Shalay: Weydiimihii Mudanayaasha Wakiilada iyo war-wareeggii Masuuliyiinta Maaliyadda


Hargeysa,(NNN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay su’aalo kala duwan oo la xidhiidha Miisaaniyadda Qaranka iyo qaar ka mid ah dhaqaalaha kale ee dalka ku boobay Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayay Xildhibaanada ku weydiiyeen Wasiirka, hase ahaatee ay kala jawaabayeen Agaasimihiisa guud iyo Xisaabiyaha guud ee Qaranka.
Su’aalihii la waydiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo jawaabihii ay ka bixiyeen waxay u dhaceen sidan;
S: Xisaab-xidh hal sano Golaha 2005 ayaad keenteen, waxaana ka muuqday madow-madow badan, waxaana lagu celiyey hanti-dhawrka Qaranka iyo xisaabiyaha guud, muddadii loogu talagalayna kumaydaan soo celin. Markaa ma saaka (shalay) ayaad siddaan, xageed sharcigaa ka dhaafteen?
J: Xisaabiyaha guud: Xisaab-xidhka sanadkii 2005 2006 iyo 2007 Goluhu wuu hayaa, tii 2008-da xilligii loogu talogalay baanu u gudbinay hanti-dhawrka waanu diyaariyey hanti-dhawrku. Xisaab-xidhkii 2009-kana weli lama gaadhin xilligii la diyaarin lahaa.
S: Wasiirku wuxuu in badan ku celceliyey kharashyada baxaa waxay u badan yihiin Ciidamada, waxaynu ognahay ciidamadu ilaa hadda inaanay hayn raashinkii yaraa ee ay qaadan jireen Xaasaskoodu, ma Ciidan aan kuwan ahayn baad siisaan Wasiir raashinkaa?
J: Cawil: Waxaan ka xumahay arrin ciidanka ku saabsan inay Xildhibaanadu halkan kaga hadlaan, Ciidanku waa ciidan inoo tirsan oo aynu ku faani karno, waxooda way helaan, taakulaynta way helaan, qalabaynta way helaan, arrin halkan la isku waydiiyo maaha, ninkii xildhibaan ah ee doonaya inuu Taliska u tago weeyaan.
S: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Wasaarada Deegaanka Saddexdaa wasaaradood oo ah wasaarado waaweyn Miisaaniyadoodu waa afar Bilyan iyo badh, halka TV-ga Qaranku Miisaaniyadiisu tahay lix bilyan, taasoo aanan garanayn hawl gaara uu u qabto dalka Tv-ga qaranku oo aan doonayo inaad noo sheegtaan?
J: Cawil: TV-ga Qaranku waa hanti qaran oo ummadu leedahay, xildhibaanada qaarkood yaanay si kale u arkin, wixii ay mudan yihiin baanu siinay wax dheerad ah maanu siin, markaanu qaybinayno miiisaaniyaddana waxaanu ku dedaalnaa wax yar oo kooban baanu haynaa inaanu sida caddaaladu ku jirto u qaybino. Marka lagu yidhaahdo wax yar qaybi culayskeeday leedahay, nin Wasiir Maaliyadeed noqday ayuun baa garan kara culayskay leedahay, ragbaa iga horeeyey oo ay xitaa ku adkaatay inay miisaaniyad sameeyaan.
S: Wasiirka waxaan waydiinayaa lacagtii uu yidhi Sool baan ururinayaa imisay noqotay, maxaa loogu qabtay. Dhinaca kalena lacagta Burco ee sanad walba miisaaniyadda ku jirta maxaa looga badali waayey, lacagtii ugu dambaysay ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maxjarka ma halkii TOTAL bay martay, maxaa laga hayaa yaa haya?
J: Cawil: Taakulayntii Gobollada bari ee ahayd 2% waa la hayaa kayd gaara ayey ku jirtaa, iyaga ayuun baa lagu isticmaalaa gobolladaa bari taakulayntooda iyo maamulka tayeyntiisa. Haddii ay noqoto in la kordhiyana waanu idiin keenaynaa haddii alla yidhaahdo. Ta maxjarka, horta aynu ogaano xooluhu nolosha ummada, Carabtu saliid bay leeyihiin, inaguna xoolaynu leenahay. Neefka Adhiga ahi Foostada Baatroolka ah ayuu ku dhawdhaw yahay, Geela iyo Lo’duna way ka qaalisan yihiin. Waxaan aaminsanahay haddaan ummadan maxjar loo samaynin oo xoolahaasi aanay tegin sucuudiga in dadkeenu dhaqaale ahaan ay hagaasi doonaan. 2004-tii ayaanu ka bilawnay inaanu raadino cid Maxjar inoo samaysa, anigu laba jeer baan u tagay nin la yidhaahdo Sh. Al-camuudi oo aan ka codsaday inuu maxjar naga damiinto in la noo dhiso, aduunkuna xoolo aan caafimaadkooda la baadhin inaga aqbali maayo. Waxaanu doonay in aanu ganacsatada xoolaha u yeedhno oo aanu ku nidhaahno waar Maxjar samaysta, way isu iman waayeen, waxaana ku adkaaday dhawrkaa Milyan ee Doollar ee ay ku furanayaan maxjarka. Illaahay mahadii maxjarkii wuu inoo furmay waxaad ogaataan maxjarkaasi faa’iidada uu u leeyahay ummaddeena, nin carbeed baa dhisay lacag buu galiyey, waa lala xisaabtamayaa wixii ka galay, xisaabtankii wuu socdaa, waxaan idinka codsanayaa xildhibaanaa tihiine inaad sugtaan inta ay hawlahaasi soo dhamaanayaan. Lacagtii Burcana horta aniguba Nin Burco ka soo jeeda ayaan ahay, meeshuu Nacnac (Xildhibaanka Su’aasha waydiiyay) ka soo galay garan maayo. Lacagtaa waa waxaanu filayno, waananu badalaynaa si dhakhso ahna waad u arki doontaa.
S: Mudane Wasiir, Distoorku wuxuu qorayaa haddii miisaaniyadda lagu keeni waayo wakhtiga uu Distoorku waajibiyey, waxa lagu sii dhaqmayaa Miisaaniyaddii sanadkii hore, muddo saddex bilood ah adigu Wasiir Maaliyadeed ahaan waxaad fasaxday mushaharka iyo Shidaalka oo keliya, intii kale oo dhan way ka xidhnayd hay’adaha miisaaniyad leh, miyaanay Distoorka ka soo horjeedin arrintaasi?
J: Agaasimaha guud: Sidaa uu sheegay Xildhibaanku waxa lagu sii dhaqmayaa Miisaaniyaddii sanadkii hore, run ahaantii waxaanu ku dhaqanay ilaa imika sidii uu sharcigu dhigayey, waxaananu fasaxnay Shidaalkii iyo Mushaharkii oo iyagu daruuriyaadkii ah. Waxyaabaha kale ee Hay’aduhu kharashaad ahaan u isticmaaleen markay tani bilaabanto ayuun baa laga jarayaa.
S: 28-Milyan ayaad soo qorteen, Dekedda Berbera 2-Milyan mooyaane intii kale waxaad tidhaahdeen iyadaa is-cuntay, waxaynu ognahay Maraakiibtii ku gubatay dekedda Berbera in loo waayey Dab damiye. Maxay Dekeddu ku qabataa lacagta intaa le’eg, xageedse mariseen, maxaad ummada ugu qabataan, ma baddaad ku macaanaysaan?
J: Agaasimaha guud: Waxa fiicnaan lahayd inaad xogogaal u tahay miisaaniyadda meesha ku taala, xog fara badan baa ku taala, hoos u akhri meelaha muhiimka ah, warbixinaa ku yaala iyo waxqabad iyo wixii loogu talo galay intuba adeegeeda caadiga ah ayey ku baxaan. Markaa, Xildhibaan waxaan jeclaan lahaa inaad tafaashiisa meesha ku taala aad akhrido oo aad wax iga waydiiso.
S: Ugu horrayn, Mudanayaasha su’aasha wasiirka la waydiinayo isku dhigaya (Muxaafadka) waxaan u sheegayaa, idinka ayaa wasiirka ka qiimo badan oo ummad baa idin soo dooratay isagan wa la magacaabay..Su’aashaydu waxay tahay odoroska miisaaniyada waxaad sheegtay inay jiraan kharashyo soo kordhay oo aan ku jirin miisaaniyadihii hore ee 2009-kii oo lama huraan noqday kana mid yihiin kharashka korodhka tirada shaqaalaha iyo ciidamada, korodhka raashinka iyo sixirka, korodhka raashinka maxaabiista, korodhka adeegyada iyo socodsiinta, kharashka qaadka iyo gaadiidka, kharashka doorashooyinka iyo golaha wakiilada intuba way ku jirtay wasiir 2009-kii, markaa halkay ka korodhay?
J: Agaasimaha: Kharashyadu horey u jireen, kuwa kalena way imanayaan. Marka mushaharka laga hadlayo waxay ka muuqataa qodobka mushaharka, marka la is barbar-dhigo 2008 iyo 2009 faraq baa ka muuqda, dhinaca gunada wuu ka muuqdaa, waxbarashada lafteeda shaqaalaha wax badan baa korodh ah, markaad dhinacyadaa ka eegto waxaad arkaysaa kharashka iyo mushaharka faraqa u dhexeeya labada miisaaniyadood.
S: Lacagtii doorashooyinka Madaxtooyada ee ku jiray miisaaniyadihii hore iyaduna kuma jiraan miisaaniyadan, waxay ku jiraan odoroska miisaaniyadda sanadkan, iyana xagay ku xisaabsan yihiin?
J: Agaasimaha guud: Markaan ka hadlo Doorashooyinka sanadkii hore way ku jirtay, waa runtii hal bilyan buu tiradeedu ahaa, sanadkana hal bilyan baa ku kordhay labadaa bilyan baa u yaala, marka madaxtooayda laga hadlayo oo laba qaybood kala noqotay, qayb soo bandhigidda ah iyo qayb doorashada lagu galayo.
S: Waxaan jecelahay in Wasiirka iyo Wasaaraddu ay ka jawaabaan su’aal la soo celceliyey oo ah; hantida qaranka ee la iibiyey?
J: Cawil: Horta, waxaad tihiin rag waayo-arag ah oo Xildhibaano ah, dawladaha kale sida Itoobiyada inoo dhaw iyo Jabuuti haddaad tagtid waxaad arkaysaa in dadka maal-qabeenka Dhul la siiyo oo ay dhistaan, Huteelka Sheraton dhulka uu ku fadhiyo bilaash baa lagu siiyey. Inagu, Indian line-kii niman maal-qabeen ah ayaan damcay inay qurxiyaan, waxaanu ku qasabnay nimankaa maal-qabeenka oo waliba aananu xaq ugu lahayn dawlad ahaan inay dadkeena danyarta ee ku jira mid walba ay siiyaan lacag ay ku guuraan oo ugu yaraan 30-kun oo Doollar ah, anagoo u tudhayna ummaddeenaa ku jirtay guryaha ee danyarta ah. Haddii dawladdu ka iibisay, markay hawlaha guud dakhligaa dhulka ay soo qiimeeyaan, iyadoo mitir lagu cabiri doono, markay dakhligeedu soo gaadho ee ay ku heshiiyaan hawlaha guud, lacagtiina la qabto, waxay noqonaysaa dakhli Wasaaradda Maaliyadda ku soo wareegay, marka ka dib ayey miisaaniyadda ka muuqanaysaa, markaa waxaan idinka codsanaynaa inaad na sugtaan.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: