“Cid dhibaato iska jeceli ma jirto ee wada-hadal ha loo furo oo dareenkooda ha la dhegaysto”


Guddoomiyaha KULMIYE – WARAYSI
Hargeysa, (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay kalsoonida uu ku qabo in ay DOorasho dalka ka dhacdo, aqoonsiga Somaliland iyo aragtidiisa la xidhiidha xaaladda Soomaaliya ee waqtigan. Waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay gudashada waajib la saaray.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay su’aasha ugu badan ee la waydiiyo iyo jawaabta ay ka bixiyaan, waxaanu sheegya in Bulshadu u muuqato inuu shaki ka geli karo in Doorasho qabsoomayso haddii waqtigu sii dheeraado. “..Ilaa imika waxaynu sugaynaa Komishanka, taasna waxaad mooddaa in uu waqtigii is-riixayo. Waynu ognahay, su’aasha u badan ee dadku isweydiiyo ama anagu madax ahaan nala waydiiyo waxa weeye, goorma ayay Doorashadii dhacaysaa? Taas oo muujinaysa in ay Umadda iyo shacbigu ay raagsadeen Doorashadii oo shaki ka galay Dimuqraadiyadii dalka, Dimuqraadiyaddaas oo ay ku xidhan tahay xasilloonida dalku. Haddii ay sidaas ku sii socoto uu shakiba ka geli karo. Waxaanu ugu jawaabnaa, Komishan cusub waa tii la sameeyay, nidaam cusubna lagu heshiiyay oo laga saaray gacantii Dawladda iyo tii Axsaabtaba oo loo dhiiibay cid sax ah (Komishanka).” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo shalay u waramay Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ka tirsan Telefishanka HCTV, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Saddexda Xisbi, Shacabka iyo ciddii kale ee la taban-taabinaysayba waxay Komishanka siiyeen kalsooni, tii ayaynu ku joognaa inkasta oo uu waqtigu yar raagay, haddana kalsoonidu halkeedii bay taalaa. Waxaanu diyaar u nahay oo aanu Ilaahay ka baryaynaa in hadal waafi ahi si dhaqso ah uga soo baxo Komishanka. Maalin walba dhegtu way na taagan tahay oo dadka kala mid baanu nahay, waliba anaga ay aad noo sii saamaysaa. Sidaa daraadeed, waanu sugaynaa, waxaananu ku kalsoonahay inay sida ugu dhaqsaha badan u dhici doonto Doorashadu..Ciddii cadow inagu ahna aynu meel uga soo wada jeesano.”
Sidoo kale, su’aalihii la waydiiyay Guddoomiyaha iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Dhinaca Axsaabta, waxaad mooddaa inay kalsooni badan ku qabaan inay Doorasho dhacayso, dhinaca Shacabka waxay u muuqataa inay qaneecaddaasi ah inay Doorasho dhacayso ay ku adag tahay, markay dib u eegaan inta jeer ee ay baaqatay. Maxaad arrintaa ka leedahay?
J: Runtii, shacbiga la yaabi maayo, shacbigu wuu daalay oo ballan-qaadyo badan oo hore ayuu maqlay oo maalin walba wuxuu u soo taagan yahay Dawlad wacyiga ay qaaddo ka baxaysa. Kalsoonidii baa ka luntay..shaki baa galay, laakiin waxaanu leenahay oo aan shacbiga ka codsanayaa, intii ka badnaydba waynu sugaynay, waxa kaliya ee aynu ku faannaa waa xasiloonideena iyo aaminaadda aynu xallisano dhibteena. Markaa, waxaan leeyahay, kollay sida qorshahayagu yahay, si dhaqso ayay ku dhici doontaa ee yaynaan shaki badan gelinin. Inaga oo kaliyana inaguma eka ee Caalamka oo dhan oo aad u danaynaya xasilloonida Somaliland ayaa eegaya.
S: Hadallada ka taagan arrimaha Doorashada waxa ka mid ah Doorashadii Golaha deegaanka ee muddo-dhaaftay, muddadii Golaha Wakiilada oo waxyari ka hadhsan yihiin iyo tii Madaxtooyada oo iyana baaqatay dhaw jeer. Markaad waxaas oo dhan eegto, haddiiba ay sanadkan dhacdo ta Madaxtooyadu, xal ma u noqon kartaa aragtidaada arrimahaas?
J: Si wanaagsan baad u sheegtay, wax waliba wuxuu leeyahay fure, nidaamka aynu qaadanay waa nidaam Madaxtooyo, xafiiska ugu muhiimsan ee aayaha dalka oo dhan ka taliyaa waa Madaxtooyada. Madaxtooyada Doorashadeedu waxay saamayn ku leedahay Doorashooyinka kale oo dhan, waxay dib ugu dhaceen hawlaha kalena waxa weeye, in mudnaanta laga siiyo Doorashada Madaxtooyada oo aan lagu qaldin Doorashooyinka kale. sidaa daraadeed, ayaa loogu heshiiyay, gudo iyo dibedna loogu wada tashaday in Doorashada Madaxtooyadu ta soo hormarta ay noqoto. Markay taasi dhammaato, kuwo kalena ay furfurmayaan. Laakiin, inta taasi laalan tahay ee ay kolba dib u dhacayso, kuwa kalena waa caadi inay kulligood dib u wada dhacaan. Markaa waxaan u arkaa inay Doorashada Madaxtooyadu sanadkan ku dhici karto.
S: Heshiiskii 6-da qodob ahaa ee Beesha Caalamku idinku dhexdhexaadisay, maxaa ka hirgelay baad odhan kartaa?
J: Waa la ogyahay waxa ka hirgalay, horta tii Komishanka waa la bedelay ee Komishan cusub la doortay, nidaamka cusub ee aynu ku dhaqmayno ee qaabka loo galayo Doorashada laga saaro Siyaasadda oo cid dhex ahi gacanta ku qabato iyana heshiiskii bay ka mid ahayd. Waxaas oo dhami way hirgaleen.
S: Waxyaabaha ugu muhiimsan dalka waxa ka mid ah Miisaaniyadda oo Xeerkeedii Golaha Wakiiladu ka doodayo, arrinta Miisaaniyadda dalka maxaad ka odhanaysaa?
J: In badan baynu maqalnay Golaha oo ka doodaya ama aad uga cabanaya arrinta Miisaaniyadda. Miisaaniyaddu waa sharciyada sanadkii walba la soo hordhigo Baarlamaanka, waana awoodaha Baarlamaanku leeyahay isaga oo ka wakiil ah shacabka in uu ogolaado Lacagta, kharashka iyo dakhliga dalka soo galaya iyo Lacagta Shacabka laga qaadayo iyo sidoo kale in uu ogolaado heshiisyada Caalamka lala galayo..Waxa kale oo aynu ognahay waqtiga ay tahay in la keeno Miisaaniyadda Golaha. Intaas oo dhan waynu ognahay oo midna lama keeno. Xisaab-xidh lama keeno, Miisaaniyadda waqtigeedii lama keeno, haddii la keenana sideedii looguma dhaqmo. Waxaas oo dhamina waxay ka mid yihiin waxyaabaha sida cad ee badheedhka ah ay uga baydhay sharcigii dalka, ilaa xad iska dhaaf Baarlamaan ay ka haybadaystaane, ay maalin walba Baarlamaanka hor keenaan Ciidan xidha..waxyaabaha ay isaga ogolaadaan (Miisaaniyadda) waxa weeye, iyada oo la odhanayo Ciidankii baa Mushahar la’, Doorashadii baa ku xidhan oo Baarlamaankii baa diiday. Waxaana jira waxyaabo ku qasbaya in iyada oo daahday oo aan nidaamkeedii soo marin inay iska sii daayaan..Laakiin, runtii marka laga eego dhinaca Sharciga waa wax kulligood wada dhaafsiisan Sharciga iyo nidaamka inoo yaala.
S: Guddoomiye, waxa lays waydiin karaa waxyaabahaas aad ku dhaliilaysaan Xukuumadda oo dhan, maxaa idiinka qorshaysan haddaad ku guulaysataan Doorashada?
J: Waxa nooga qorshaysan waxyaabo badan oo aanu hore u ballan-qaadnay, sharciyadda dalka ayaanu ku dhaqmi doonaa, Heshiisyadana jidkooda ayaanu u mari doonaa…
S: Guddoomiye, waxa jira arrimo ka soo cusboonaaday gobollada bariga Somaliland oo la yidhaahdo SCC oo Somaliland diidan, arrimahaas maxaad kala socotaa?
J: Waxaanu kala soconaa waxa weeye, horta marka hore waynu ognahay oo mandaqadda aynu ku nool nahay meelo badan baa waxa ka jira khilaafaad oo ay wax iska diiddan yihiin. Dadkeenu waa mujtamac Beelo ayuu u samaysan yahay ama gudahooda ha noqoto ama jaararkooda ha noqotee, waxa ka dhaxeeya khilaafyo. Meelo badan ayuu khilaaf ka taagan yahay, halka uu ka taagan yahayna halkaas oo kaliya maaha, wax Somaliland oo kaliya ahna maaha ee mid maamul buu la xidhiidhaa, mid dhexdooda ah buu la xidhiidha, waxa kale oo jira aragtiyo ay dadku iyagu dhexdooda qabaan ee ma jirto cid khasbaysa. Markaa kollay waxaanu qabnaa, aad iyo aad ayaa loogu baahan yahay oo inaga ayaa Dawladdii ah ee si loo ilaaliyo dadka wada-jirkiisa iyo xasilloonida Gobolkan loo ilaaliyo dadkaas (Somaliland-Diidka Sool) loo furo wada-hadal oo dareenkooda la dhegaysto, Odaynimadooda la dhegaysto oo wixii macquul ah laga qaato, wixii kalena laga qanciyo. Waynu u baahanahay inaynu dadka doonano, haddii aynu gobolkii iyo dadkii xukuno, cid dhibaato iska jeceli ma jirto, bal horta iyaga dareenkooda ha la ogaado oo wixii u baahan in laga garaabo waa in laga garaabaa. Laakiin, anigu waxaan qabaa maadaama ay dadkani ku jiraan dad badan oo madax-dhaqameedkii deegaankaasi, anigu waxaan qabaa in aynu Geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo oo la raadiyo oo wada-hadal loo furo iyo soo-dhawayn.
S: Guddoomiye, Soomaaliya hore waad uga hadashay inay Somaliland saamayn ku yeelan karto, imika maadaama ay ka sii darayso, maxaad ka odhanaysaa xaaladda Soomaaliya?
J: xaaladda Soomaaliya, intaynu ka nidhaahnaa isma bedesho waana in gar ah. marka u horraysa waa dad walaalaheen ah oo aynu jaar nahay oo Qaxootigoodii inala joogo oo aanay Buuro iyo Bado inoo dhaxayn. Mar walba nabadgelyo-darrada halkaa ka jirtaa saamayn bay inagu yeelanaysaa. Markaa, xag bani’daamnimo iyo xag dadnimaba waxaynu ka midaysanahay inaga oo la jecel oo ku guubaabina inay khilaafkooda xallistaan. Waxa kale oo dunida ku dhex jirta ee jecel mar walba inay xalliso khilaafkooda sida Qaramada Midoobay iyagana waynu ku taageeraynaa oo awaynu ku garab taagannahay. Waxa kaliya ee ina saarani waxa weeye in dhibaatooyinka inagaga iman kara aynu ka feejignaano oo wixii tallaabooyin ah aynu ka qaadno inaga oo wada-jirna, si aanay inoo soo gaadhin dhibaatadaasi. Ilaa imikana, dhawr jeer oo wax ina soo gaadheen mooyaane, caam ahaan waynu ku guulaysanay in aanay wax badani inaga soo gaadhin. Iyagana waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu dhibaatada ka dul qaado.
S: Somaliland waxay foodda la galaysaa sanadkii 19aad ee ay jirto, walina wax aqoonsi ah may helin, intaas oo sanno ka dib adiga ma kuu muuqataa wax aqoonsi ahi?
J: Horta, midi waa ayaan-darro oo kulligeen waynu ka xunnahay oo waxa weeye in ilaa muddadaas aynaan helin ictiraafkaas, laakiin isla markaa waa mide, waxa la isweydiin karaa ikhtiyaar kale oo ay wax inoogu hagaagayaan ma leenahay, jawaabtu waa maya. Midda kale, waxaan aaminsanahay in xitaa yaynaan helin ilaa waqtigaa cid ina ictiraafta, laakiin, haddana waad dareemaysaa oo waad arkaysaa sida Dunidu inoola dhaqmayso oo intii hore ka soo kordhaysa oo imika ilaa saddex Wefti ayaa dunida inoogu maqan, caalamkii ayaa siyaabo badan inoo taageeraya. Maaha caalamku haddaanu ina ictiraafin, waynu ka go’anahay..laakiin, inagu ma la wada nimi dedaalkii laynooga baahnaa in aynu la nimaadno, ta ugu wayni waxa weeye caalamku wuxuu isugu kaa soo taagayaa waxqabadka iyo horumarka aad ka samayso dalkaaga gudihiisa, markaad taa muujiso dunidu way soo dhawaanaysaa. Waxaan qabaa in ay taasi jirto oo waynu aragnaa in 7 sanno aan Doorasho la qaban oo mararka qaarkood waaba la shakiyaa oo layna waydiiyaa, hadhow ma noqon kartaa meel sida Soomaaliya oo kale luntay. Waa laynagu murmaa, markaa wax waliba wuxuu ku xidhan yahay in aynu dunida isku soo jeedino.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: