NOLOL MISE GEERI?


Meertada noloshu, waa mid isku xidhiidhsan oo leh qaab-wadaag dhamaystiran oo ilaahay isku dheeli-tiray. Waa qaabab suurta-geliya jiritaanka-nololeed ee shay ku sugnaanayo, iyada ay ku xeeran yihiin caddawyo badan oo baadi-goob ugu jira sidii ay waxyeelayn lahaayeen.

Waxa aynu guda-galnay qarnigii 21-aad, oo la kowsaday calaamooyin u gaar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbedelo xoogan oo adhax-wareemay qaab-dhismeedkii nololeed ee kownkan aynu ku uuman-nahay. Wax weliba waa is-dhalan-rogay, oo dadku dadkii maaha, dhaqanku dhaqankii mahaa, cimilladu cimilladii maaha, bulshadu bulshadii mahaa. Wax kasta waxa ku dhacay is-bedelo isugu jira qaar tadan iyo kuwo togan-ba.

Noloshu waxa ay la baaxaa-degaysaa sidii ay ula jaan-qaadi lahayd cidhiidhiga baaxadda leh ee ka haysta hanashada qaab-nololeed sugan, oo gabbood iyo hiil uga noqda cadawga halaambaynaya ee lidka ku ah jiritaankeeda.
Haddii aynu intaas ku soo dhaafo ararta qalinka, oo aynu u soo gundo-degno nuxurka faalladan hal-ku-dhigeedu yahay “NOLOL MISE GEERI,” waxa ay ka unkantay aafo ku habstay geyigan Somaliland. Waa mushkilad horseedi doonta in deegaano badan oo waddankan ka mid ahi uu ku dambayn doonaan meel lamo-degaana oo cidla caarsira ah. Waa dhibaato keenaysa in duunyo badani xaaqanto, isla markaana dad aan tiro lagu soo koobi karayni caydhoobaan.
Wax-ba meel fog ha ka eegin aafadaas, ee waa mid kula deris noqotay oo noloshoodu miciin-bidday, taas oo wax-tar laga deyayo, laakiin waxyeeladeedu ka xun tahay. Waa dabar-goynta lagu hayo dhirta qoyan ee ilaahay waddankeena ku mannaystay, oo imika gabaabsi ku dhaw. Waa dhuxulaysiga aan xuduuda lahayn, ee shirkadaha loo samaystay.
Geedku, waa noole ay ku nool yihiin in-badan oo ka mid ah makhluuqaat-ka ilaahay, isla mar ahaantaana kuwo kalena ay ka dhigtaan hoy ay ka galaan kulaylka cadceeda, roobka, dabaysha iyo beni’aadamka-ba. Waxa kale oo uu wax-tar weyn u leeyahay nolosha dadka, deegaanka iyo duunyada la dhaqanayaba.
Geedkii noocaas ahaa, waxa noloshiisii galaaftay oo gunta ku hubsaday, mid baas oo ilaahay ku sababay, kaas oo hadafkiisa ugu weyni yahay inuu nolol ka raadiyo, isaga oo garwaaqsan inuu geeri u horseeday nooleyal badan oo isaga uga xaq lahaa ku noolaanshaha geedka.
Haddii aynu soo qaadano geedka loogu dabar-goynta badan yahay, waa geedka loo yaqaan “GALOOLKA,” oo runtii si xun oo aan ka nax lahayn loo dabar-goynayo, iyada dhuxulaysatadu ugu mar-mar-soodaan inuu ka dhuxul wanaagsan yahay dhamaan dhirta kale, kaas oo aan loo kala eegin qoyaan iyo qallayl toona.
Dabcan, waa noole la duudsiiyey xuquuqdisii uu ku noolaan lahaa, looguna bedelay goyn, gubis iyo xaaqid bilaa tudhis ah, iyada oo aanay muuqan ciddii ka dhicin lahayd ee hiilka uga noqon lahayd nacabkaas weerarka xun ku haya.
Waxaa lagama maar maan ah in la qaado tallaabooyinka wax-ku-ool ah oo loogu hawl-gelayo sidii loo badbaadin Geedkaas iyo weliba dhirta kale ee sida xun loo gubayo, oo ay muuqato inay ka dhalanayso cawaaqib-xumo si weyn u saamayn doonta suurta-galnimada nolosha ee deegnnada miyiga ee Somaliland.
Waxa ay ahayd 12-kii bishii January ee sannadkii 2009-kii, markii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu xadhiga ka jaray Shirkaddii u horreysay ee hirgelisay adeeg lagaga maarmo dhuxusha wax lagu karsado, taas oo keentay qalabka shooladaha loo yaqaan iyo gaasta lagu shido. Shirkadaasina waa SOMGAS.
Tallaabadan waxaa suurta-geliyey muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo arkay baahida laxaadka leh ee bulshadu u qabto inay helaan waxa ay kaga kaaftoomaan dhuxusa, isla markaana xal u noqota gumaadka loo gaysanayo dhirta uu kawga ka yahay geedka Galoolka ah.
Inkasta oo shirkadaasi shaqaynaysay muddo sannad iyo dhawr bilood ah, hadana waxa ay ku guulaysatay inay si weyn u dhinto gumaadkii lagu hayay dhirta, iyada oo bulshaduna si tallaabo-tallaabo ah ula soo qabsanaysa isticmaalka iyo adeegsiga adeegyada gaasta iyo shoolada wax lagu karsado ee ay SOMGAS bixiso.
Sidaa darteed, sida muwaadiniintaas oo kale, waxaa qof kasta la gudboon inuu ku dhaqaaqdo wixii uu ku badbaadin lahaa Geedka GALOOLKA iyo inta kale ee ay isku bahda yihiin ee u gacanta galay u-ma-naxayaasha nacabka ah ee dabka iyo dabar-goynta ku haya. Haddii kale wakhti aan fogayn ayaa laga shallayn doonaa aafada deegaanka ku habsatay ee xalkeeduna fudud yahay.
Waxa aan qormadan nuxurkiisu yahay ‘NOLOL MISE GEERI’ ku soo af-meerayaa dhawrkan weydiimood ee soo socda, ma tahay qof dareemay gumaadka lagu hayo GALOOLKA iyo dhirta kale ee bah-wadaagta yihiin? Haddii aad dareentay maxaa kula gudboon inaad arrintaa ku xalliso? Mase haysaa qorshe lagu samata-bixin karo gumaadka dhirta? Yaad-se u malaynaysaa inay tallabaas fulinteeda ay ka muul yihiin? Maxaa la adeegsan karaa si loo sugo nolosha Galool loogana hortago Geeridiisa? Dhamaan su’aalahani waa qaar u furan cid kasta oo jecel inay ka jawaabto.
Prepared by: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland Independent Political and Socio-economic Analyzers]

Hargeisa/Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: