SADDEXDA XISBI QARAN: Maxaa Lagu Kala Xantaa? Maxay se Ku Kala Duwan Yihiin?…Siyaasadda Miyey Ku Fashilmeen?!!!!


Hordhac
In badan ayaan maqlay, dad badan oo ku murmaya kala duwanaanshaha iyo faraqa u dhexeeya saddexda xisbi qaran, hadday tahay xubnahooga, siyaasadoodda, abaabulkooga iyo dhaq-dhaqaaqooga. Dhaxaan ka gam’I waayay sida silloon ee ay dadkeenu uga faalloodaan siyaasadda, iyaga oo aan u doodayn si cilmiyaysan. Kaaga sii darane haddaad is tidhaa toosi, meel aanad ka filayn ayey kaa durayaan oo waa kii abwaan Gaarriye lahaa:-
“Ninkii dood ka keenana
Dicaayaddo riqiis iyo
Waxaa lagu didsanayaa
Cid baa kaa danbeysoo,
Ninkii dooxi kara boog
Looma waayo daabaqad
Iyo qaar la daba gala….”

Intaas aan soo sheegay iyo in ka daran baa igu kalifay inaan qalinka qaato, oo aan u xayd-xayto maqaalkan aan ugu yeedhay SADDEXDA XISBI QARAN: Maxaa Lagu Kala Xantaa? Maxay se Ku Kala Duwan Yihiin?…Siyaasadda Miyey Ku Fashilmeen? !!! Murran badan oo aan goob-joog u ahaa iyo war-bixino badan oo aan akhriyey, ayaa ah dalliilka qoraalkaygan. Waxaan idiin soo gudbin doonaa anigoo kala qaadaya xisbi kasta taariikhdiisa, guulihiisa, guul daradiisa, gal-dalooloyinkiisa iyo xantiisa oo kooban. Anigoo marka danbe na meel aan fogeyn oo aydaan ka filayn, idinka tusi doonna marrin-habowga siyaasaddeed ee saddexda xisbi qaran.

UDUB

Waa xisbigii kowaad ee dalka laga aasaasay, waxaa aasaasay madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ALLE ha u naxariistee marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Geeridiisa awgeed waxaa xilkii madaxweynenimo iyo kii gudoomenimada xisbigaba la wareegay ku xigeenkiisa ahna madaxweynaha maanta mudane Daahir Rayaale Kaahin. Waa xisbi xaakimka dalka, dadka qaar waxay ku doodaan inuu yahay xisbiga ugu weyn saddexda xisbi qaran. Inkastoo xisbigu uu ka kooban yahay qaybaha kala duwan ee bulshada, haddana waxaa lagu xantaa inay ku badan yihiin dadkii iyagoo la shaqaynaya xukumadii diktatooriyadda ahayd ee Siyaad Barre, dalka loogu soo galay. Xantu intaas uun maaha ee waxay sheegaysaa inay qarkood ka tirsanaayeen nabad-suggidii xukumadaasi, qaar kale na ay ahaayeen ciidan danbi baadhiseed. Iyadoo intaas oo dhan ba lagu xanto, iyadoon lagu xashaashaqayn laakiin lagu dhawaaqayo, haddana waa xisbi ka kooban aqoonyahan, dhallinyaro, dumar, waayeel, abwaano, cuqaal iyo wadaado.

Saddexdii doorasho ee dalka ka dhacay ba guullo ayuu kala soo hoyday. Doorashadii deegaanka ee 2002dii wuxuu ka helay 40.7% codadkii guud, Coddadkii ugu badnaa wuxuu ka helay gobolladda Awdal iyo Saaxil. Doorashadii madaxtooyada ee 2003dii wuxuu ku guuleystay 42% coddadkii dalka oo dhan, isagoo coddadkii ugu badnaa na ka helay gobolladda Awdal iyo Saaxil. Doorashadii golaha wakiilada wuxuu ka helay 39% oo u dhiganta 33 kursi oo golaha wakiiladda ah. Coddadkii ugu badnaa doorashadan golaha wakiiladda wuxuu ka helay Awdal, Sool iyo Saaxil, waloow UCID ay ku soo dhowaatey codadka gobolka Saaxil. Tageerayaashiisa ugu badani waa cuqaasha, odayaasha iyo dadka waa weyn.

Dadka waxay aad uga hadlaan aasaasayaashii xisbiga oo lagu baddelay xubno cusub oo xisbiyo kale ka soo baxay. UDUB maanta yaa u taliya? Jaamac Siyaad, oo aan saxadda siyaasadeed ee Somaliland aan hore loogu arki jirin, waa xooghayaha guud ee UDUB. Muj. Cali Guray, KULMIYE dhalad ah, imika se waa afhayeenka xisbiga UDUB. Cismaan Hindi, ururkii HORMOOD ayuu ka tirsanaan jiray, wuu se hadhay, KULMIYE ayuu ku biiray, wuxuu ahaa xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, imika se waa guudoomiyaha ololaha ee UDUB. Mee Cabdillaahi Dirawal, wasiirkii hore ee caafimaadka, ahna aasaase No.13 xisbiga UDUB. Maxay kaaga taalaa maanta waa isbedel-doonka UDUB. Ismaaciil yarre, wasiirkii hore ee arimaha gudaha, dibadaa looga soo saaray shirweynahii xisbiga, isa soo sharax ayuu is lahaa waa se laga diiday, imika waa isbedel doonka UDUB. Intaas uun maaha ee xubno badan ayaa maanta dibada ka ah xisbigii ay aasaaseen.

KULMIYE

Waa xisbiga ugu awooda badan mucaaridka. Waxaa aasaasey mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukumadii madaxweyne Cigaal, waa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee ururka SNM. Xubnahiisu waxay u badan yihiin mujaahidiin dalka iyo dadka ba u soo halgantay. Inkastoo xisbiyada kale ba ay ku jiraan rag mujaahidiin ahi, haddana dadka qaar ayaa KULMIYE ku sheega SNM oo magac kale la baxday. Xaqiiqadu se sidaas maaha ee way ka duwan tahay.

Doorashadii deegaanka ee 2002dii, wuxuu noqday urrurkii labaad ee ugu coddadka batey. Wuxuu helay 18.9% coddadkii doorashada. Coddadkii ugu badnaa wuxuu ka helay gobolka Sool iyo Togdheer iyo Sanaag, inkastoo ay UDUB kaga coddad badnayd. Doorashadii madaxtooyada ee 2003dii waxaa lagaga guuleystay 80 cod oo keliya, wuxuu helay 42% coddadkii doorashada. Gobolladda Togdheer, Sool, Sanaag iyo Hargeysa ayuu ka helay codadkii ugu badnaa. Doorashadii golaha wakiiladdana, inkastoo lagu waday ama la saadaalinaayey inuu KULMIYE noqon doono xisbiga ugu kuraasida badan golaha wakiiladda, haddana taasi may dhicin, oo sidii la filayey may noqon. Wuxuu helay 34% coddadkii doorashada, oo u dhiganta 28 kursi oo golaha wakiiladda ah. KULMIYE 8% ayuu hoos uga dhacay coddadkii uu hore uga helay doorashadii madaxtooyada, UDUB laftirkeeda 3.5% ayey ka hoosaysay coddadkii ay heshay doorashadii madaxtooyada. Taas na waxaa ku badhaadhay xisbiga UCID oo si lama filaan ah u guuleystay. KULMIYE doorashadii golaha wakiiladda, coddadkii ugu badnaa wuxuu ka helay gobolladda Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hargaysa. KULMIYE waxaa aad u taageera haweenka iyo dhallinyarada oo ah miisaanka ugu culus bulshada, waana labada tiir ee xisbiga KULMIYE uu ku qotomo.

KULMIYE waxaa lagu xantaa, in xubnaha ku jiraa ay badankoogu yihiin seef la bood aan talada dalka lagu aamini Karin, Calan-castii iyo dagaaladii sokeeye ayaa lagu xidhiidhiyaa. Dadka qaar ayaa ba ku doodda in KULMIYE dhexdiisu aanay ku heshiinayn talada dalka haddii ba ay ku guuleystaan. Hanjabaadooda iyo caggo-jugleyntoodu waa mid cabsi ku abuurta shacabka. Hase-yeeshe waa rag wadanka abaal ku leh haddii ba ay ku qanceen 80 cod oo keliya. Xantiisu intaas uun maahee, haldoorkiisii qaar baa dibada ka jooga, ma Ibraahim dhegoweynaa, ma ina Cumar Xaashi baa,ma Cabdiraxmaan Tolwaa baa iyo qaar kaloo badan.

UCID

Waa xisbiga labaad ee mucaaridka ah, waxaa aasaasey Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ah gudoomiyaha xisbiga ahna murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga UCID mar kiisii labaad. Waa xisbi siyaasadiisu qunyar socod tahay, badanaa waa dhexdhexaad, oo muranka iyo ad-adaygu kuma badna. Dadka aqoonyahanka ahi waxay ku tilmaamaan xisbiga ugu siyaasada fiican saddexda xisbi qaran, dadka qaar na maba tirsadaan. Xubnaha xisbiga UCID waxay u badan yihiin qurbo-joog waa sida lagu xantee. Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisuba waa qurbo-joog, dalka se lagama xigo. Aqoon iyo maal fara-badan ayaa lagu xantaa. Hadal hayntiisu ma badna, nacaybna looma qabo, jacaylna kama madhna. Waa xisbi aragti dhexdhexaadnimo ka qaata muranka labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB, oo iyagu dab iyo biyo isku ah. Mararka qaar ayuu muujiyaa mucaaridnimadiisa.

UCID saddexdii doorasho ee dalka ka qabsoomay ba, kaalinta saddexaad ayuu ka galay. Doorashadii deegaanka ee 2002dii, wuxuu nasiib u helay inuu ka mid noqdo saddexdii urrur ee helay coddadkii ugu badnaa doorashada, sidaana ku noqday saddexda xisbi qaran ee dalka. UCID wuxuu helay 11.2% qudha coddadkii doorashada. Waxaa ku soo xigay urrurkii SAHAN, oo uu dheeraa 1502 cod, oo u dhiganta 0.35%. coddadkii ugu badnaa wuxuu ka helay gobolladda Hargeysa iyo Saaxil, inkastoo labada urrur ee kale ay kaga cod badnayeen lixda gobolba. Doorashadii madaxtooyada xisbiga UCID wuxuu helay 15.9% coddadkii doorashada. Coddadkii ugu badnaa wuxuu ka helay gobolladda Hargeysa, Togdheer iyo Sanaag, inkastoo labada xisbi ee kale ay kaga cod badnaayeen. Doorashadii golaha wakiiladda, wuxuu gaadhay guul layaab leh, marka loo eego doorashooyinkii ka horeeyey. UCID wuxuu helay 26.9% coddadkii doorashada, oo u dhiganta 21 kursi oo golaha wakiiladda ah. Alleylahe waa guul, UCID oo dirqi iyo tu Alle ku soo baxday doorashadii golaha deegaanka, oo weliba cod aad u hooseeyana ka heshay doorashadii madaxtooyada, in ay hesho doorashadii golaha wakiilada coddad ku dhow labanlaab coddadkii ay heshay tii madaxtooyada. 11% ayey kor u kacday. Coddadkii ugu badnaa waxay ka heshay gobolladda Hargeysa, Saaxil iyo Togdheer. UCID waxaa aad u taageera dadka aoonyahanka ah iyo dadka siyaasada labada xisbi ee kale ka biyo diida.

UCID waxaa lagu xantaa, in guddoomiyaha UCID uu xisbiga maamulkiisa oo dhan ba gacanta ku hayo, oo aanu wax awood qaybsi ahi ka jirin, xisbiga gudahiisa. Dadka qaar ayaa ba soo gaadhsiiya inuu shandada ku sii qaato, marka uu dhoofayo!!!! Waa se hadal aan macquul ahayn. Waxaa kale oo lagu xantaa in aanay xisbiga siyaasadiisu muuqanin, mar marka qaarna is khilaafayso. Dadku waxay ku dhaliilaan, in xubnaha xilalka haya, badankoogu ay yihiin qurbo-joog.

Wax kastoo lagu xanto ba, waxaa la sheegaa inay xisbigan ku jiraan dadka ugu aqoonta badan siyaasiyiintu. Waxaa kale oo looga marag kacaa, inay ku badan yihiin dadka daacada ahi. UCID xubnaha ka baxaa ma badna, wuxuu ka badbaaday xanuunka haleelay UDUB iyo KULMIYE oo ah khilaafka iyo isku dhaca, wuxuu caadeystay isku-tannaasul, is xil qaamid iyo is aaminaad ka dhexaysa xubnaha xisbiga dhexdooda. Waa xisbi aan la saadaalin Karin taageeradiisa. Waxaa se hoos loo yidhaahdaa “kuma guuleysan karo doorashadan madaxtooyada ee soo socota” .

Saddexda Xisbi Qaran, Miyey Ku Fashilmeen Siyaasadda?

Dabcan haa, iskama odhanayee, sida caanaha ayaan u cadaynayaa, aniga oo aan kala qaad-qaadin, si guud ayaan uga hadlayaa sida ay ugu fashilmeen siyaasadda saddexda xisbi ba.

1. saddexda xisbi qaran ba, waxay ku guul-dareysteen inay dimuqraadiyad ka dhex dhaliyaan xisbiyadooda ama xubnahooga, taasi waxaa cadayn ama markhaati u ah shirweynayaashii saddexda xisbi qaran. KULMIYE shirweynihiisii, inkastoo la tartamay, haddana xubnaha qaar ayaa ka cadhooday habka loo maamulay shirweynaha iyo tartanka murashaxiinta. UDUB shirweynihiisii, isaga lama ba tartamin, xitaa lama qancin xubnahii gafka iyo gaadmada tirsanayey, oo waxaa la yidhi “waa yeelkood, yaa u baahan cid labada oday ku dherarsata”. UCID isaga waxaa ka muuqatay, inaanu tartan xor ahi shirka ka dhex jirin.
2. maxay murashaxiintooda ku doorteen? Qabyaalad!! Waayo saddex musharax oo kamid ah lixda musharax, waxay ka soo jeedaan hal gobol, oo gobolladdu uma sina.
3. saddexda xisbi qaran ba, tageeradda kuma raadsadaan siyaasadooda iyo barmaamijkooga, waxay se ku raadiyaan qabyaalad iyo laaluush.
4. marka laga yimaado UCID, oo barnaamijkiisii soo bandhigay, labada xisbi ee kale lagama hayo barnamijyadooddii.
5. marka laga yimaaddo UDUB, oo doorashadii hore ee madaxtooyada ku guuleysatay, labada xisbi mucaaridba waxay soo celiyiin murashaxiintii hore looga guuleystay.
6. isku soo wada duuboo, saddexda xisbi qaran ba afka waa ka dimuqraadi, qalbigana waa ka qabiili. Waxaana cadayn u ah xilal kala duwan ee xisbiyada dhexdooda. Xilkasta reer baa ku magacaaban.
QALINKII: CABDISHAKUUR CALI MUXUMED CILMI

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: