FAALLO: Awoodaha Dulman


Qormadani waxa ay iftiiminaysaa awoodo xaqoodii waayay, una baahan gurmad, garab iyo taageero hiil uga noqda cidda dulmiga ku haysa. Waa awoodo jiritaan ahaan aad u baaxad weyn, saamayn ahaan-na aan la dhayalsan karin, kuwaas oo leh taran iyo tamar-ba. Hasayeeshee ay ku geedaaman yihiin cadaadisyo kaga imaya cid aan jeclayn in awoodahaasi madaxa la soo kacaan. Waa awoodo ku hoos jira dulmi, duudsi, degelaysi iyo daacad darro xoogan oo lagaga horjoogo xuquuqdooda.
Dabcan, markasta oo dulmigu sii siyaado waxa uu horseedaa kacdoon iyo iska-dhicin ay ku kucdo ciddaas dulmiga tirsanayaa, isla markaana waxa bilawda is-xulafaysi iyo is-garabsi dhex-mara inta dulmigu wada saameeyey.
Haddii aynu ku soo dhawaano dulucda qormadeenan uu hal-ku-dhigeedu yahay “AWOODAHA DULMAN,” waxa ay si gaar ah u taabanaysaa qaybo ka mid ah bulsho-weynta reer Somaliland oo in muddo ah u xusul-duubnaa sidii ay dhacsan lahayd xuquuq laga duudsiyey. Tolay xuquuqdaasi maxay ahayd? Yaase ka duudsiyey? Qaab noocee ah ayayse ku hanan karaan?
Qaybahaasi waxa ay kala yihiin, dhalinyarada, Haweenka iyo Naafada. Sababta ay ugu sifoobeen awoodaha dulanina waxa ay tahay, waa marka koobaade waa qaybihii ugu badnaa bulshada, hasayeeshee aan nasiib u helin inay ka qayb-qaataan jaan-goynta iyo dejinta hannaanka-siyaasadeed ee dalka. Waxa ay noqdeen awoodo marti u ah in yar oo kooban, oo sida ay doonto ka yeelaysa. Waa awoodo maskax ahaan, muruq ahaan iyo maamul ahaan-ba wax badan tari lahaa geedi-socodka siyaasadeed ee waddanka.
Dulmiga ku habsaday Awoodahani wuu sii kala qoto-dheer yahay oo waxa ugu sahlan ka Haweenka, oo iyaga waxa caqabad ku noqotay arrimo ay ka mid yihiin dhaqanka, dhaqaalaha iyo hab-dhaqanka beelaysan ee bulshadani u nooshahay. Waxa kale oo awoodooda badhxay ta ragga oo u muuqata inay ka buruud-weyn tahay.
Iyaga xalkoodu waxa uu ku xidhan yahay inay dhinac isaga duwaan arrimaha kor ku xusan oo dhan, taas oo ku imanaysa inay la yimaadaan qorshe hawleed dhamaystiran oo sahlaya hanashada awoodahoos siyaasadeed ee ay doonayaan inay waddanka ka hirgeliyaan.
Haddii aynu u nimaadno dhalinyarada, waa kuwa uu ku habsaday dulmiga ugu xumi. Iyaga si cad oo aan gabasho lahayn ayaa loo duudsiyey xuquuqdoodii ka qayb-galka siyaasada talada dalka. Waxaana sidaa lagu xaqiijiyey Dastuurka u dejisan Jamhuuriyada Somaliland, oo tilmaamaya inaan 35 jir wax ka yari aanay isa soo agtaagi karin doorahada Golahayaasha dalka gaar ahaan Wakiilada iyo deegaankaba. Waana asaaska xudunta u ah dulmiga bahdilay awoodii iyo hamigii siyaasadeed ee dhalinyarada.
Somaliland waxa ay ka mid tahay waddamada faro-ku-tiriska ah ee oo xannibay awoodii dhalinyarada, ka dib markii ay u adeegsadeen Dastuurkooda, iyaga oo dareensan quwadda baaxada leh ee ku jirta dhalinyarada oo aynu ognahay inay yihiin laf-dhabarta, aayaha iyo jiritaanka dalka iyo dadkaba.
Waxa farxadeeda leh in tobankii sannadood ee ugu dambeeyey inay dhalinyadu bilaabeen halgan ay ku muujinayaan awoodooda siyaasadeed, isla markaana ay abaal isaga duwayaan dulmiga iyo duudsiga lagu hayo, “Siyaasada waxaa igu kallifay inaan ku soo biiro aniga oo da’ yar qodobo badan oo is huwan, oo ay ka mid tahay aniga yaraantaydii la soo kacaamay inan masraxa siyaasada mar uun imaado, una imaado inaan Ummadadayda u hago meel wanaagsan, si aanan ugu calaacalin qofka xilka hayaa muxuu waxan u qaban waayay.” Tiraabtani waxa ay ka mid tahay dhawaaqyada muujinaya halganka ay dhalinyardu ugu jiro hannasada talada dalka iyo ka qayb-galka saaxada siyaasada.
Inta kuma koobna dhambaalada iftiiminaya dagaalka ay dhalinyaradu ugu jirto sidii u dadafayn lahayd dulmiga lagu hayo, “…Waxa wax lala yaabo ah sida loo dafiray ee meesha looga saaray xuquuqdii siyaasadeed ee dhalinyaru ku lahayd waddankooda, sida loo bahdilay hankoodii iyo kartidoodiiba, sida loogu maaweelinayo ‘mustaqbalkii berrito ayaad tihiin,’ iyada oo laga war-qabo in hadalkaasi yahay mid aan wax-ba ka jirin.” Odhaahdan oo aan ka soo min-guuriyey hal-ku-dhigta halganka siyaasadeed ee dhalinyarada, ayaa waxa si weyn looga dheehan karaa damqashada iyo xaruunka uu ku hayo dulmiga saarani.
Haddii aynu mar kale soo qaadano mid ka mid ah odhaahyada ugu kulul ee dhalinyaradu ku cabirayaan dulmiga lagu hayo, waxa ay odhanaysaa “Dhalinyaradu ma gayaan in la yidhaahdo kama qayb-geli kartaan talada dalkiina, uma qalmaan inay noqdaan awoodii ugu weynayd ee hadana dulmanayd, haddii is-bedel la samaym waayo, dhalinayaradu waxa ay ku qasban taha in muddo aan dheerayn ay iyagu isbedel samayn doonaan, oo ay hantiyi dooyaan awooda dalka.” Si ay dhalinaradu uga dhabayso odhaahdan, waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan isku duubni, wada-tashi iyo kacdoon siyaasadeed oo kaga taqalusayaan dulmigaas.
Markaa aynu qodobkaas-na istaas ku soo waydaarano ee aynu u soo gudubno awooda saddexaad ee dulman, waa dadka Naafada ah, oo iyaga laftooda uu Dastuurku meel weyn kaga dhacay, isla markaana majara habaabiyey xuquuqdoodii ka qayb-galka talada dalka. Waayo, Dastuurku waxa uu ku sifeeyey qofka doonaya inuu doorashooyinka waddanka ka qayb-glo inuu jidh ahaan iyo caqli ahaan- dhamaystiran yahay. Garan-nay caqli ahaan, oo dee waa muhiim in qofka doonaya inuu talada dalka ka qayb-galo in uu caqligiisu taam yahay. Laakiin waxaa xad-gudub ah jidh ahaan, maxaayeelay qofka beni’aadamka ahi waxa uu ku shaqeegaya caqliga oo ah saldhiga hagaya wax kasta oo uu qabanayo. Waxa la helayaa qofk kartidiisu 100% tahay, hasayeeshee naafo ah, taas macnaheedu maaha inuu qofkaasi caqliga naafo ka yahay.
Dadka naafada ah-na, waxaa loo fadhiyaa inay muujiyaan damacooda iyo awoodooda siyaasadeed, si ay ugu muuqdaan dad jira oo lagu xisaabtamo, isla markaana wax dhacansan kara.
Isku soo wada-duuboo, faalladani waxa ay hogo-sulaalayn u tahay dulmi jira oo u baahan in wax laga qabto, haddii wax laga qaban waayana qarxi doona wakhti aan fogayn. Waxa ay ku talinaysaa; maadaama oo aanay bulshadu kala maar karayn, isla markaana ay sida silsilada isku xidhan tahay, waa in la dejiyaa qorsheyaashii lagu xallin lahaa ee lagu fardaamin lahaa ‘AWOODAHA DULMAN’ ee mici lisanaya, isla mar ahaantaana doonaya inay mar uun iska tuuraan heeryada dulmiga ee saaran.

Prepared by: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland Independent Political and Socio-economic Analyzers]
Hargeisa/Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: