Shir buu ku jiraa!


Barkhad M. Kaariye
Faadumo waa Hooyo 29 sanno ka hor iyada iyo qoyskeeduba ku jireen khaanadaha sare ee nolosha. Isla markaana ka arag iyo dhaqaaleba wanaagsanayd sidan ay hadda tahay, balse aan ku haysan xorriyad iyo tacaddi-la’aan. Waa mid ka mid ah udub-dhexaadkii halgankii shacabku kaga jiray gudaha sanadihii 1980-naadkii, sahayda iyo sahankana la garab-taagnaa Ururkii xoraynta ee SNM. Waa hooyo waqtigaa Saygeedii iyo Curadkii ay dhashayba u hannaysay halganka dalka iyo hagar-daamaynta taliskii mucangagga ahaa ee waqtigaas.
Kuwaas oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu hor-tallaabay ee kala doortay laba jid mid uun inay qaadaan; inay dhintaan geeri horseed u noqota in Qoyskooda iyo kuwa la mid ah ee Bulshadu helaan nolol wanaagsan oo xorriyadi sal-dhig u tahay iyo in haddii ILaahay qoray ay xoraynta dalka hantaan, goob joogna u ahaadaan nolosha ay ku hamminayeen inay helayaan umaddu. Waxaanay qaadeen jidkaas hore, iyaga oo dhintay markii SNM dalka qabsatay geeri sababtay hanashada dal madax-bannaan.
Faadumo dhaqaale, dhiig iyo dhaqmaati intaba waxay u hurtay halgankaas, iyada oo maanka ku haysay inay siisatay nolol barwaaqo ku dambaysa. Hase ahaatee, hadda way ka duwan tahay siday filaysay. Imika waa da’, waxay xidhan tahay laba kabood oo Dacas ah, waxa cagaheeda saaran Boodh ka markhaati-kacaya inay ka soo lugaysay mid ka mid ah Xaafadaha koonayaasha magaalada ee ay degan yihiin dadka danyarta ahi. Waxa faraqa ama dacalka Shalmaddeeda si halhaleel iyo habaqle ah u haysta wiil yar oo ka mid ah kuwa ay Ayeeyga u tahay oo si gucle ah u daba socda, waxa dushiisa iyo dibnahiisaba saaran diif suurad u ah safrad iyo gaajo arooryaad.
Faadumo waxay hadda nolol ahaan ku jirtaa dabaqadda dhaqaalahoodu aanu ku filnayn ee ka welwela helitaanka saddexda waqti ee cuntada. Taa macnaheedu maaha inay ka rejo-go’day wixii ay u hurtay halyayadii Qoyskeeda oo qayb ka mid ah oo xorriyad ah ay heshay, hase yeeshee, waxay ka mid tahay dadka rejo ku qaba in ay mar uun noloshu isbedelayso. Waxay aaminsan tahay in intii ku dhimatay xorayntii dalku iyo inta talada haysaa isku si u dareemayeen halgankii xoraynta, taas oo sababtay in hadba Masuulkii ay u aragto in uu la garan karo ama aqoon u lahaa halyayadii kaga dhintay xorayntii dalka ama baahida qoyska ay horjoogaha u tahay ay ula eersato cadowga eryanaya ee gaajadu horkacayso.
Waxay hor taagan tahay iyada iyo wiilkeedii yaraa mid ka mid ah Wasaaradaha dalka, waxay sugaysaa ogolaanshaha Askariga ee in uu u fasaxo in ay hore u gasho, si ay ula kulanto Wasiir ka mid ah Xukuumadda. “Meesha isaga dhaqaaq yaanay Baabuurtu ku jiidhine..” weedhahaas ayaa ka mid ah kuwa naxariis ahaan ugu roon ee Dhegaheeda kaga soo duulaya Askarta. Waxay isheedu qabatay nin ay u aragtay in uu yahay mid gudbin karaya farriinta ay jeceshahay in ay gaadhsiiso Wasiirka ay baahidu dul-joojisay ee uu horjoogsaday Askariga ku hortaagan ilinka hore ee Xafiiska. Waxbase ugama tarin. Taagni badan iyo ag-wareeg tiro leh ka dib, mid ka mid ah xoghayayaasha Wasiirkaas oo ay tawaawac iyo tabasho ula tagtay, ayaa ku tiraabay oo ugu jawaab celiyay wax aanay iyada dani ugu jirn. “Shir buu ku jiraa!!!!” waa weedh u muuqata in badi ay masuuliyiintu ku gabbadaan, isla markaana aanay dani ugu jirin agoonta, awlaadda iyo maatida kale ee dalka. “Shirkoodu ma dhammaado miyaa, maxayse toloow ku soo kordhiyaan!” ayay gabadh kale oo meel halkeer ah taagnay, iyana duruufo adduun ka muuqdaan ugu baroor-diiqday Faadumo iyo wiilkeeda yar.
Faadumo kali kuma aha Waalidka iyo maatida waajaha maalin kasta kelmado iyo kadeed ay horseed u yihiin ilaaliyayaasha ama adeegayaasha masuuliyiinta dalku, waxayse astaan u tahay baahida ay qabaan agoontii iyo qoysaskii hormoodyadii xoraynta dalku.
Aan ku soo ibo-xidho mid ka mid ah Heesihii hormoodka iyo foollaadkaba u ahaa xorayntii dalka oo ay ku luuqayso Fannaanadda Sahra Cali Xasan oo ay ereyadeeda ka mid ahaayeen;

Mujaahid allaystayoow,
Ninkii Arligiisiyo,
U go’ay aayahaa dalkoow,
Ilaahay adaa u dhaw,
Rasuulkii adaa ag-degay
Ayaankiisa Shahiid,
Jannada Aqalka uga dhigay,
Ifkana taariikh ku dhaxal,
Inaan Ubax soo guroo,
Qabriga kuugu ilo-xidhiyo,
Abaal adigaa iga mudan.
Ninkii Awlaad lahaa,
Agoontii uu ka tegay,
Aabbaa loo wada yahee,
Daryeel lagu ururiyaa,

Dhammaan umadday u taal.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: