“Somaliland intay aqoonsi raadinaysay, Dawladda Federaalka ah kamay soo raadin, waxaana dhici karta inay fududaato”


Wasiiru-dawlaha Arrimaha gudaha Soomaaliya
Muqdisho, (NNN) – Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay Doorashada suurtogeliso, isla markaana ay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay kala hadasho Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay suurtogal tahay in ay ka hirgesho. Waxaanu Xukuumadda iyo Shacabka Somalialnd uga digay weeraro uu sheegay inay kaga soo maqan yihiin dhinaca Kooxda Al-Shabaab.
Wasiiru-dawlaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ku sugan Muqdisho, ayaa waraysi dheer oo uu Khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska Ogaal, wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, aqoonsiga Somalilad iyo aragtida ay Dawlad ahaan ka qabaan, Doorashooyinka, amniga dalka iyo sidoo kale weeraro uu sheegay inay Al-Shabaab qorshaynayso inay Somaliland ku soo qaadaan.
Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo Khadka Telefoonka ugu waramay Barkhad M. Kaariye oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, ayaa waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan;
S: Wasiir, ugu horrayn guud ahaan waxaad warbixin naga siisaa xaaladda Soomaaliya ee hadda?
J: Qolooyinkan Ajaanibka ah iyo cidda kale ee la socota ama hays qarxiyaan, ama wax ha dilaan, ama wax ha qalaan, way wadaan dhibaatooyinkii ay dalka ka wadeen, waxaanay doonayaan inay dalka oo dhan ku ballaadhiyaan, meel kasta oo ay nabadgelyo ka jirtana, ay nabadgelyo-darro ku abuuraan, gaar ahaan dhinaca Waqooyi iyo dhinaca Waqooyi-bari labadaba oo ah dhinaca Somaliland iyo Puntland oo dadka degani ay degannaansho haystaan. Markaa haddii aan fursad u helay in aan Wargeyskan (Ogaal) caawa (xalay) fikirkayga ka dhiibto, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed iyo maamullada halkaa ka jiraba ugu baaqo inay digtoonaadaan oo ay ka feejignaadaan, arrintaana siday uga hortegi lahaayeen xoogga u saaraan, anagana ay gacan naga siin lahaayeen.
S: Maaha markii u horraysay ee digniin noocan ahi ka soo yeedho Dawladda aad ka tirsan tahay oo hore Wasiiru-dawlaha Gaashaan-dhigga Yuusuf M. Siyaad (Indho-cadde) ayaa baaqan mid la mid ah soo jeediyay, maxay tahay waxaad ogtihiin iyo xogta gaarka ah ee aad haysaan?
J: Horta, xannuun ama hawl ninkii la dersay ayaa yaqaana, waxaana laga yaabaa in dad badan oo Waqooyi (Somaliland) ku nool ama Waqooyi-bari (Puntland) ku nool ay maqal uun ku tahay ama aynu Telefishannada ka daawano waxa ka dhacaya Falastiin ama Ciraaq oo kale u tahay, laakiin waa xaqiiq jirta. Runtiina casharo aad wax ku fahmi kartaan waa laydiin dhigay oo waa tii Qaraxyada laga fuliyay deegaannadaas. Hawlaha aanu ognahay waxa weeye, meel kasta o ay degannaansho ka jirto ayaa bar-tilmaameed u ah (Kooxaha Soomaaliya) ama waqooyi (Somaliland) ha noqdo ama Koonfur ha noqdee. Waxaanu ognahay nimanka masuuliyiinta ah ee madaxda u ah mushkiladda Soomaaliya in ay ka soo jeedaan gobollaadaas (Somaliland), cid walibana meeshii ay ka soo jeedday in loo adeegsadaa waa Barnaamij ay leeyihiin (Kooxaha Soomaaliya) weeyaan. Markaa waa waajib in aanu digniin culus u dirno (Somaliland iyo Puntland) oo aanu wixii jira farta ku fiiqno, sababtoo ah, ma rabno in dadkaa walaalahayo ah iyo maamulladaas jira wax la yeelo. Waa meelaha nabadda ah ee maanta ay Soomaalidu ku naaloonayso, run ahaantiina waa wax lagu faani karo. Markaa waanu uga digaynaa, waxaananu ku boorinaynaa inay gacan bir ah ku qabtaan, kana hortegaan wax kasta oo hawshaas ku saabsan.
S: Wasiir, markaad leedahay madaxda Kooxaha mucaaradka ahi waxay ka soo jeedaan Somaliland, maxay daarran tahay? bal faahfaahin ka bixi.
J: Waxaan uga jeedaa, ninka ugu wayn kooxdan Khawaariijta (Al-Shabaab) ee dalka joogtaa, anigu ma aaminsani in Soomaaliya kala meel tahay, laakiin marka la sii kala saar-saaro, waxa uu ka soo jeedaa gobollada Waqooyi (Somaliland), cid walibana way taqaanaa oo hawl-qabadka u horreeya ee u qorshaysan ee uu haystaana waxa weeye in uu dhibaatada ka abuuro gobollada uu ka soo jeedo oo uu gaadhsiiyo dhibaatada uu wado. Markaa, taasi waa lama huraan, waana wax hoosta ka xarriiqan, tamar-la’aan baa haysa mooyaane, laakiin habeen iyo maalinba wuxuu ku fikirayaa sida uu Mushkiladaha uga abuuray gobollada kale ee Soomaaliya uu Hargeysana u gaadhsiiyo. Sidoo kalena, ragga ku xigana qaar badan oo ka mid ahi waxay ka soo jeedaan Gobollada waqooyi-bari, waa dhinaca Puntland, iyaguna waa u bar-tilmaameed. Kuwii ka soo jeeday gobollada Jubbooyinka ama Banaadir ka soo jeedayna way wataan shaqadii loogu talo-galay oo sidii ay ugu talo-galeen ayay u wadaan. Kuwa kalena, way ku sii socdaan, waana arrin ka go’an.
S: Wasiir, waxaad ku cel-celisay gobollada Waqooyi, ama aqoonsi ha hesho ama yaan la aqoonsan, miyaad kala masuugaysaa in aad ugu yeedho Somaliland?
J: Aniga Waqooyi iyo Dadka Soomaaliyeed ee halkaa dega waa dadkaygii, waa walaalahay, inay Somaliland noqdaanna gebi ahaanba dadka ay cudurka ku hayso ma ahi. Madax-bannaanida iyo goonni-isu-taaggu waa mid laga wada hadli doono waqtigeeda, dooddeeda iyo cidday ka go’do, laakiin anigu shaqsi ahaan waan taageerayaa, waxaanan ku dhiirigelin lahaa inay adkeeyaan hawsha ay hayaan. Horta, anigu waliga Hargeysa isma dhex taagin, laakiin waxaan a arkaa Telefishannada, inkasta oo aan ku faraxsanaan lahaa in aan mar arko oo aan is-dhex taago. Balse, waxay qabsadeen iyo bilicda ay u sameeyeen, ayaa ah wax aan anigu shaqsiyan ku faani karo, deegaan ahaanna haddii la yidhaahdo in aan laga fogayn ayaaba laga yaabaa. Markaa aad baan ugu farxayaa in aan anigu arko nolosheeda iyo qaabka ay u samaysan tahay. Axsaabta, Odayaasha ama Maamullada halkaa ka jirana waxaan ku adkaynayaa in furfuran hawlaha ay aad u xidh-xidheen oo ay Soomaalida aad ugu gacan-haadiyaan.
S: Dawlad ahaan ama ka Wasiir ahaan, maxaad ka aaminsan tihiin aqoonsi ay Somaliland hesho?
J: Anigu waxaan ka aaminsahay waan sheegay, arrimaha goonni-isu-taagga Somaliland iyo waxay Somaliland doonayso xilligeeda ayaa laga wada-hadli doonaa, laakiin anigu shaqsiyan waxaan kuu sheegay in aan taageersanahay inay maamulkaasi sida uu hadda u shaqaynayo si ka baaxad wayn oo ka horumarsan oo ka ballaadhan uu u shaqeeyo, sababtoo ah, waxa la horumarinayaa waa dalkayagii iyo dadkayagii. Macnaha, masuuliyadda aanu manata hayno in aananu hayn doonin baa dhici karta oo haddii cid kale talada qabato, shacabka ayaanu ka mid noqonaynaa, masuliyiinta ayaanu ka mid noqonaynaa, in aan anigu Hargeysa ka shaqeeyana wax dhib ah oo ay igu haysaa ma jirto.
S: Waxaad sheegtay in aanad Hargeysa arag, haddiiba ay dhacdo inaad aragto Somaliland iyo amnigeeda, ama Muuqaalkeeda daawo ama si kale u arage, suurtogal ma tahay in ay wax ka bedesho aragtidaada siyaasadeed ee Aqoonsiga Somaliland oo aad sidan ka soo dhawaato?
J: Dabcan, anigu Hargeysa Madaarkeeda waan tegay oo waan ku nastay, laakiin inaan ajanebi ka ahaado in aan Hargeysa galo wax macno ah ma samaynayso, waxase ka qiimo badan in la arko oo la galo oo waayo-aragnimo iyo fikirro badan laga soo qaato. Iyaga laftoodana (Somaliland) fikirka ay qabaan inay dadka geliyaan oo aanay xuduudo isku wareejin. Si kastaba ha ahaatee, waa laga yaabaa haddii aan Hargeysa arki lahaa ama la sheekaysan lahaa, inay wax igu biiran lahaayeen ama aan ku biirin lahaa. Laakiin, waxaan odhan lahaa xidh-xidhnaanta ha ka daayaan, waayo waxaad hayso haddaanad suuq-gaynin, cidina dukaankaaga kuugu soo geli mayso, waa inaad suuq-gaysaa waxaad haysid oo la arko oo aad sharaxdid. Inta Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo Jarmal lagula wareegayo, waxa fiican in Soomaalida dhexdeeda laga gado (dhaadhiciyo). Waxa dhici karta in Soomaali badan oo danaynaysa (aqoonsiga Somaliland) la arko. Anigu waxaan aaminsahay in u-dhalashada iyo ka-dhalashadu aanay macno lahayn ee ay wanaagsan tahay in qofku Soomaali yahay oo uu fahmi karo waxa meesha yaala iyo doorka looga baahan yahay. Waxaan u soo jeedin lahaa dadka Deegaankaa (Somaliland) ku nool inay wax badan ka bedelaan sida ay hadda u dhaqmayaan.
S: Cid kasta oo deris ahi ama dalal ha ahaadaan ama gobollo ha ahaadeene, waxay meel uga soo wada-jeedaan cadowgooda, maadaama oo Qaraxyada ka socda Soomaaliya ay Somaliland-na saamaysay, marna ma jiraa wax xidhiidh oo arrimahaa aad ka yeelateen Xukuumadda Somaliland?
J: Xaqiiqdii, waxaan ka hadlayay taas ayaa ka mid ah oo haddaan lays-dhex gelin oo aan laysku furfurnaan, cidina Hargeysa waxay haysato xoog kagama qaadayso, haddaanay cidna iyadu xoog wax kaga qaadanaynin, cidina uma soo socoto ayaan u malaynayaa. Markaa in laysu yimaaddo ayaa loo baahan yahay, qofku marka uu dalka yimaaddana, wax uun buu ku biirinayaa ee waxba ma yeelayo. Markaa caqabadda jirtaaba waxa weeye kala xidh-xidhnaanta iyo in aanay iyagu war helin ama dhinaca iskaashiga amniga iyo Siyaasadda ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya (Somaliland) iyo qaybaha kale ee Soomaaliya. Taasina waxay keenaysaa in aanay war badan helin oo ay ku koobnaadaan dhinacay jogaan oo kaliya. Inkasta oo uu jiro xidhiidh Ganacsi oo Baabuurta Kismaayo ka tagaa way joogaan Hargeysa, kuwa Hargeysa ka yimaadaana halkan way joogaan. Laakiin, anagu waanu soo dhawaynaynaa oo way fiicnaan lahayd in aanu iskaashi, is-arag, kulamo iyo xidhiidhba yeelano. Iyagu (Somaliland) inay dhinacooda dhiseen oo ay qurxiyeen oo ay Guryo wada Muraayad ah ka taageen iyada oo ay dhinacan kale (Koonfurta Soomaaliya) burbursan tahay, Guryahaa quruxda badan leh ma jirayaan haddaan dhinaca kalena laga shaqaynayn. Markaa way isku wada xidhan tahay bahashu oo ma kala hadhi karto.
S: Laakiin, waxay Somaliland ku doodaysaa in markay hesho waxay xaqa u leedahay oo Aqoonsi ah ay awood u yeelan karto inay dhisto Koonfurta Soomaaliya, laakiin inta ka horraysa ay noqonayso in qasku ku soo baaho. Idinku ma waxaad leedihiin Somaliland ha soo dhex gasho oo qayb ha ka noqoto qalalaasaha Soomaaliya? Arrintaasi ma idinla saxsan tahay?
J: Xaqiiqdii hadda lama odhan karo kaas ayaa sax ah iyo kaas ayaa khalad ah, waana laga fikirayaa. Laakiin, labaduba waa afkaar qiimayntooda u baahan, waxaanan odhan lahaa haddii Guriga deriskaaga ahi gubanayo oo gurigaagu fayow yahay, waxaad garan kartaa inta ay le’eg tahay khatarta gurigaaga ku wajahani, ama ha noqoto Dhimbiil ku soo duusha ama Dabayshu ololka ha keento,ma degannaanaysid. Markaa Hargeysa iyo Xamar waad garan kartaa intay isku jiraan ama gobollada u dhaxeeyaa waxba iskuma jiraan oo xaafad bay isku yihiin. Haddii ay halkan dhibaato ka jirto, dhinacaana (Somaliland) welwel waa jiraa, dadkuna waa isku mid oo sumad ma kala laha, lamana kala yaqaano. Kuwii halkan ku dhashay baa Hargeysa jooga, kuwii Hargeysa ku dhashay baa iyana halkan ka buuxa oo qaarkood Raaskaambooni ka dagaallamayaan. Markaa, uma baahna in taa su’aal la geliyo, haddii iyaga oo wada dhisidda maamulka iyo qaabka ammaanta mudan ee ay wadaan, ayay gacanta kalena kaga shaqayn karaan in ay nabad ka dhalato halkan oo ay yidhaahdaan waar bal ha la damiyo oo hagaajiya, halka ay ka leeyihiin inaga daaya way kharriban tahay oo yaan Albaabka laga furin.
S: Wasiir, waxa jira khilaaf xuduudeed oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, idinku sideed u aragtaan arrimahaas, mawqif noocma ah ayaanad ka aaminsan tihiin?
J: Anigu fikirkayga shaqsiga ah ee aanan ku metelin dawlad waxa weeye oo aan soo jeedin lahaa, arrimaha dhaq-dhaqaaqa iyo is-ballaadhinta iyo in ay cidi meel kale u durugto in aan loo baahnayn xilligan xaasaasiga ah. dadka Soomaadlidu qaab soo-jireen ah buu u wada degaa, ama deris ha noqdo ama qabiil ha noqdo, waxaan qabaa in sidii loo deganaa loo deganaado, lagana daayo is-ballaadhinta. Sababtoo ah, cid is-ballaadhin karaysaa ma jirto, ciddii is-ballaadhinaysaana mushkilad ayuun bay isku abuuraysaa ama cid kale ku abuuraysaa. Haddii ay noqoto in lays tuur-tuurana (la dagaallamo) cidina dani uguma jirto, ciddii hadda degmo kale ama gobol kale ku soo durugta ama qabsata waxay ka faa’iidaysaa ma jirto. Waxa ka fiican inay halkooda qolo waliba horumarinta ka shaqeeyaan. Markay horumarin iyo wanaag tusaan dadka, tusaale ahaan labada magaalo ee isu-dhaw ee midi Somaliland ku taalo, midina Puntland ku taalo, Somaliland ha dhisto oo horumar ha tuso, dabadeed magaalada xigtaa iyadaa odhanaysa xaggaas (Somaliland), ayaanu tagaynaa. Sidaa darteed, halkii awood, Milatari iyo xoog loo adeegsan lahaa, waxaan odhan lahaa horumarin ha loo adeegsado. Haddii degmo rabitaankeeda meel kale ku tegaysana, cidi ma celin karayso oo ma odhan karto kuma biiri kartaan. Sidoo kalena, Puntland dhinaceeda iyana tusto nolol, waxa dhici karta in qolo Somaliland ahi tidhaahdo, Somaliland-neey wax horumar ah nooma samaynaysaan ee dhiancaas ayaanu tegaynaa, kuwo Puntland ahina hadday yidhaahdaan Somaliland baanu tegaynaa oo horumar jiraa, cidi uma diidi karayso. Markaa Maamuulladaasi halkii ay Wiilal Soomaaliyeed isku dili lahaayeen, waxaan odhan lahaa ha lagu tartamo dhinaca horumarinta.
S: Waxa jira dadka qaar aaminsan in Dawladda aad ka tirsan tahay ay caqabad ku tahay aqoonsiga Somalilad oo ay qaaddo tallaabooyin ku lid ah qaddiyaddaas, maxaad ka odhanaysaa?
J: Wallaahi, anagu cidna caqabad kuma nihin, Somaliland-na wax badan bay raadinaysay in la aqoonsado, taasna Beesha Caalamka ayay ka raadinaysay ee wali Dawladda Federaalka aqoonsi kamay soo raadin, waxaana laga yaabaa inay u fududaan lahayd, markaa waxaan leeyahay inta aad meel fog eegaysaan, bal hoostiina eega, waxaaba laga yaabaa inay meel dhaw aqoonsigu yaalo. Haddii aad tobannaan sanno sidaa u fikirayseen-na (raadinta Aqoonsiga Beesha Caalamka), bal sidan kalena u roga.
S: Gebo-gebadii, waxa jira Doorashooyin la filayo inay dalka ka dhacaan, ma jiraan waxaad ka odhanaysaan?
J: Waxaan runtii xilligan adag ee Doorashooyinka la gelayo ugu sii baaqi lahaa inay taxaddir badan yeeshaan, dibin-daabyada iyo mushkiladaha lala doonayaa mid sahlan maaha. Inay isku duubni sameeyaan oo wixii waagii dhawayd dhacay (Rabshadihii) aanay dib u dhicin, sababtoo ah aad baanu uga tiiraanyoonaynay. Waxaanu u soo jeedinaynaa dalka waa la wada leeyahaye, cidda tartamaysa, cidda talada haysa iyo cidda kale ee loollanka ku jirtaaba, waxay metelayaan shacabkii Soomaaliyeed’e, inay hawshaa si waddaniyad leh uga soo dhalaalaan, hab Dimuqraadi ahna lagu kala baxo. Waxaanan odhan lahaa, in ciddii ku guulaysata lala shaqeeyo, iyadoo aan loo eegayn Beel, Gobol iyo deegaan, ciddii laga guulaystaana ay aqbasho oo ay sugto waqtiga ay u soo marayso. Dawladda hadda ka jirtana, waxaanu odhan lahayn dadka ha loo suurtogeliyo sidii Doorasho u qabsoomi lahayd. Markaa, haddii ay kalsoonida helaan oo mar labaad ay ku guulaystaan, iyagaa joogaya, haddii ay cid kale timaaddana cid kalaa imanaysa. Waxaanse fikirkayga shaqsiga odhan lahaa, anagoo run ahaantii ka xannuunsanayna haddii wax dhib ahi uu halkaa ka dhaco, wixii wanaag ka jirana aanu ku farxayno.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: