Maxaad ka taqaanaa sababaha iyo Daawaynta Cudurrada Wadne-xannuunka iyo Faaligga?


Hargeysa, (NNN)- Cudurrada ugu halisan ee sababa dhimashada dad badan oo caalamka ah waxa ka mid ah xannuunada ku dhaca wadnaha iyo Faaligga.
Wadne-istaagga oo ka mid ah xanuunada ku dhaca wadnaha waxa uu yimaadda marka socodka dhiiggu xannibmo oo inta badan ay sababto xiddida dhiigga ee wadnaha gala oo is-awda , halka faaliggana ay keenaan xiddid is-xidhay (dhiigga oo xinjiro yeesha) ama unugyada dhiigga ee maskaxda kala googo’a. waxa jira xaalado kale oo sida shaqada wadnaha soo sideeda u soconweyda taas oo ah marka dhiiggu aanu si caado ah ugu wareegayn qaybaha kale ee jidhka. Shaqada wadnaha ayaa ah inuu dhiig ay ogsojiin la socoto and nafaqada kale gaadhsiiyo jidhka intiisa kale ee u baahan. Marka nidaamkan la dhex galo, ama si wanaagsan u shaqayn waayo, waxa natiijadiisu noqotaa xannuun khatar ah ama xataa geeri.
Khatarta xannuunada wadnuhu waxa ay ku badan yihiin dadka cunto-qaadashadoodu liidato, kuwa sigaarka qiijiya ee aan jimicsiga samayn iyo weliba iyada oo raggu uga nugul yihiin inay ka cawdaan marka loo eego dumarka.
Sababaha halista ah iyo ka hortagga
Waxa dhici karta in cudurrada wadnaha ku dhaca iyo xataa faaligga la kala dhaxli karo, balse inta badan waxa ay ku yimaaddaan qaab nololeedka qofka. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka qayb-qaata ka-hortaggooda waxa ka mid ah isbeddel lagu sameeyo cuntada, jimicsiyo la sameeyo iyo iyada la iska joojiyo qiijinta sigaarka.
Sababaha halista ah
Da’da: Afar ka mid ah shanta qof ee u dhinta xannuunada wadnaha intooda badani waxa ay da’doodu noqotaa 65 sanno iyo wixii ka weyn. Dhinaca kale, halista qofku ugu jiro inuu haleelo Faaliggu waa ay laba-jibbaarantaa toban sanno oo kasta wixii ka dambeeya da’da 55-jirka.
Jinsiga: Raggu waa ay uga halis badan yihiin dumarka inay cudurradani haleelaan, waxaanay la kulmi karaanba xilliyada hore ee noloshooda. Laakiin tirade dhimashada ee labadan xanuun ay dumarka u gaystaan waxa ay laba jeer ku sarraysaa kuwa ay haleelaan noocyada kala duwan ee Kansarku.
Halista dumarka ee cudurradani waxa ay korodhaa wakhtiga ay caadadu ka joogsato waanay sii socotaa halistaasi marka ay da’doodu sii weynaataba, taas oo sida suurto-galka ah timaadda maxaa yeelay waxa marba marka ka sii dambaysa ka sii dhammaada hormoonka dabiiciga ah ee Oestrogen oo masuul ka ah horumarinta astaamaha unugyada dheddignimada ee haweenayda.
Taariikhda Qoyska (Hidde-raac): Carruurta dhalaan waalidka leh xannuunada wadnaha waxa ay u dhow yihiin inay la dhacaan xannuunkan. Qaar ka mid ah Sinjiyada kala duwan sida Afro-Caribbeans oo ah dadka midabkoodu madawga yahay eek u nool Jasiirada Kareebiyanka, waxa ay uga nugul yihiin haleelista labadan xannuun marka loo eego dadyowga kale.
Qiijinta Sigaarka: Dadka Sigaarka cabbaa waxa ay laba-laab uga dhow yihiin dadka kale ee aan cabin inuu haleelo wadne-istaag, waanay uga dhimasho dhow yihiin natiijada kala dhalata. Qiijinta sigaarka waxa kale oo lagu xidhiidhiya halista cudurka Faaligga oo sii saa’idda. Maadada Nicontine iyo Carbon Monoxide-ka ku jira qiiqa buuriga waxa ay dhaawac u gaysataa habdhiska wareegga dhiigga. Waxa kale oo halis ah qofka aan sigaarka cabbiin ee qiiqiisu soo gaadho.
Cabbidda Maandoriyeeyaasha: Cabbitaanka sharaabka maandooriyaha ahi waxa uu kordhin karaa halista xannuunadan loogu nuglaan karo maxaa yeelatay waxa ay saamayn ku leeyihiin cadaadiska dhiigga, miisaanka iyo heerka duxda dhiigga ku jirta ee triglycerides.
Duxda Dhiigga (Cholesterol): Haddii xaddiga duxda dhiigga ku jirtaa sarrayso, waxa sidoo kale kor u kacaya halista xannuunka wadnaha, gaar ahaan haddii ay weliba weheliyaan asbaabaha kale ee halista u ah imaanshiha xanuunkan. Cunto-qaadashada ayaa ka mid ah qodobada sababa kor u kaca xaddiga duxda dhiiga, halka kuwa kalena ka yihiin da’da, jinsiga iyo taariikhda qoyska (hidde).
Cadaadiska Dhiigga: Cadaadiska dhigga oo sarreeyaa waxa uu kordhigayaa wadnaha oo shaqadu ku badato, taas oo sababaysa inuu ballaadho marna daciifo. Marka ay xaaladdan u raacdo qof si xad-dhaaf ah u cayilan, qof sigaar cabba, qof duxda dhiiggiisu badan tahay ama qof macaan qaba, waxa dhawr jeer sii siyaada haliska cudurkan.
Cadaadiska dhiiga oo aan u sarreeya (Dhiig-karka) waxa uu dhibaato ku yahay dumarka uurka leh ama kuwa qaata dawooyinka.
Jimicsi la’aan: Qofka oo aan jimicsi samayn waxa ay sababtaa xannuunka wadnaha oo ku dhaca maxa yeelay jimicsigu waxa ay innaga caawinayaa inay kaantaroolno heerka duxda dhiigga ku jirta, macaanka iyo, xaaladaha qaar, inuu inaga caawiyo heerka cadaadiska dhiigga ee hooseeya.
Cayilnaanta Xad-dhaafka ah: Dadka miisaankoodu saayidka yahay waxa ay u nugul yihiin inay yeeshaan wadne-xanuunka iyo Faaligga. Miisaanka dheeraadka ahi waxa uu sababaa culays dheeraad ah oo ku yimaadda wadnaha, waxa uu saameeyaa cadaadiska dhiigga, Duxda dhiigga ku jirta, waxaanu siyaadiyaa halista inuu qofku yeesho macaan.
Macaanka: Xaaladdani waxa ay si aad ah u kordhisaa halista imaanshaha xannuun ku dhaca wadnaha, xataa haddii la xaddido heerka sonkorta dhiiga. 80% dadka ka macaanku ku dhaco inay u dhintaan nooc xannuunka wadnaha ah.
War-warka badan: Waxa la ogaaday xidhiidho ka dhexeeya war-warka badan iyo xannuunada ku yimaadda xiddidka weyn ee wadnaha dhiiga ka qaada. Waxa ay tani noqon kartaa maxaa yeelay waxa ay dadka ku dhiirigelisaa inuu cunto badan cuno, sigaar-qiijinta bilaabo ama haddii uu cabbi jiray uu qiijiyo xaddi aanu weligii cabbi lahayn
Maxaa ugu suurto-galsan in lagaga hortago
Waxbarasho: Dadka oo la baro asbaabaha halista ah ee keenta wadne-xannuunka iyo faaligga iyo iyada oo lagu qanciyo inay la qabsadaan qaab-nololeed caafimaad qaba waxa ay saamayn ku yeelanaysaa tirada dadka ee u dhimanaya cudurradan.
Iyada oo dadka lagu dhiiri-geliyo inay joojiyaan qiijinta sigaarka, si wanaagsan wax u cunaan iyo inay si joogto ah jimicsi u sameeyaan waa mid muhiimad gaar ah u leh.
La socoshada Xaaladda Caafimaad: Si looga digtoonaado, waa in dadku si joogto u cabbiraan heerka cadaadiska dhiggooda, cabbirka miisaanka iyo dhererkooda, iyo inay iska eegaan heerka duxda dhiiggooda ku jira. Dadka heerka xaaladdoodu aad u sarrayso waa in lagu dhiiri-geliyaa inay horumariyaan cunto-qaadashooda, waxaana lagu dawayn karaa dawooyin haddii heerka duxda dhiigga ku jirtaa liidata. Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in cadaadiska dhiigu aanu ka badan 140 ka 90 Hg.
Jimicsi: Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in jimicsiga ugu yar ee qofku samaynayo ay ahaato saddex ama afar jeer oo midkiiba qaadato 30 daqiqiio todobaadkii.
Cufnaanta jidhka dhammayska tiran – oo laga xisaabiyo culayska (Kg) oo loo qaybiyo laba jibbaarka dhererka (m) qofka, waxa uu u dhexeeyaa 21 iyo 25, waana in wareegga dhex gabadhu aanay ka badan 88sm (35inch) halka ragga laga rabo inaanay wareegga dhexdiisu ka badan 102sm (40inches), wixii intaas ka badan waxa loo tixgelinayaa in qofka miisaankiisu isu dheelli-tiran yahay. Dhinaca kale, dadka uu hore u hayo xannuunka marrinada dhiigu, waxa ay dhakhaatiirtu soo jeediyeen in isticmaalka Aspirin-ka ama Warfarin ay labadoodu ka hortagaan dhiigga xinjiraysta.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: