Hargeysa: Xawaaladda Qaran Express oo Aqoon-isweydaarsi u furtay Shaqaalaheeda


Hargeysa, (NNN)- Xawaaladda Qaran Express ayaa shalay Aqoon-isweydaarsi la xidhiidha nidaamka xawilaadda Lacagta ee Caalamiga ah u furtay Shaqaalaheeda dibedda iyo gudaha dalkaba.
Furitaankii aqoon-isweydaarsigaas oo lagu qabtay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa, isla markaana socon doona muddo laba maalmood ah, waxa ka qayb galay Wasiirada, Duulista Hawada Cali Maxamed Warancadde, Guriyaynta Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, Wasiiru-dawlayaasha Caafimaadka iyo Shaqada Axmed Cali Shire, Arrimaha gudaha Farxaan Jaamac Ismaaciil iyo Wasiir-xigeennada Ganacsiga Cabdixaliim Axmed Muuse, Cadaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo), maamulka iyo masuuliyiinta Xawaaladda Qaran, Xildhibaanno iyo marti-sharaf kale oo badan.
Ugu horrayn waxa munaasibaddaas hadal furitaan ah ka jeediyay maamulaha guud ee Xawaaladda Qaran Mr. Cabdilaahi Jaamac oo marti-sharaftii iyo shaqaalaha Xawaaladdaba uga mahad-naqay sida ay uga xaadireen Aqoon-isweydaarsigaas.
Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Guddoomiyaha guud ee Xawaaladda Qaran Cabdulqaadir Xaashi Jimcaale oo ka warbixiyay ujeedada aqoon-isweydaarsiga, isla markaana ka waramay aasaaskii Shirkaddan. “Xawaaladdan waxa la aasaasay sanadkii 2005, waqtigaas oo gacansato Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen, kuna kulmeen Dubai, kuwaas oo ku talo-galkoodu ahaa in ay Xawaaladdu kaalinta afraad ee Xawaaladaha ku gasho muddo 12 bilood ah. Hase ahaatee, laba sanno gudahood ayay Shirkaddu ku gaadhay halkii la higsanayay.” Ayuu yidhi Cabdulqaadir Xaashi. Waxaanu sheegay in ay dalka ku soo kordhiyeen habka xawaaladda degdegga ah oo uu sheegay in Shirkaddooda lagaga daydo maanta.
Waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiye-xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad oo ku dheeraaday muhiimadda ay leeyihin Shirkadaha Xawaaladda iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka, waxaanu maamulka shirkadaha kale ugu baaqay in ay xawaaladda Qaran kaga daydaan horumarka sida uu sheegay ay gaadhay.
Masuuliyiintii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Duulista Hawada Cali Maxamed Warancadde oo mahad-naq ka sokow hadalkiisa ku bilaabay, “Waqtigii Xawaaladdan la aasaasayay ayaa qolo ii timi oo ay igu tidhi miyaad wax ku darsanaysaa, waan yar shakiyay oo fulay waa belo’e waxaan is-idhi armay kaa lumaan 2-da Kun (Dollar) ee aad ku darsataa, laakiin maanta ayaan garanayaa ee cid baaban iga yeelayn in aan ku biiro..Waxaynu u baahanahay haddaad Xawaaladaha tihiin in aad inaga ilaalisaan maydhaanka (maydhista) Lacagta.” Waxaanu Dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay Somaliland iyo Somalia labadaba ay iyagu soo geliyeen Lacagta Dollar-ka madow oo uu sheegay in waqtigii Maraykanku Soomaaliya ku jiray dalka keenay, iyaga oo ka cabsi qaba in Doollarka laga dhaco haddaanay mid madow aanu ahayn.
Mr. Warancadde wuxuu Shirkadaha uga digay inay shaqo-qorista ku saleeyaan qaab Qabiil. “Waxaynu u baahanahay caddaalad, waayo Ganacsatadu gurigooda kalamay iman Lacagta ee markay shaqaalaha qorayaan hadday ehelkooda ku koobaan, noqon mayso shirkaddu shirkad Qaran ee waxay noqonaysaa mid qabiil..Ilaahay baan idinku dhaaryee Shirkadahoow 10% ka dhiga shaqaalaha ehelkiina, 90% kalena umadda klae ka dhiga, si aad taageero uga heshaan Shacabka, taas ayaa dalkana u wanaagsan.” Ayuu yidhi Warancadde. Waxaanu sheegay in aanu waligii cid u kaxaynin, si ay qabiilnimo shaqo ugu qoraan.
Waxa sidoo kale, isna halkaa ka hadlay xoghayaha guddida dhaqaalaha Golaha Wakiilada Xil. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo sheegay in dadkii aqoonta lahaa ee ganacsiga hagi lahaa ay u qaybsameen in haajirtay iyo in u shaqaysa shirkado gaar ah. waxaanu sheegay in ay Gole Wakiilo ahaan ansixiyeen Xeerkii Bangiyada Islaamiga ah.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Axmed Cali Shire. “Xawaaladaha iyo Shirkadaha Telefoonnadu waa kuwa shaqada ugu badan dalka ka qabta, haddaanay jirina wax badani may qabsoomeen..Shirkadaha waxaan idhaahdaa ha laga faa’iidaysto fursadaha hadda bannaan, sababtoo ah waxa iman doonta maalin aynu sida Dawladaha Dunida u fikirno oo fursad la heli maayo, wax walibana qaali bay noqon doonaan.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qolooyinka Baasaboorrada sita ee dhoofa iyo dadka tahriibay waqti baa iman doona ay ku adkaan doonto inay dalka soo galaan oo ay dal-ku-galka dalka helaan, isla markaana ay adkaan doonto nin dambe oo Baasaboor iska sita oo dalka soo gala.”
Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sooyaalkii taariikheed ee hab-gnacsiga Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in aan Ganacsi ka hirgaleen dalka haddii aanay nidaam dawladnimo iyo kala-dambayni jirin. “Muuqayga oon jirin, muunad yeelan maysid..idinkuna (Ganacsatada) Lacagtii baad soo hesheen, anaguna Liisanka ayaanu idiin jaraynaa. Waxaana wanaagsan in Ganacsato ahaan aad qabataan wixii inaga dhiman kaalintiina..Maxkamaddii Ganacsiga ayaananu anagu Xukuumad ahaan hadda idiin samaynaynaa, si aanay kiisaskiinu idiinka dhex galin Maxkamadaha dembiyada.” Ayuu yidhi Wasiir-xigeenka Cadaaladdu.
Khabiirka bixinayay duruusta tababarkan oo u dhashay wadanka Ingiriis, Simon Davis ayaa kulankaas kaga waramayay tusaalayaal uu ka bixiyay Xawaaladaha caalamiyan qawaaniinta looga baahan yahay ee caalamku u samaystay in lagu maamulo, laguna dhaqo ama lacagta lagu kala xawilo.
Waxa sidoo kale, halkaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, ku-xigeenkiisa Cabdixaliim Maxamed Muuse, Cabdiraxmaan Muxumed Xirsi oo ah aqoonyan, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nidaamka Xawaaladdaha iyo sida loogu baahan yahay in ay Bangiyo noqdaan.
Countesy: Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: