Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal


 Halkan ka akhri wararkii wargeyska maalinlaha ee OGAAL ee ka soo baxa magaalada Hargeysa. 

Dawladdu miyay amartay in barakacayaasha Laascaanood ku sugani guuraan?

Xukuumadda oo ka hadashay waqtiga uu qaadan doono go’aan ay ku xayirtay Isgaadhsiinta G. Sool
Waxan wax lagu qarxinayay waa Telefoonadaa la isticmaalayay, hawshanina wax wayn bay…”
Wasiirka Daakhiliga Somaliland…….WARAYSI GAAR AH
-Yaad u aanaynaysaan qaraxyada Laascaanood, Al-Shabaabse lug ma ku yeelan kartaa?
Hargeysa 06, Feb.2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay waqtiga uu qaadan doono go’aan ay 25-kii bishii aynu ka soo gudubnay ku xayirtay Isgaadhsiinta gobolka Sool, gaar ahaan khadadka telefoonada gacanta ee Mobile-ka iyo Internet-ka.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ka mid ah wefti Xukuumadda ka socda oo muddo laba todobaad ah ku sugnaa Laascaanood oo uu xalay xog-waraysi kooban khadka telefoonka Landline-ka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka hadlay warar sheegaya in Xukuumaddu soo saartay go’aan ay dadka ka soo barakacay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ee ku sugan Laascaanood ku farayso inay muddo kooban magaaladaas kaga guuraan, waqtiga uu qaadan doono go’aanka ay ku xayireen Isgaadhsiinta gobolka Sool, muddada ay halkaas joogi doonaan iyo qodobo kale. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga jawaabay cidda ay la tahay inay ka dambeeyaan qaraxyada Laascaanood, waxa uu u dhacay sidan;
S: Wasiir; waxa la sheegay inaad go’aan ka soosaareen dadka ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan Laascaanood oo aad farteen inay ka guurtaan magaaladaas, bal arrintaa ka waran?
J: Waxba kama jiraan (go’aankaas).
Somaliland dadka Soomaaliya ka soo barakacay hadday Hargeysa tahay iyo hadday halkan (Laascaanood) tahayba, weli siyaasad dawladda ah oo ay go’aan ku gaadhay inay dadkaas dalka ka saarto lama gaadhin.
S: Laakiin, warbaahinta qaarkood – gaar ahaan kuwa Puntland, waxay faafiyeen inaad muddo u qabateen in dadkaasi kaga guuraan Laascaanood?
J: Maya – waa been, waxbana kama jiraan….Dadka qaxootiga ah ee halkan (Laascaanood) jooga ama meelo kale jooga, weli go’aan ay dawladdu gaadhay oo ay tidhi ‘kaga baxa’ ma jiro.
S: Wasiir; waxa jira in muddo todobaad ka badan Isgaadhsiintu ka go’an tahay Laascaanood, markaa go’aan aad Isgaadhsiinta gobolkaas ku xayirteen maxay ka taraysaa dhinaca amniga?
J: Amaanka wax wayn bay ka tartay. Waxay ka taraysaa waxa weeyaan; waxan wax lagu qarxinayay waa Telefoonadaa la isticmaalayay. Sidaa awgeed, wax wayn bay hawshani ka taraysaa nabadgelyada. Kollay Telefoonadu weligeed ma xidhnaanaysee, intay hawshani socoto ayuun baa nabadgelyada awgeed loo yara hakiyay, laakiin maaha xadhig weligeed ah.
S: Markaa Shirkaddaha ma siiseen waqti cayiman oo ay dib ugu hawlgeli karaan?
J: Mayee waqti maanu siinine, insha Allaah go’aan baanu dhakhso uga gaadhi doonaa.
S: Dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in xidhnaanta Isgaadhsiintu ay sahli karto in cid cadow ahi warar khaldan oo deegaankaas ku saabsan faafin karto, bal taas ka waran?
J: Taas waxba kama jirto – sidii looga badbaaday baa wax kasta ka muhiimsane, wax jaahwareerin ahi waxba kama tarayso oo ma yeelayso. Laakiin, mid ilaa weligeed ka xidhaanaysa maahee, si dhakhso ah baa go’aan looga gaadhayaa.
S: Intee bay qaadan doontaa muddada hawlahaa aad ka wadaan Laascaanood?
J:  Walaahi Illaahay baa og. Kollay halkani waa meel dalka ka mid ah oo halkan (Laascaanood) haddaanu joogno iyo haddii aanu Hargeysa joognaba shaqo qaran uun baanu haynaa. Markaa haddaanu halkan muddo dheer sii joogno iyo haddaanu xafiiska Hargeysa joogno, labaduba hawlmaalmeedkayagii anagoo wadana uun bay la mid tahay.
S: Wasiir; qaraxyada muddooyinkii u dambeeyay ruxay Laascaanood ma jirtaa cid aad u aanaynaysaan inay ka dambayso?
J: Dhawr goor oo hore ayaan sheegay qaraxyada oo cid kasta oo wax qarxisa, waxaanu u aragnaa uun Argagixiso.
S: Al-Shabaab lug ma ku yeelan kartaa?
J: Magaca horaanu u sheegnay oo aanu ugu celcelinay oo waxaanu nidhi ‘Argagixisadu abtirsiimo ma laha.’
Askari ka waramay dagaal Budhcad-Badeed oo uu ku dhaawacmay
“Subaxnimadii Khamiistii ayaa Xerada waxa noogu yimi Laash yar oo Carbeed, waxaanay noo sheegeen..”
Askariga dhaawacu soo gaadhay
Ceerigaabo, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- Askari ku dhaawacmay dagaal dhex maray Koox Budhcad-Badeed Soomaali ah iyo  Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, gaar ahaan kuwa saldhigga Maydh, ayaa ka waramay sida uu dhaawacaasi u gaadhay.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee Gobolka Sanaag Cabdilaahi Xuseen Darwiish, khamiistii aynu ka soo gudubnay, ayay ahayd markii Koox Budhcad-Badeed Soomaali ahi ay Markab nooca ganacsiga ah oo laga leeyahay dalka Libya, isla markaana uu ka dul babbanayo calanka dalka Waqooyiga Kuuriya oo ay afduubeen ay la tageen Deegaanka Gacan oo ilaa 10km dhinaca bariga ka xigta Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Kuwaas oo isla khamiistii ay dadka deegaanku ku guulaysteen in halkaa laga saaro, waxaanay Budhcad-Badeeddaas iyo Markabkii ay wateenba u amba-baxeen sida Wararku sheegayaan Deegaannada Garacad iyo Dhanaane ee Puntland iyo gobolka Mudug.
Dhinaca kale, isla Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Koox Budhcad-Badeed ahi ay rasaas isku waydaarsadeen Deegaanka Maydh, ka dib markii Kooxda Budhcad-Badeedda ahi isku dayeen in ay afduubaan Doon laga leeyahay dalka Yemen. Halkaasna waxa ku dhaawacmay hal Askari oo ka mid ah kuwa Ilaalada Xeebaha Somaliland.  mar uu Askariga dhaawacmay ka hadlayay sida uu dhaawacu u gaadhay, ayaa wuxuu yidhi, “Subaxnimadii hore ee Khamiistii ayaa Xeradii Ciidanka waxa noogu yimid Laash yar oo Carbeed oo noo sheegay nimankan Budhcad-Badeedda ah,  kaddibna Koox Askar ah ayaannu ku fuulnay laash Ciidanku leeyahay. Sidaas ayaanu dagaalka dhaawacyadani igasoo gaadheen nagu dhexmaray annaga (Ciidanka) iyo budhcad-badeedda, markii danbena xagga badweynta ayay nimankaasi u kaceen.” Sidaa waxa yidhi Muuse Barre Sugulle oo ka mid ah Ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee fadhigoodu yahay Magaala-xeebeedka Maydh oo dhaawac ka soo gaadhay isku-dhacaas u jiifa Cusbatalka Ceerigaabo, una waramay Weriyaha Ogaal ee Sanaag.
“Hawshaan hayo haddaan rag u waayo taariikh baan reebi doonaa sidii Sayid Maxamed Cabdalle”
Xasan Daahir Aweys
Muqdisho, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- Hoggaamiyaha Kooxda Xisbul-Islaam ee ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya Xasan Daahir Aweys, ayaa sheegay in hammigiisu uu yahay in aanu joojin hawlaha uu faraha kula jiro ee dagaallada, waxaanu sheegay in uu ku tallamo in uu taariikhda galo.
Xasan Daahir Aweys oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in dad uu horkacayo Guddoomiye-xigeenkiisii Xasan Cabdilaahi Xirsi (Xasan-Turki) ee ka baxay Ururkiisu aanay wax badan u dhimi doonin geeddi-socodkii Kooxdiisa. Waxaanu arrintaas ku tilmaamay diciifnimo tusaale u ah Siyaasiyiinta Soomaalida, isla markaana ay tahay mid sharci-darro ah oo aanu waxba kala ogayn.
Xasan Daahir waxa uu Kooxda Al-Shabaab ku eedeeyay inay ka baxeen Heshiis ay hore u wada gaadheen, kaas oo nuxurkiisu ahaa in aan shaqsiyaad gaar ahi si madax-bannaan aanay ugu biirin labada dhinac.
Mar la waydiiyay waxyaabaha mustaqbalka u qorshaysan haddiiba uu u xal waayo arrimaha Ururkiisa, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dabcan, Camalka aan ku jiro haddii aan rag u helana waa sii wadayaa, hadii aan u waayana Taariikh ayaan reebi doonaa sida Sayid Maxamed Cabddulle Xasan.”
Dhawaan ayay ahayd markii Xasan-Turki oo ahaa ku-xigeenkii Xasan Daahir Aweys iyo koox uu horkacayaa ay ku biireen Kooxda kale ee Al-Shabaab, taas oo keentay in Xasan Daahir Aweys uu ka biyo-diido.
Masuul ka tirsan Dawladda Shariifka ee Soomaaliya oo ka hadlay arrimaha Somaliland
Addis Ababa, 06 Feb 2010 (Ogaal)- “Hawlo badan ayaa horyaala sannadkan shacabka Somaliland oo ay doorashadu ka mid tahay, iyadoo calaamad wayn ay noqon karto sidaad uga baxdaan (Reer Somaliland), waa inay noqotaa doorasho xalaal ah oo xisbiyadu ay muujiyaan sidii horeba kuwa aqbala go’aamada ka soo baxa, waanan ka naxnay markii aanu maqalnay in goleyaashii (Khilaafka Guurtida) qaarkood is-haystaan.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Cabdirashiid Seed oo ah safiirka Dawladda Ku-meel-gaadhka Somalia u fadhiya Ingiriiska.
Mr Cabdirashiid oo isaga oo ku sugan xarunta AU-da toddobaadkii tega ugu waramayay weriyeyaal ka socda Somaliland oo shirkaa ka qaybgalay waxa uu sheegay in Somaliland looga baahan yahay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahaayeen samaysiga nabadgelyo iyo amaan lagu waaro. Isla markaana waxa uu qiray inay Somaliland ka bixi karto doorashooyinka hadalhayntoodu badatay ee la sugayo, waxaanau hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaanu aaminsanahay inay ka bixi karaan doorashada Reer Somaliland, waana in dadka la isku duubaa, annaguna haddii aanu nahay Soomaaliya waanu u baahanahay, waana inay Somaliland iyo Soomaaliya iska kaashadaan dhinacyo badan.”
“Wadankiina Somaliland ayaa lagu tilmaamaa tallaabo fiican, markii shirar aanay beesha caalamku ka taageerin ay ku badhaadheen oo ilaa hadda dawladda Somaliland ka jirtaa ay ku dhisan tahay, Soomaaliya-na waxaan u rajeynaynaa in dadkeedu garto in loo baahan yahay in dadkeedu isku-tiirsanaadaan oo dalkooda dhistaan oo dawlad shaqaysa samaystaan. Markaa dadka Soomaaliya, waa inay gartaan inay dawlad u baahan yihiin, walaalahayaga Reer Somaliland-na ay ogaadaan inay ku taakuleeyaan Soomaaliya wixii suuragal ah ee ay gacan ka geysan karaan oo aanay odhan shalay ayaanu Soomaaliya ka mid ahayn oo waanu ka go’nay, balse ay gartaan in walaaladood u baahan yihiin, waayo waxa jira waxyaabo badan oo labada dal ka dhexeeya oo loo baahan yahay in layska kaashado, markaa kolay dawlada Somaliland inay diiradda saarto arrimaha Soomaaliya ayaa looga baahan yahay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Cabdirashiid Seed.
“Anigu Cabdrashiid ahaan, waxaan ahaa nin ka warqabay amuuraha Somaliland ilaa halgankii SNM, saaxiibo badana waan ku leeyahay,” ayuu yidhi Mr Cabdirashiid, isaga oo dib u jalecayay halagankii SNM-na wuxuu intaa raaciyay, “Anigu waxaan aaminsanahay tallaabooyinkii halganka loo galay, wax wayn ayaa laga gaadhay. Inta dhimana waxay ku xidhan tahay siday dadka Reer Somaliland isugu duubnaadaan oo ay go’aanada u qaataan, doorashaduna u dhacdo oo siyaasad majaro adag leh oo loola tago beesha caalamka ay u samaysan lahaayeen.”
Isaga oo tixraacayay rabitaanka Somaliland ee aqoonsiga caalamiga ah wuxuu yidhi, “Siyaasadu waa sida aad kolba gudaha ka tahay, haddii uu guduhu (Gudaha Somaliland) isku duba-dhaco, dibadu waxba maaha. Aqoonsiga ay Somaliland meel kasta u tagto, waxa ka muhiimsan kolba xaaladda gudaha ka jirta iyo sida aad kolba Soomaaliya ula heshiisaan.” “Dawlad waxa la yidhaahdaa shacabka, haddii uu shacabku la jiro dawladda way shaqaynaysaa, meel kastoo dunida ah haddii aanu shacabku ilaalinayn dawlada, taasi waxay noqonaysaa mid caqabado ka horyimaadaan. Dawladu waa inay noqoto mid shacabku ku tiirsan yahay oo shaqaysa. Annagu beesha caalamka waanu ku dhex-jirnaa, welina waxaanu kala hadlaynaa inay xoojiyaan gacantii ay dawlada siin lahaayeen, gaar ahaan xagga nabadgelyada in laga taageero. Laakiin, Soomaaliya waxay noqotay goob laga fuliyo tallaabooyin lidi ku ah mandaqadda oo dhan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.
Isaga oo ka niyad-xun xaaladda xilligan ee Soomaaliya wuxuu intaa ku sii daray, “Beesha caalamku si kastoo ay kuu garab-istaagan yihiin, haddii aanad wadankaaga hagaajisan oo aanay Soomaalidu garanin inaanay jirin cid kale oo gurigooda u hagaajinaysa, waxba ma jiraan.”
Somaliland: Dal rejaynaya in Dalxiisku sabab u noqdo in uu ka muuqdo khariiradda
Hargeysa, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- “Waxa jira meelo aanad u tixgelin karin in fasax loot ago. Inkasta oo dhawaan dalka Ciraaq lagu tegay booqashooyin taxaddir leh, haddana Soomaaliya waxay ku sugan tahay xad-ka-bax. Waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo Islaami ah oo ku hanwayn sheegashada xidhiidh ay la leeyihiin Al-Qaacida, dagaallo sokeeye oo tobannaan sanno socday oo u dhaxeeyay Qabiilo iska horjeeda. Ma jirto fursad la siiyay dhaqanka Soomaalida iyo Miyiga toona.” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin dheer oo ka hadlaysa isbarbar-dhig lagu sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya, kana waramaysa xaqiiqda Somaliland.
Warbixintan oo ku qornayd Afka Ingiriisa, laguna baahiyay Shabakadda Wararka ee Gadling, isla markaana Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay, ayaa dib u milicsanaysa sooyaalka Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee waqtiyo kala geddisan.
Warbixintaas oo dheerayd ayaa qayb ka mid ah oo aanu idiinka soo turjunnay waxay u dhignayd sidan;
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku taala qaybta Waqooyi ee halka Khariiraduhu had iyo jeer u dhigaan inay tahay Soomaaliya. Dadka qaarkii waxay daneeyaan Warka sheegaya in Soomaaliya mar uun ay ahayd dal midoobay, laakiin, gobolkani (Somaliland) oo inyar ka wayn England, isla markaana hoy u ah 3.5-Milyan oo qof, ayaa awooday in uu xasilooni iyo horumar Dimuqraadiyadeed u keeno dadkiisa. Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska sanadkii 1960-kii, waxaanay si degdeg ah markiiba ula midowday Koonfurta oo uu Talyaanigu gumaysanayay, si ay u abuuraan waxa hadda aynu u naqaano Soomaaliya. Kali-talis arxan daran iyo dagaallo sokeeye ka dib, waxay mar kale Somaliland madax-bannaani ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii, waxaanay dhisteen Qaran, halka Soomaaliya ay dhex daballanayaan qalalaase. Laakiin, ma jiro dal Somalilan u aqoonsaday qaran madax-bannaan, taas oo keentay in ay aad u adkaato in ay hesho maal-gashi Caalami ah.
Imika masuuliyiinta Somaliland waxay rejaynayaan in uu kor-u-kaca dalxiisku uu ka caawin doono in dalkoodu ka muuqdo Khariiradda. Waxay xidhiidh joogto ah la leedahay deriskeeda Itoobiya iyo Jabuuti, waxaanay wakiilo ku leeyihiin magaalooyin kala duwan oo badan. Wasaaradda Dalxiisku waxay ku mashquulsan tahay samaynta qorshayaal…Sanadkii 2008 qaraxyo ka dhacay Hargeysa oo loo adeegsaday Gaadiid, laguna eedeeyay Al-Shabaab, ayaa keenay dhimasho keenay. Waxa jira duullimaadyo joogto ah oo isaga goosha Hargeysa, Addi-Ababa iyo magaalooyinka kale ee Mandaqadda. Xafiiska Somaliland ee Addis-Ababa (kaas oo aanay Dawladda Itoobiya u aqoonsanayn Safaarad ahaan) ayaa kuu soo saari karta dal-ku-galyada (Visas) iyo talo-bixinnada la xidhiidha.
Arday ka qalin-jebisay Mac-hadka Luqadaha iyo culuumta Caafimaadka ee AFLAX
Hargeysa, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- 102 Arday oo ka qalin-jebiyay Mac-hadka Luuqadaha, xisaabaadka iyo culuumta Caafimaadka ee Aflax, ayaa xaflad loogu qabtay khamiistii Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), ayaa dugsiyada dalka u soo jeediyay in ay maadooyinka ay dhigaan ku soo kordhiyaan xiisad ku saabsan wadaniyada si ardayda ay soo saarayaan u noqdaan qaar jacel dalkooda. Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay Munaasibadda loo qabtay dufcaddii 18aad ee ka qalin-jebisa Mac-hadka Aflax, kuwaas oo muddo laba sanno ah Luuqadaha, Ingiriisiga, Carabiga, xirfadda Koombuyuutarka iyo Caafimaadka ka baranayay Mac-hadkaas, isla markaana shahaadooyin la guddoonsiiyay Khamiistii.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), oo xafladaas ka hadlay hadalladiisii waxa ka mid ahaa; “Mac-hadka Aflax runtii waxaan uga mahadnaqayaa dedaalka dheer ee ay ku soo saareen 18 dufcadood ee ka qalin-jabiyay, waxaan jeclaan lahaa in dugsiyadeenna lagu daro maaddo wadaniyada la xidhiidha, waxaan Machadka Aflax u soo jeedin lahaa in uu ardayda u dhigo  wadaniyada si ardayda ay soo saarayaan u noqdaan kuwo jecel dalkooda.” Waxaau intaa ku daray oo uu yidhi, “Ardayda maanta waxbaranaysa way naga nasiib badan yihiin, waayo waxaad arkaysaa arday internet-ka wax ka baranaya. Anaga waqtigayagii may jirin, sidoo kale imika waxaad arkaysa qaar telefiishanada kala socda barnaamijyo waxbarasho. Waxaan ardaydan qalin-jabisay iyo kuwa kaleba ugu baaqayaa in ay u dedaalaan ka midho-dhalinta geedi-socodka waxbarasho.”
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada, ayaa hadal uu xafladaas ka jeediyay isna waxa ka mid ahaa; “Runtii anigu Mac-hadkan Aflax aad iyo aad baan xog-xogaal ugu ahay mudaddii la bilaabay illaa maanta, waa dugsi tayadiisa waxbarasho aad u fiican tahay, kaasi oo ardayda waxtar weyn u ah. Waxaan u mahadnaqayaa mas’uuliyiinta iyo macallimiinta dugsiga Aflax oo aan leeyahay dedaalkiinna halkaa ka sii wada. Sidoo kale, waxaan kula tallinayaa ardaydan qalin-jabisay in ay sii wataan oo ay kororsadaan aqoontooda, waxaan ay bartayna uu yahay furihii waxbarashada.”
Maamulka Dugsiga Aflax Mr. Axmed Ismaaciil Maxamed oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga la aasaasay sanadkii 1996-kii, isla markaana ay ka qalin-jabiyeen 18 dufcadood oo ay ku jiraan ardaydan maanta qalin-jabisay. “Ardaydan qalin-jabisay oo ah dufcadii 18aad, waxay iskugu jiraan 47 arday oo Ingiriisiga bartay, 21 Carabiga bartay, 14 Kombiyuutarka dhammaystay iyo 10 arday oo qaatay gargaarka degdega ah ee caafimaadka. Waxa kale oo sii kordhaya ardayda dugsiga sanadba-sanadka ka danbeeya, waxaana awoodda koowaad saarnaa luuqadaha oo aanay jirin Kulliyadihii Jaamacadaha ee laga dhigan jiray,” ayuu yidhi Axmed-Aflax.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay, isla markaana ardayda dardaraan iyo waano u soo jeediyay Guddoomiyaha Ururka Sufuxiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).  Waxa xafladii qalin-jabinta ee dufcada 18aad ee Machadka Aflax lagu soo bandhigay bandhig faneed ka tarjumaya qiimaha waxbarashada.
Budhcad-baddeed Soomaali ah oo lacagtii
ugu badnayd ka dalbaday Markab ay haystaan
Nairobi 06, Feb.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Koox Budhcad-baddeed Soomaali ah oo uu u afduuban yahay Markab laga leeyahay dalka Ingiriiska, ayaa dalbaday in lacagtii ugu badnayd ee ay madax-furasho ahaan u dalbadaan laga siiyo Markabkaas.
 Sirdoonka dalka Ukraine ayaa sheegay in kooxaha Budhcad-baddeeda ah haysta Markabkaa Ingiriiska laga leeyahay oo siday shixnad gawaadhi ah, ay sii dayntiisa ku xidheen 15 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Markabkaas oo lagu magacabo Asian Glory oo ay saarnaayeen shaqaale u kala dhashay dalalka Ukraine iyo Bulgaria, waxay Budhcad-baddeeda Soomaalidu bishii aynu ka soo gudubnay ee January ka afduubeen meel 600 oo Mayl kaga beegan xeebaha Bari ee Soomaaliya, xilli uu ka soo shiraacday dalka Singapore kuna sii jeeday wadanka Boqortooyada Sucuudiga.
15-ka Milyan ee doolar ee Bad-jiifka Soomaalidu ku xidheen sii daynta Markabkaas, waxa la sheegay inay tahay lacagtii ugu badnayd ee ay madax-furasho ahaan u dalbadaan.
Budhcad-baddeeda Soomaalida ee ka Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha Xeebaha dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed, waxay haatan degaanka Puntland oo ay gaboodsadaan ku haystaan lamaane u dhashay dalka Ingiriiska oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo, kuwaasoo ay sii dayntooda ku xidheen 2 Milyan oo doolar, iyadoo dawladda Britain ku adkaysatay in aanay lacag madax-furasho ah ka bixinaynin lamaanahaas.
Jidkee ayay Somaliland u maraysaa fursaddaha uga banaan AU-da?
Shirweynihii Afrika: Hadallo waqti keenay iyo hoos-u-dhaca saamaynta Somalia
Cabdiweli F. Jaambiir
Addis Ababa, 06 Feb 2010 (Ogaal)- Waxay ahaayeen kuwo qirsan in dib-u-dhac balaadhani ka jiro manddaqadihii ay ka kala yimaadeen. Midna midka kale kumuu diidanayn horumar la’aanta ka taagan qaaradan. Sidoo kale, mid kasta daah kamuu saarnayn habka uu dadkiisa uga saari karo xaaladdaha dhaqaale-xumo, faqiirnimo, caafimaad-darro iyo wax-qabad la’aaneed ee haysta dadyowgooda. Hase yeeshee, marinkii ku haboonaa ee loo mari lahaa furfurnaanta dhaqaale, siyaasadeed, wax-soo-saar iyo casriyaynta dalalkooda, ayaa hogaamiye kasta calaamad su’aal ula muuqata, maadaama oo ay badidoodu u akayaan in siyaasaddaha furfurnaanta dhaqan-dhaqaale ka horimanayso sii-jiritaanka maamuladooda.
Haddaba, qormadan waxaynu ku eegi doonaa kulan-madaxeedkii Afrikaanka, qorshaha iyo ololaha Liibiya ee isbedel lagu sameeyo guud ahaan qaab-dhismeedka AU-da iyo xulufo u-raadsigooda, qiimayn la’aanta natiijooyinka shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dalalka Afikaanka, ku-dhawaaqidda xalinta mashaakilaadka qaarada ka jira iyo wax-qabad la’aanta ka dambaysa, hoos-u-dhaca hadal-hayneed iyo wax-qabad ee mashkiladdaha Somalia…balse aynu ku horayno Shir-madaxeedka AU-da natiijooyinka lagu gaadhaa maxay u soo kordhiyaan qaaraddan, maxaa layska yidhi Somalia, qaddiyada Somaliland-se halkee loo mari karaa?
Qorshihii Qandaafi iyo Dardartii Bingu Wa Mutharika
Hadii aynu ku horayno Ololaha Qandaafi iyo Shirmadaxeedkii dhawaan ka dhahcay Addis Ababa, Madaxweyneyaasha iyo Hogaamiyeyaasha Afrika, marka laga reebo dhawr dal kulan-madaxeedkii sannadkan ee AU-da waxa uu mid kastaaba ugu yaraan soo qaddimayay canaano la xidhiidhay xaqiiqooyinka horyaala iyo marinkii lagaga gudbi lahaa aafooyinka Afrikaanka ka ragaadiyay horumar ay gaadhaan iyo inay la qabsadaan calaamka intiisa kale. Iyadoo ay sidaa tahayna, cidda horumarka laga sugayaa waa iyaga uun! Mid kastaaba wuxuu isku deyay inuu tilmaamo dhibaatada dalalka kale ka jirta, iyada oo uu afka ka dhawrayo dhib kastoo dalkiisa ka taagan. Sidaa daraadeed, Madaxweyne Mucamar Al Qandaafi oo dalka Liibiya soo xukumayay 41 sannadood, ayaa ahaa guddoomiyaha AU-da sannadkii tegay. Khudbad uu jeediyay markii uu xilka guddoomiyenimada Afrika wareejinayay waxay ka tarjumaysay in Ururka AU-da laftiisu aanu ahayn mid kala-dambayn iyo nidaam maamul raacaya, waxaanu u muuqday markaa mid durayay dalal xubno ka ah ururka, balse weerarkiisaasi wuxuu la maray in ururkii uu sannadka madaxa ka ahaa ku tilmaamo wax aan soconayn, isla markaana isbedel loo baahan yahay.
La soco cadadka dambe……………………….

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: