalka laguma sheegin sababta ka baajisay Madaxweynaha ka baajisay ka qaybgalka xuskaa. Hase yeeshee, sida muuqata waxay ka muquurashadiisu la xidhiidhaa derajo la’aanta Ciidanku ku lix iyo toban jirsadeen oo uu xusaskii dhawrkii sannadood ee u dambeeyay hortooda ka balanqaaday.
Xigasho: Wargeyska Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: