Sooyaalka Taariikheed Ee Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka 8th March


8da bisha March, waa maalinta loola baxay maalinta caalamiga ah ee haweenka. Sannad kasta maalintan waxaa loo dabaaldegaa kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulsho weynta caalamka, haday tahay dhinaca dhaqaalaha, siyaasada iyo arrimaha bulshadaba. Caalamka badankiisa waa laga xusaa. Wadamada qaar waxay door bidaan maalintan oo kale inay dumarka u muujiyaan jacaylka ay u qabaan sida xidhiidhka hooyonimo, walaaltinimo ama xaasnimo, halka ay wadamada qaar na ay ka door bidaan inay kaga hadlaan siyaasada iyo xuquuqda haweenka.
Maalintani haweenku waxay soo bandhigaan guulaha kala duwan ee ay ka gaadheen dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo ilaalinta xuquuqda haweenka. Waxay muujiyaan cabashooyinkooga ku wajahan musharaadka ay qataan, saacadaha shaqada, u sinaanshaha shaqada iyo ka muuqashada goleyaasha qaranka.

Somaliland waxay ka mid tahay dalalka sannadahan danbe bilaabay inay u dabaaldegaan maalinta caalamiga ah ee haweenka. Dadka qaar ayaa dhaliila, qaar kalena way difaacaan, laakiin sida muuqata dadkeenu haday difaacaan iyo haday dhaliilaan ba, wax badan kama oga sooyaalka taariikheed ee maalinta caalamiga ah ee haweenka. Goorma ayaa la bilaabay u dabaaldegista maalintani? Yaa bilaabay? Sidee ayay ku timid? Marxaladdo noocee ah ayey soo martay? Maxay caalamka ku soo kordhisay? Waa su’aalo muhiim ah oo ay tahay in laga jawaabo. Taasina waa sababta igu kaliftay inaan raadiyo, oo aan dabadeedna qalinka u qaato maqaalkan, oo aan ugu talogaley dadka inaan ugu iftiimiyo maalintani iyo waayaheega. Ugu maan talo-galin inaan difaaco ama dhaliilo u dabaaldegista maalintani caalamiga ah ee haweenka, wakhti danbe ayaan u dhigan doonaa, balse imika shifo ku il saara maalintan iyo sooyaalkeeda tariikheed.

Cadaadiskii dumarka lagu hayey iyo u sinaansho la’aantii ragga iyo dumarka dhinacyadda kala duwan ee noloshu, waxay dhalisay in sannadkii 1908dii 15,000 qof oo haween ahi ay mudaharaad ka sameeyaan magaalada New York ee dalka Maraykanka, iyagoo dalbanaya saacadaha shaqada oo la yareeyo, mushaharaadka oo loo kordhiyo iyo xaqa codaynta oo loo ogolaado. Maalin Axad ah 28kii February, 1909kii ayuu xisbigii shuuciyadda ahaa ee dalka Maraykanku ku dhawaaqay maalinta haweenka reer Maraykan. Dumarka Maraykanku maalintani waxay u dabaaldegi jireen Axadda ugu danbeysa bisha labaad ilaa laga soo gaadhay 1913kii.

Sannadkii 1910kii, magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark, waxaa lagu qabtay shirweyne caalami oo ay ka soo qayb galeen haweenka shaqeeyaa, oo tiradoodu kor u dhaaftey 100 qof, waxay ka kala socdeen 17 wadan. Gabadh la odhan jirey Clara Zetkin oo madax ka ahayd xafiiska haweenka ee xisbiga Social Democratic Party ee dalka Jarmalka, ayaa waxay soo jeedisay in la sameeyo maalinta haweenka, oo si caalami ah loogu dabaaldego wadamada adduunka oo dhan. Sidaas ayaana layskugu raacay maalintaasi, inkasta oo aan la magaacaabin maalinta iyo bisha ay noqon doonto midna.

Iyadoo laga duulayo go’aankii laysku raacay shirkii Copenhagen ee haweenka, sannadkii 1911kii, waxaa markii ugu horeysay si caalami ah looga dabaaldegay maalinta caalamiga ah ee haweenka wadamadda Austria , Denmark , Germany iyo Switzerland 19kii March 1911kii. In ka badan malyuuun rag iyo dumar iskugu jira ayaa ka qayb qaatay u dabaaldega maalinta caalamiga ah ee haweenka, iyagoo u ololaynaya xuquuqda ay dumarku u leeyihiin inay shaqeeyaan, coddeeyaan, xirfaddo la baro, xilal dawladeed loo dhiibo iyo in la dabar gooyo takoorista haweenimo. Muddo ka yar hal wiig kadib, 25kii March 1911kii, waxaa New York ka dhacday masiibaddii loo baxshay “TRIANGLE FIRE” , waxaana ku dhintay 140 haween ah oo wershad dharka soo saarta ka shaqaynayey, waxay u badnaayeen talyaani iyo yuhuud qaxooti ahayd. Taasina waxay dadka ku soo jeedisay xaaladaha shaqadda iyo sharciyadda shaqaalaha ee dalka Maraykanka oo dhaliilo loo soo jeediyay.

Haweenka dalka ruushku waxay markii ugu horeysay u dabaaldegeen maalinta caalamiga ah ee haweenka, Axaddii ugu dambeysay feberweri sannadkii 1913kii. Isla sannadkan 1913kii, dood badan oo laga yeeshay kadib waxaa maalinta caalamiga ah ee haweenka loo aqoonsaday 8da bisha March. Sannadkii 1914kii haween badan oo reer yurub ah ayaa waxay iskugu yimaadeen ololeyaal ay kaga soo horjeedaan dagaalkii kowaad ee adduunka, kuna muujinayeen isku duubnidoodda. Sannadkii 1917kii, haweenka ruushku waxay ka mudahaaraadeen dagaalkii socday oo ay kaga dhinteen 2 milyan oo askartii ruushka ah, iyagoo dalbaday nabad. Inkasta oo xukumadii ruushku iska dheggo marisay, hadana afar cisho kadib way maslaxday haweenkii, isla markaana waxaa loo ogolaaday inay coddayn karaan. Maalintii uu mudaharaadkaasi bilaabmay waxay ahayd maalin Axad ah 23kii feberweri, marka loo eego jadwalka taariikhda ama kaalendarka Julian ee dalka ruushka laga isticmaalo, waxay ku beegnayd 8da March 1917kii kaalendarka Gregorian ee caadiga ah.

Maalinta caalamiga ah ee haweenku sannad ba sannadkuu ka dambeeyo way koraysay, oo waxay noqonaysay maalin adduunka oo dhan looga dabaaldego lagana aqoonsan yahay haday tahay wadamada horumaray ama kuwa soo koraya ba. Qarramada midoobey Sannado badan ayey qabanaysey shirar caalami ah, maalinta caalamiga ah ee haweenka, si lays kugu dubariddo daddaalada loogu jiro xuquuqdo haweenka iyo ka qayb qaadashadooda dhaqdhaqaaqa bulshadda, siyaasada iyo dhaqaalaha. Sannadkii 1975kii ayey qarramada midoobey u aqoonsadeen sannadka caalamiga ah ee haweenka. Sidoo kale urrurada haweenka iyo dawladaha adduunka badankoogu waxay qaban qaabiyaan maalinta caalamiga ah ee haweenka, dhacdooyin waa weyn oo lagu sharfayo doorka haweenku kaga jiraan nolosha. Maalinta caalamiga ah ee haweenka, waxaa imika u aqoonsaday maalin qaran oo dadku ka nastaan shaqadda iyo hawlaha ay qabtaan wadamada kala ah China , Armenia , Russia , Azerbaijan , Belarus , Bulgaria , Kazakhstan , Kyrgyzstan , Macedonia , Moldova , Mongolia , Tajikistan , Ukraine , Uzbekistan iyo Vietnam . Maalintani waa maalin qof kastaa ba uu ka farxiyo haweenka noloshiisa ku wayn sida hooyadii, walaashii, xaaskiisa iyo ehelkiisaba, waxay u geeyaan ubaxyo iyo hadiyado. Wadamada qaar waxay kala mid dhigaan maalinta hooyooyinka oo caruurtu hadiyado u keenaan hooyooyinkood iyo ayeeyooyinkood.

Sida la aaminsan yahay qarnigan isbeddelo muhiim ah ayaa laga sameeyey arrimaha haweenka. Dad badan oo u badan jiilalkan dambe ayaa aaminsan in haweenku ay ku guuleysteen halgankoogii. Laakiin dadka aaminsan aragtida dheddigayntu (feminist) waxay ku dooddaan in wax badani ay weli ka dhiman yihiin haweenka, ilaa la helo haween badan oo ka mid noqda guddiyada caalamiga ah, haween badan oo noqda sharci-dajiyayaal, haween badan oo noqda dad lagu hirto (role models) lama odhan karo haweenku waxay heleen sinaansho. Xaqiiqada jirta ayaa ah inaan haweenku la mushahar ahayn dhigeeda ninka ah, dumarku way kaga yar yihiin ragga goobaha ganacsiga, siyaasada, waxbarashada iyo caafimaadka, waanay kaga badan yihiin dhinaca waxyeeladda dadka soo gaadha. Lama se dafiri karo, in haweenku dhawr talaabo hore u qaadeen. Markaad aragto haween cirbixiyeeno ah, raysalwasaareyaal ah, professor ah. Sidaas ayay maalinta caalamiga ah ee haweenku ku noqotay maalin la xasuusto dhacdooyin murrugo leh oo haweenka la soo dersay, iyadoo loo dabaaldegayo guulo ay haweenku gaadheen.

Qalinkii: Abdishakur Ali Mohumed Elmi
Faculty of law, University of Hargiesa
awmuxumed@yahoo.com
252 2 4460167

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: