Komishanka oo ku dhawaaqay tirada codbixiyeyaasha Serverku soo saaray


Hargeysa 29, April 2010 (Ogaal)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay tiradada ka soo baxday kala-shaandhaynta diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland.
Todobada xubnood ee guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay sheegeen in la dhamaystiray kala-hufid lagu sameeyay liiskii xumaaday ee diiwaangelinta, inkastoo aanay wax badani iska bedelin tirada liiskii hore Server-ku u soo saaray.
“Waxaynu ognahay markii anaga lana magacaabay Komishan ahaan waxa naga hor timid xaalad markaa adkayd oo aad ogaydeen oo aynaan tafaasiisheeda ku noqon karayn baa nagu timid. Waxa jiray heshiis saddexda xisbi qaran ay wada galeen oo bulshada ay goob-joog ka ahayd oo la kala saxeexday oo ahayd in Komishan cusub la sameeyo, in doorashooyinka soo socda lagu lagu galo diiwaangelin, in Serverkii xumaaday ee ay ciladu gashay loo soo kireeyo khubaro caalamiya oo baadha, eegta oo sifaysa, intii la sifayn karayo, ka dib marka ay sifeeyaan waqtiga ay dhameeyaana Komishanku ku go’aan qaato waqtiga doorashadu ay dhacayso,” sidaa waxa yidhi Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo ugu horayn hadal ka jeediyay shirkaa jaraa’id.
“Liiska diiwaanka qaranka ee codbixiyayaasha Somaliland sifayntiisa waxaanu u qorshaynay afar marxaladood inuu maro, marxaladda koowaad waxay ahayd mid kombayuutarka lagu sifaynayo wixii ku celceliyey ama khalad ah, marxaladda labaadna waxay ahayd in wixii kombuyuutarku garan waayo in Isha aadmiga lagu qabto, marxaladda saddexaadna waxay ahayd In kaadhadh cusub la soo sameeyo oo ka dib liiska inoo soo baxa loo soo bandhigo dadweynaha, kaadhadhkaa cusubna la siiyo dadweynaha, wixii ku celceliyay ee la qabatayna laga saaro, ka dibna uu soo noqdo liis nadiif ah oo doorashada lagu galo, marxaladda afraadna waxay ahayd maalinta codaynta in la yareeyo ku celcelinta codka oo aanu farsamooyin fara badan oo khadku ka mid yahay la isticmaalo,” ayuu raaciyay Afhayeenku. “Markii hore ee la qaadayay diiwaangelinta nidaamkii la inoo soo sameeyay waxa loogu talagalay oo keliya Farta dadku inay dhigaan, ka dibna Farta lagu kala saaro, laakiin waxa dhacday in dadkeenu kala badh in ka badani ay Farta dhigi waayeen, dabadeedna Koombuyuutarkii aanu wada qaban oo aanu wada akhriyi karayn, ka dibna waxa loo gudbay oo la yidhi wejiga ha qabto. Markaa nidaamkaas oo aan marka hore loogu talo galin baa la doonay in dib loo galiyo oo laga daba keenay, markaa labadii baa la israaciyay oo sidii looga shaqaysiiyay, intii ay qabanayeena way qabteen ilaa boqol kun oo qof (100,000) ayay qabteen,” ayuu yidhi Maxamed Axmer Xirsi.
Waxa uu sheegay in hawshaa ay heshiis kula galeen shirkad Ingiriis ah oo ERIS la yidhaahdo, kuwaasoo uu tilmaamay inay yihiin khubaro aqoon sare u leh hawshaa. “Markaa kuwiibaa intii dambe halkii ka qaaday oo sii waday, waxa la galay marxaladii Koombuyuutarka iyo Isha la isu raacinayay, intaana waxaanu ku qabanay ilaa todobaatan kun (70, 000) oo Carruur ah, dad ku celceliyay iyo dad aan jooginba oo inta ay sawirkooda oo keliya soo direen kamarada loo dhigay. Waxa kale oo jiray lix iyo sagaashan kun (96,000) oo la yidhi Koombuyuutarku wuu akhriyi kari waayay oo xisbiyadu ay isla garteen iyada oo aan la hubin in laga saaro oo laga tago. Waxa kale oo jiray tirooyin kale oo Koombuyuutarka ka maqnaa oo aan la gelin, marka la isku daro labadaasi waxay noqonayaan 106,000 ilaa 108,000 oo ka maqnaaba diiwaanka, taasna dib baa loogu noqday, ka dibna halkaa waxa ka soo baxay in ilaa sagaashan kun (90,000) oo qof uu sax yahay nidaamkoodu oo markii hore si xaq-daro ah looga tirtiray oo imika ku soo noqday…Markaanu 70,000 ka saarnay, 80,000-na ay ku soo kordheen tiradu halkeedii ayuun bay taagnaanaysaa. Laakiin, macnaheedu maaha waxba lama qaban, waxa la qabtay 100, 000 oo qof oo Koombuyuutarku ka saaray iyo 70,000 oo kale oo gacanta iyo Isha lagaga saaray,” ayuu yidhi.
Afhayeenka Komishanku waxa uu sheegay in la xoojiyay awooda Server-ka kala hufayay liiska codbixiyeyaasha Somaliland, waxaanu sheegay in shirkad laga leeyahay Koonfur Afrika oo ay heshiis kula galeen daabacaada kaadhadhka cusubi ay dhowaan keeni doono, isla markaana ay horaanta bisha May dadweynaha u qaybin doonaan. “Wax walba xal bay leeyihiin, farsamada iyo Severka aynu haynaa intii aynu ku qaban karaynay waa lagu qabtay, waxa kale ee inoo hadhay waxay noqonayaan in diiwaangelin cusub la galo ama in gebigiisaba la tritiro, taana markii aanu eegnay anagu inaynu doorasho galno iyo inaynaan galin, waxaanu goosanay in doorasho la galo. Su’aal baanu isweydiinay, liiska inoo soo baxay ee aynu hayno ma ku gali karnaa doorasho, ma yahay mid aynu ummadeena u sheegi karno oo odhan karno liiskaasi waa liis hagaagsan?. Waxaanu isla qaadanay khalad wuu ku jiraa, caalamkana lama heli karo wax 100% sax ah, laakiin waa liis aynu ku geli karno, bandhigida liiska iyo kaadhadhka bixintooda oo wixii khalad ah ee ku hadhayna aynu ku sixi karno, iyadoo aynu is wacyigelinteena iyo khadkii nidaamkaa aynu ku samayn karno. Sidaa darteed, waxaanu go’aansanay in aanaan dalka dib ugu celin xaaladii uu soo maray September 2009-kii ee isku dhaca keentay, buuqa keentay ee la isku qabsaday diiwaangelin halagu galo iyo yaan lagu galin ee dadku ku baxay ee dhiig ku daatay inaynaan dib ugu noqon ayaanu go’aansanay oo aynu hore u socono, horena waynu u soconay oo liis fiican baa inoo soo baxay oo aanu odhan karno 90% waa sax. Haddii uu khalad ku jiro ugu badanaan 10% baa ku jira,” ayuu yidhi.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinku waxa uu tilmaamay in wanaag kasta oo ka soo baxa diiwaangelinta iyo hawlaha dalka uu dhaxalkooda dadku leeyahay, isla markaana haddii aan wax la wada wanaajin aanu Mishiin bani’aadam sameeyay waxba hagaajin karin. “Haddaba, arrinkii wuu soo dhamaaday, inaga Faranji dambe oo inoo imanayaa oo ina dhexdhexaadinayaa ma jiro, bulsho caalam oo kale oo inoo gurmanaysa oo siyaasiyiinteena iyo inaga oo is dilayna ina kala qabanaysaa ma jirto, xil baa anaga lana saaray dariiqii sharciga ahaa ee aanu ku nimi anagoo u dhan xisbiyada qaranka iyo golayaasha Baarlamankeena sida Guurtida golaha Wakiillada ee umaddu soo dooratayna wuu na ansixiyey, ummadun kalsooni balaadhan bay nasiisay oo aanu ognahay oo aad ugu mahadnaqayno, ninka sahanka loo dirtaana dadkiisa been uma sheego, meel aanu waxba ku ogayn ma yidhaahdo waan idiin rarayaa,” ayuu raaciyay Mr. Geelle oo hadal dheer ka jeediyay shirkaa jaraa’id. “Umadda waxaanu u sheegaynaa, hawshii Server-ku way naga dhamaatay, meel dambe oo lagaga noqdaana ma jirto,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Komishan ahaan ay siyaasiyiinta Axsaabta ka codsanayaan inay taageerayaashooda ku wacyigeliyaan in qof waliba hal kaadh qaato, marka ay todobaadka labaad ee bisha May qaybinta kaadhadhka cusub bilaabaan.
Afhayeenku waxa uu sheegay in tirada isdiiwaangelisay ee Server-ku soosaaray dhan tahay in ka badan hal Milyan iyo boqol kun oo qof, hase yeeshee waxay sheegeen in qaybinta kaadhadhku wax sii sixi doonto.
Ugu dambayn, waxa su’aalo arrimaha doorashada la xidhiidha si wadajir ah uga jawaabay guddoomiyaha Komishanka Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), guddoomiye kuxigeenka Cali-Khadar Xasan Cusmaan iyo Afhayeenka guddiga Maxamed Axmed Xirsi Geelleh. “Waxa weeye, tiradan imika soo baxday tiradii doorashada lagu galayay maaha, doorashada tirada lagu galayo wali qayb sifaynta ka mid ah ayaa socota, Serverkii ayuun baanu ka soo jeedsanay. Marka imika kaadhadhka loo geeyo dadka, dadka waxa lagu wacyi-gelinayaa qofkii laba jeer isdiiwaangeliyay ee laba u badbaaday mid uun baad xaq u leedahay ee qaado midkii, markaa wacyi-gelintay ka mid tahay, kaadhadhka ka soo noqda goobaha ayaa kaadhadhka waxa la socda Scanners akhriyaya, toban Scanner baa la socda la oo marinayaa, markiiba waxa soo baxaya tiradii soo noqotay, wuxuuna ka goynayaa tiradii hore ee la diray, waxaana soo baxaya goob kasta tirada saxda ah, tirade lagu codaynayaana waa tirada laga qaato goobahaa, laakiin maaha tiradan imika Serverka ku soo baxaysa,” sidaana waxa yidhi guddoomiyaha Komishanka oo la waydiiyay inuu iftiimin ka bixiyo tiradada halka Milyan iyo boqolka kun ee qof ka badan ee Server-ku soosaaray iyo waxay uga jeedaan in sifayn dambe hadhay, tan hadda la haya aan lagu cabir qaadan karin tirada codbixiyeyaasha.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: