Axmed-Siilaanyo oo eedayn u jeediyay Xukuumadaha Kenya iyo Somaliland


Hargeysa, (NNN) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa difaacay booqashadii Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, isla markaana Xukuumadda iyo Hay’adaha gargaarka ku dhaliilay in aanay wax taageero ah gaadhsiinin dadka waxyeelladu ka soo gaadhay Roobab maalmihii laga soo gudbay ka da’ay Deegaanno ka tirsan Somaliland.
Mr. Siilaanyo waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku kalsoon yihiin hawl-maalmeedka Komishanka Doorashooyinka Somaliland, waxaanu ka warbixiyay kulan dhex maray KULMIYE iyo Komishanka, isaga oo xusay in ay ku qancayaan wixii ay soo saaraan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ka hadlay lammaane Ingiriis ah oo lagu haysto Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo uu baaq u jeediyay Budhcad-Badeedda afduubka u haysta.

Waxa uu Guddoomiyuhu sidaa ku sheegay Waraysi uu la yeeshay Khadar Cali Xuseen (Shiine) oo ka tirsan Shabakadda Oodweynenews, kaas oo u dhacay sidan;

S: Guddoomiye, ugu horrayn sideed u aragtaan dacwadda loo maleegayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo lagu eedeeyay socdaalkii uu ku yimi Somaliland in uu dhiirigeliyay goonni-isu-taagga Somaliland?

J: Arintaa waxaan u arkaa in ay tahay arin ayaan-darro ah, xaq iyo gar toona aan ahayn. Faarax Macallin waa nin weyn oo xil aad u culus ka haya dalka Kenya iyo Baarlamaankiisa. Haddii uu Somaliland yimi maaha meel ka caaggan xidhiidhka dunida, madax faro badan ayaa timaadda, madaxdeenu-na meel kasta way tagaan. Adduunka madaxdiisa oo dhan ayaanu aragnaa, Waddan aanan booqan ma jirto hadii aanu nahay Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaridka ahba. Somaliland waa dal u dagaalamaya xoriyaddiisa aqoonsiyeed cid uu dhibaato u geystaana ma jirto, waa dad iyo dal mandaqadda Geeska Afrika ee ay ka mid tahay Kenya u taagan xasiloonida iyo nabad-ku-wada noolaanshaha, waan-na arinta ugu qaalisan ee laga heli karo mandaqadda (nabadgelyada Somaliland). Maanta waxay ahayd wax alle wixii u taagan la-dagaalanka budhcad-badeedka, u-dagaallanka xasilloonida, deganaanshaha Gobolka, Dimuqraadiyada iyo aduunka-ba intaas oo dhami inay iskaashadaan oo ay wax wada qabsadaan. Md Faarax Macalin waa nin isku xidhayey dhaqdhaaqaaqa noocyadaas ah. Somaliland waxay ku caan-baxday magac iyo sharaf-na ku leedahay in ay tahay meelaha ugu xasilloonida roon Geeska Afrika ee aynu ku nool nahay, hadii uu yimi Somaliland, hadii uu ina dhiirigeliyey iyo hadii aynu inagu dhiirigelinay waa mid wax inoo tartay. Markaa aad iyo aad ayaan uga xumahay, waana ayaan-darro dad xog badani u dhiman tahay ama dareenka ay mandaqaddu u baahan tahay aan ogayn in ay maanta ku eedeeyaan Faarax Macalin imaatinkiisii (Somaliland) iyo hadaladii guubaabada ahaa ee uu u jeediyey shacabka Reer Somaliland in ay cidi ku eedayso waa ayaan-darro weyn.

S: Guddoomiye, Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya Moses Watengula wuxuu ku eedaynayaa Faarax Macallin booqasho uu ku tagay magaalada Laascaanood oo ay khalad ku tilmaameen, taasi idinka ma idiinla muuqataa?

J: Maya may ahayn khalad, dee Laascaanood way muuqataayoo waaqici ahaan iyo sharci ahaan-ba waa Gobol ama magaalo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, gobolka aynu ku nool-nahay meel aanu dad is-khilaafsani joogin ma jirto ama waa uu yar yahay, gobol waliba gudihiisa ayaa is-afgarasho la’aan yar ka taagan tahay, taasina arin ku cusub maaha Geeska Afrika ee aynu ku nool nahay. Laascaanood-na waxaa ka talisa Somaliland oo Ciidankeedii ayaa jooga, waxay-na la mid tahay Gobollada Somaliland, garna maaha in lagu qabsado Faarax Macallin wax aan jirin.

S: Guddoomiye, dacwaddani ma kuula muuqataa mid shaqsi ahaan iyo siyaasad ahaanba saamayn ku yeelan karta Faarax Macallin?

J: Wallaahi saamaynta ay arintani shakhsinimadiisa ku yeelan karto ma garanayo, laakiin Faarax Macalin waa nin Soomaali ah, Kenya-na miisaan aad u ballaadhan ayuu ku leeyahay siyaasadda, waxaanan filayaa in uu qof kasta oo Soomaali ah oo ku nool Dhulka Soomaalida in uu ka xumaan doono waxaas aanu geyin ee lagu eedeeyey. Sida oo kale waan filayaa in uu gurmad badan ka heli doono dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee cadaalad dhab ah raadinaya.

S: Waxa jiray kulamo aad dhawaan la yeelateen Komishanka Doorashooyinka, maxaad ka wada hadasheen, sideedse u aragteen?

J: Horta Komishanka shaqada ay hayaan waanu ku taageersanahay, way noo sheegeen in ay damacsan yihiin in ay bedelaan Kaadhadhkii hore diiwangelinta cod-bixiyeyaasha, arintaas-na waa Shaqadoodii, iyaga ayaanu ka war sugaynayaa Isha Allaah.

S: Guddoomiye, rejo intee le’eg ayaad ka qabtaa Doorashada la filayo inay dalka ka qabsoonto iyo taageerada aad ka heli kartaan?

J: Horta guusha Alle ayaa haya, laakiin waxaan ku kalsoon nahay 100% in aan ku guuleysan doono hoggaanka dalka, taas waxaa kuu caddayn karta qaabkii shacabka Somaliland ii soo dhaweeyeen markii aan ka soo laabtay Safarkii Maraykanka, shacabkuna waxay ka niyad-jabsan yihiin wax-qabad-la’aanta Xukuumadda maanta jirta, waxaanay u baahan yihiin is-bedel dhab ah oo laga sameeyo dalka.

S: Waxa jira lammaane u dhashay Dalka Ingiriiska oo afduub loogu haysto Koonfurta Soomaaliya, arrintaa sideed u aragtaa, mase jirtaa wax aad u jeedinayso dadka afduubka ku haysta?

J: Baaq ayaan u dirayaa, waxaa weeye hadii aad in uu bani’aadamnimo ku abtirsataan waa in aad dadkaa iska sii daysaan. Dadkaa masaakiinta ah ee da’da ah ee wax alla wax ay galabsadeen aanay jirin, mandaqada aynu ku nool-nahay inteena kale iyo kuwa haysta-ba waxaa inaga soo gaadhayaa waa ceeb, waa taariikh-xumo iyo magac-xumo aan waligeed hadhayn. Markaa waxaanu codsi u jeedinaynaa dadkaa haysta lamaanaha ee masaakiinta ah ee aanay jirin wax ay galabsadeen, ha iska sii daayaan inta aanay farahooda wax ku noqon, iyaga oo nabad-qaba, damacaa iyo hungurigaasi waa kii Ilaahay inaga xaaraantimeeyey. Markaa waxaanu ugu baaqaynaa hadii aanu reer Somaliland nahay in la iska sii daayo.

S: Axmed, waxa jira Roobab maalmihii la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan Somaliland oo khasaare geystay, Xisbi ahaan door intee le’eg ayaad ka qaadan kartaan taakulaynta dadka waxyeelladu soo gaadhay?

J: Horta, marka hore Roob iyo barwaaqo waa ka aynu ilaahay ka baryeynay, markaa ilaahay ayeynu ugu xamdi-naqaynaa, waana mid ay umaddeena iyo dalkeenu ku qabowsan doonaan. Laakiin, waxaan ka tacsiyeynayaa shacabka ay dhibaatadu ka soo gaadhay Roobabka ee reer Wajaale, waa meel wayn oo Baayac-mushtar laxaad lihi ka socdo oo door weyn ka ciyaarta dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalkeena, mujtamac faro badani-na ku nool yahay. Aad iyo aad ayaanu uga xumahay, waanan ka tacsiyeynaynaa dhibtaas shacabka. Markaa waxaan leeyahay, waa ayaan-darro shacabkaas in aan gurmadkii loo baahnaa la gaadhsiin, hadii ay noqon lahayd dawlada ama cid kale. Markaa waxaan u soo jeedinayaa ha’yadaha gargaarka ee inala shaqeeya iyo dawladdaba inay sida ugu dhakhsaha badan u gaadhsiiyaan wixii gurmad degdeg ah ee loo baahan yahay.
Courtesy: Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: