Wasiirka Caddaaladda oo Sheegay in Guddiga Nabadgeliyadu Sharci tahay


Laascaanood, (NNN)- Wasiirka Caddaalada Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe), ayaa jawaab ka bixiyay warbixin guddiga Caddaalada ee golaha Wakiilladu soosaareen oo ka dayrisay xaalada nololeed ee maxaabiista iyo xabsiyada dalka.
Warbixin sagaal bog ka kooban oo guddiga Caddaalada, Garsoor iyo Xuquuqal-insaanka goluhu doraad u gudbiyeen golaha Wakiilada, waxay ku sheegeen inay duruufo adag ku nool yihiin inka badan 1300 oo maxbuus oo ku jira xabsiyada Berbera, Mandheera iyo Gabiley, kuwaasoo intooda badani u xidhan yihiin guddiga nabadgelyada Somaliland.
Hase yeeshee, Wasiirka Caddaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo uu xalay isagoo ku sugan magaalada Laascaanood khadka Telefoonka waraysi dheer kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu qiray in aanu furnayn xabsiga wayn ee Hargeysa oo uu hore xadhiga uga jaray, wuxuuna sheegay in guddiyada nabadgelyada dalku sharci yihiin, isla markaana Garsoorka ka fududeeyeen hawlo culayskooda leh. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay duruufta xabsiyada dalka, waxyaabaha uga qorshaysan, sharciyada guddiga nabadgelyada iyo xukunkooda iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;
S: Wasiir, Xabsiga Hargeysa oo aad hore u sheegtay inaad furteen, guddiga Caddaalada golaha Wakiilladu waxay sheegeen in aanu furnayn oo weli laga shaqaynayo, sidee bay arrintaasi u dhacay?
J: Walaahi, Xabsigu inta badan wuu iska dhamaaye, waxyaabo yar yar oo dhamaystir ah uun baa markii dambe soo baxay oo ciidanka Asluubtuna yidhaahdeen hawlahaa yaryar hala dhamaystiro, taasna waa la wadaa.
S: Waxa jira Maxaabiis ay guddigu xaaladooda nololeed ka dayriyeen oo ku jira xabsiyada ay booqdeen ee Mandheera, Berbera iyo Gabiley, taas maxaad ka odhan lahayd?
J: Horta duruufo way jiraan oo lama dafirayo, wadanka oo dhan baanay ka jiraan, xabsiyaduna wadanka uun bay la mid yihiin. Laakii, anagu Wasaarad ahaan, ciidan ahaan iyo Xukuumad ahaanba, waxaanu u samaynay (maxaabiista) meelo caafimaad, nin dhakhtar ahina wuu qaabilsan yahay, xaga raashinka waa looga dedaalay, laakiin duruufaha dalka ka jira uun bay qaybtooda ka noqonayaan.
S: Wasiir, guddiga Caddaalada ee golaha Wakiilladu waxay sheegeen in hay’adda UNDP joojisay raashino ay siin jirtay xabsiyada dalka qaarkood, taasi maxaad kala socotaa?
J: Waxa weeye; waxoogaa raashin ah bay siin jireen maxaabiistii laga qaaday xabsiga Hargeysa (markii la dumiyay), iyagana (UNDP) aad bay culays ugu ahayd oo had iyo jeer way ka hadli jireen, laakiin markii u dambaysay UNODC ayay yidhaahdeen waanu ku wareejinay hawshii xabsiyada oo dhan….
S: Markaa hay’addaasi xagay geysaa raashinka xabsiyada loogu talogalay?
J: Runtii, hay’adaasi wadankana way soo degaysaa, wufuudina way nooga timi. Markaa weli heshiis rasmi ah oo aanu la galay oo…Laakiin, qolada UNDP iyaga ayay iska saareen.
S: Warbixinta guddiga waxa ku jiray maxaabiis badan oo guddiga nabadgelyadu xukumeen iyo kuwo waqtigii xukunku ka dhamaaday oo weli ku jira xabsiyada, bal taas ka waran?
J: Arrinta guddiga nabadgelyadu waa muran iska taagnaa oo wadanka iyo qaranka ah weeye, waana muran taagnaa oo aanu awalba ka warhaynay oo ahaa guddiga nabadgelyadu waa hay’ad sharci ah iyo dad ka soo horjeeda. Markaa weli way socotaa hawshoodu, xabsiyadana hadda waxa noogu daran xabsiga Burco oo gaboobay oo duruufo aad u adagi ka jiraan, gaar ahaan xaga dhismaha, nadaafada iyo musqulaha, xabsigaas baana muhiimada koowaad noo ah in wax laga qabto. Tixgelinta labaad, waxa noogu jira xabsiga Laascaanood oo hadda aanu miisaaniyada ugu darnay lacag lagu dayactiro. Sidoo kale, waxa isna noo socda xabsigii Carruurta ee dhaqan-celinta ee Mijacaseeye oo dhismihiisu gebogebo yahay, waxaananu rejaynaynaa in aanu sannadkan furno.
S: Guddigu waxay sheegeen in xabsiga degmada Gabiley aanu dayr lahayn. Markaa sidee baa loogu aaminayaa maxaabiista ku jirta, maadaama aanu dayr lahayn?
J: Ma waa banaan bay leeyihiin?. Waxa weeye, xabsigaas dad badana waa lagu hayaa, in badana wuu furnaa, waana u baahan yahay in wax laga qabto, laakiin wax khatar ahi kama taagna.
S: Adigoo Wasiirka Caddaalada Somaliland ah, ma raali baad ka tahay muwaadiniinta guddiga nabadgelyadu xukumaan ee muddada dheer xabsiyada dalka ku jira?
J: Dee anigu Somaliland-na waan ahay, Xukuumaddana waan ka tirsanahay.
S: Taas macnaheedu ma inaad raali ku tahay talooyinka guddiga nabadgelyada?
J: Xukuumadda ayaaban ka tirsanahayoo, anagu mawqifka aanu taaganahay waxa weeyaan in guddiyadaa nabadgelyadu ay sharci dalku leeyahay ku shaqeeyaan oo la yidhaahdo Public order law (xeerka nabadgelyada guud), mar horena Jaamacadda Hargeysa ayaa dood ka qabatay oo isugu keentay aqoonyahanada dalka, dawladda, mucaaradka iyo cid kasta, codkiina waxa helay in sharcigaas loo baahan yahay xilligan ay Somaliland ku jirto. Runtii sharcigaas siyaasadna looma adeegsado, waana arrimo gaar ah oo aad is odhanayso waaba lagama maarmaan oo Garsoorka wareerin lahaa baana xeerkaa loo isticmaalaa. Markaa Xukuumaddaan ka tirsanahayoo, Xukuumaddana mawqifkeedu waa kaas oo inuu sharci dalka ka yahay baa loo haystaa.
S: Markaa waxaad leedahay hawlo waaxda Garsoorka u yaalay baabay naga fududeeyaan guddiga nabadgelyadu?
J: Haa. Waxa weeye; qaab-dhismeedka bulshada Somaliland u dhisan tahay ee qabiilka ah, mararka qaarkood waxa dhacda in arrimaha khilaafkan wareeriyay dalka ee khilaafka dhulka ee Garsoor, nabadgelyada iyo cid walba wareeriyay – waxa dhacda in habeen Iska-rogo (baabuurta agabta dhismaha guryaha loo adeegsado) dhagax dhigto, habeen dhisme la bilaabo. Markaa guddiga nabadgelyadu go’aamo ayay ku soosaaraan sharcigaa, iyagoo adeegsanaya awoodooda. Tusaale ahaa; in Iska-rogo aanay habeen dhagax dhigi karin, habeen dhisme la bilaabi karin, waxyaabahaas baana ka mid ah waxyaabaha wareegtada guddiga nabadgelyada lagu soo saaro. Waxa kale oo ka mid ah; marka Ciidaha oo kale waxyaabaha qarka ee caruurta laga iibiyo in aan ganacsi loo keeni karin iyo arrimo badan oo caynkaas ah oo dan loo arko ayaa lagu fuliyaa xeerka.
S: Wasiir; maxaa balanqaad ah ee aad u samaynaysaa maxaabiista xaaladooda laga dayriyay?
J: Xukuumad ahaan, anagoo talooyinkaa guddiga Baarlamaanka qaadanayna oo wadashaqayni naga dhexayso, maxaabiista dhinaca raashinka dawladdu waxay u kordhisay 250%sannadkii hore, markaa xagaa way ka fiican yihiin.
Tusaale ahaa; qof baa ku odhanaya xuquuqdii baad ku gafteen oo xabsigu nal (koronto/laydh) ma leh!!. Waa run oo waanu ognahay oo nal ma leh, laakiin duruufahaa dalka ka jira ayay qaybtooda ka yihiin. Laakiin, Xukuumad ahaan waa u sii dedaalaynaa, waayo qofka haddii la xidho oo xorriyadiisa laga qaado in xuquuqdiisa la ilaaliyo weeye, aadna loo dhawro, sababto ah bulshada nugul buu ku jiraa ee u baahan in aad dhawro, sidaas baananu kaga shaqaynaa.
S: Ka waran xabsiga loogu talogalay 100 maxbuus, imikana ay ku jiraan ilaa 250 qof oo maxaabiis ahi, taas maxaad ka qabanaysaan?
J: Waanu wadnaa, waana barnaamij noo socda in aanu wax ka qabano xabsiyada buux-dhaafaya, waayo xabsiyada dalka xilliyo xaddi dadku yaraayeen baa la dhisay, dhibaatadaasna waanu dareensanahay, waana tii keentay in xabsiga Hargeysa la dumiyo, ka Mandheera la balaadhiyo. Markaa waa barnaamij noo socda, laakiin marba awooda inta aanu talaabsan karo ayaanu talaabsanaynaa, waananu dareensanahay in xabsiyada dadkii loogu talogalay kuwo ka badani ku xidhan yihiin.
S: Adigoo Wasiirka Caddaalada ah, waa sidee dareenkaaga ku saabsan in dad muwaadiniin ah oo xilligii xukunku ka dhamaaday weli ku jiraan xabsiyada cidhiidhiga ah ee dalka?
J: Maba jiraan baan ku leeyahay. Qofka markuu xabsigu ka dhamaado waa la sii daayaa, ciidanka Asluubtuna kuma sii hayaan.
S: Kuwa muddada dheer rumaan ahaan u xidhan maxaad ka odhan lahayd?
J: Xataa taas lafteeda, anigu waxaan ogahay laba/saddex kiis oo ku saabsan dad dil loo haysto oo iyagu nabadgelyadooda dartoodba meesha ugu jira, hadda ka horna waxa dhacday in sidaas oo kale mudda dheer u xidhnaa oo aanay Maxkamaddina xukumin oo xuquuqal-insaanka (hay’adda u dooda) iyo cid waliba aad looga hadlay oo markii la soo daayay isla maalintiiba suuqa lagu toogtay. Markaa kiisas yar oo caynkaas ahi way jiraan oo la xidhiidha in la caddayn kari waayay dilka noocaas ah oo nabadgelyada guudna khalkhal gelinaya, laakiin maaha wax caado u ah. waxa weey; dadku Maxkamaddo ayay u xidhan yihiin, Maxkamad walibana way taqaanaa dadka u xidhan, ciidanka Asluubtuna todobaad walba warbixin buu siiyaa inta maxbuus ee lo ohayo. Markaa hawshaasi way socotaa, haddii ay 100% sax noqon waydana, anigu waxaan is leeyahay mustawe xun kuma socoto.
S: Hadda muddo ayaad Laascaanood ku sugan tahay, markaa mala odhan karaa daryeelkii maxaabiista waxaad kaga mashquushay socdaalkaas iyo arrimo siyaasadeed?
J: Haa – labada xilba waanu haynaa oo xilka siyaasaddana waanu haynaa, xilka Wasaaraddana waanu haynaa, wasaaradduhuna qaab-dhismeed bay leeyihiin oo wasiir kuxigeen baa jira, Agaasime guud baa jira, maxaabiista oo kale markaad ka hadashana ciidanka Asluubta ayaa jira oo gacanta ku haya. Markaa hawluhu qof isuma taagaan, xilka siyaasaddana waanu haynaa oo Xukuumad ahaan masuul baanu ka nahay, hawlihii fulinta ee dalkana masuul baanu ka nahay, markaa labadaba waa la isku wadayaa.
S: Wasiir; maadaama xabsiyada dalka duruufo noocaas ahi a jiraan, ma u aragtaa inay tahay hawl Wasaaraddaadu gabtay oo aad muwaadiniinta ka raaligelinayso?
J: Mayee, walaahi waxaan is leeyahay waad dedaasheen marka la eego duruufaha iyo xaalada Somaliland ku sugan tahay, ciidanka Asluubtuna waxaan qabaa inay aad u dedaaleen, waanan u amaanayaa duruufahaa ay ku hayaan maxaabiista. Dhaliilo way iman karaan, laakiin isma lihi waad gabteen hawshii, waxaananu is leenahay waad dedaalaysaan.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: