“Balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Xukuumadduna..”


Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, (NNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin war dhawaan ay baahisay Idaacadda Raadyow Hargeysa oo la xidhiidha in Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi xidhiidh la leeyihiin Al-Shabaab iyo sidoo kale Safarka Madaxweyne Rayaale.
Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska Xisbigaas, ayaa ku dheeraaday sidoo kale xidhiidhka Xisbigoodu la leeyahay Komishanka Doorashada.
Warsaxaafadeed uu halkaa ka akhriyay Muuse Biixi ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Walaalayaal, waxaanu halkan ka soo gudbinaynaa dhawr qodob oo ka soo baxay wada tashi hoggaanka Xisbigu lahaa maalmahan u dambeeyey, kuwaas oo kala ah:-
-Isu diyaarinta doorashooyinka madaxtooyada ee bisha june loo muddeeyey.
-safarka madaxweynaha.
-tabashooyinka xisbiga kulmiye ka tirsanaayo xisbiga udub iyo xukuumadda isku milmay.

TALO SOO JEEDIN.
1-ISU DIYAARINTA DOORASHOOYINKA
Xisbiga KULMIYE isaga oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, isagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel maamul oo khayr leh, isagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, wuxuu ugu baaqayaa Ummadda reer Somaliland inay u diyaargarawdo doorashada soo socota.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku boorinayaa in shacbigu qaataan kaadhadhka cusub ee codbixinta ee komishanku soo bandhigaayo. Waxaanu codsanaynaa in loo dhabar adaygo hawshaa, in Guddiga Doorashooyinka Qaranka lala shaqeeyo, hawsha loo fududeeyo, in laysu dulqaato iyo in laga fogaado wax kasta oo nabadgelyada carqaladayn kara, isla markaana si wada jir ah looga hor tago cid kasta oo dib u dhac iyo dibindaabyo ku keenaysa geedi socodka doorashada.
Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda Somaliland u balanqaadayaa in uu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana siinayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha amniga.

2-SAFARKA MADAXWEYNAHA EE MAD-MADOWGU HADHEEYEY.
Walaalayaal Madaxweynuhu muddo sideed sanadood ah ayuu safaro badan oo aan midho yeelan gaalaa bixinaayey. Madaxweynuhu safaradaa kama soo helin ictiraafkii dalkii u baahnaa. Kuma soo gelin heshiisyo dawlado ama hay’ado caalami ah oo dhaqaale u kordhiya dalka. Madaxweynuhu wuxuu in badan inoo sheegi jiray in uu heshiis la soo galay shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay oo dalka ka dhisi doonna warshado, sida kuwii uu dhagax dhigay Berbera duleedkeeda.
Walaalayaal, waxa isweydiin mudan sideedaa sanadood ee Madaxweynuhu tamashlaynayey daafaha dunida, maxa faa’iido ah ee la taaban karo ee uu u soo hooyey Ummadda reer Somaliland. Safarkan maanta uu ku maqan yahay wuxuu yaab ku leeyahay isaga oo kaga tagay Wasiirkii qudha ahaa ee Hargeysa ka raacay uu kaga tagay garoonka Dubai, waa arrin curad ah oo la ogaan doono sirta ku qarsoon.
Sida dad badani saadaalinayaan, safarkan Madaxweynaha ujeedadiisu ma dhaafsiisna danno isaga u gaar ah iyo shirkado la soo wada faqo. Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegayaa cid walba in heshiis Madaxweynuhu ajnebi la soo galo ee aan golaha baarlamaanku ansixin noqon doonin sharci meelmar ah.

3-TABASHADA KULMIYE EE KU WAJAHAN XISBIGA UDUB IYO XUKUUMADDA KU MILAN
Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmaa, xukuumadi waxay ku fadhidaa aqbalaada mucaaridku ogolaado natiijo doorasho ama heshiis la galay. Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 2003-gii, Xisbiga KULMIYE iyo UDUB mid waliba wuxuu helay 41%. Wixii la is-dheeraaday oo sida la sheegay ahaa 80 cod oo doodi ka taagnayd, ayaa Xisbiga KULMIYE isaga oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland, isagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, isaga oo eegaya mustaqbalka da’yarta dalkan curdinka ah, isagoo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Afrika, ayaa wuxuu go’aansaday in uu aqbalo in UDUB soo dhisto Xukuumad, isaga oo aan KULMIYE wax shuruud ah ku xidhin.
Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib daro Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Xisbiga KULMIYE iyo shacbigii Somaliland.
Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen weerarkii hubaysnaa ee Xukuumaddu ku soo qaaday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyada oo ay joogaan Madaxda Xisbigu, waa ka daawateen TV-yada iyada oo tiknikadu ku dhex cartamayso Xarunta Xisbiga KULMIYE.
Ummadda reer Somaliland waxay u soo taagnayd Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo boolisku rasaas huwiyey isaga oo lugaynaya jidka weyn ee mara badhtamaha magaalada hargeysa, waxa marag ma doon ah in askarigii guddoomiyaha rasaasta la beegsaday si toos ah xukuumada qaar ka mid ahi u soo amreen, sida uu ku faanayey Wasiirkii dhacdadaa ay ka waraystay BBC-du isla maalintaas.
Walaalayaal, waxaynu wada ognahay in hantidii Qaranka, haday dhaqaale tahay, haday warbaahinta Qaranka tahay, haday awoodihii Xafiis iyo ciidanba tahay in Xisbiga UDUB si gaar ah loogu adeegayo.
Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan UDUB oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah. Walaalayaal, Soomaalidu waxay tidhaahdaa mayd maxaa ugu dambeeyey iyo kaa la sii sidaye 5 bisha May, 2010 Radio Hargeysa wuxuu baahiyey war dhiilo iyo argagax leh oo uu ku sheegay in Madaxda Qaranka qaar ka mid ahi ay gacansaar la leeyihiin Al-shabaab, hadda ogow muwaadin xukuumadu hore ayey inoogu sheegtay in Al-shabaab ay tahay cadawgii qarxiyey Qasriga Madaxtooyada, Xafiiska UNDP iyo Xafiiska Ethiopia ee Hargeysa. Haddaba miyaanay laf jab Ummada ku ahayd in madaxda Qaran ee ay ka mid yihiin C/casiis Maxamed Samaale, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi in lagu tilmaamo cadawga Somaliland.
Bangiga Qaranka Somaliland wuxuu caadeystay ku tagri falka hantida Ummadda iyo ugu ololeynta Xisbiga UDUB lacagtii Ummaddu ku aamintay.
Todobaadkii u dambeeyey Xisbiga UDUB wuxuu weerar abaabulan ku soo qaaday Xafiisyada KULMIYE ee Burco iyo Ceerigaabo, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawacba, marka hore waxaan u diraynaa tacsi qoyskii ninkii ku dhintay Ceerigaabo, kuwa dhaawaca ahna Eebe caafimaad taam ah siiyo.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa falalkan is-daba jooga ah ee ay ku kacayso UDUB inay quus ka taagan tahay codkii shacbiga Somaliland. Sidaa darteed ay UDUB carqaladaynayso doorashada soo socota.
4-TALO SOO JEEDIN
Xisbiga KULMIYE wuxuu kula talinayaa asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Kulmiye isaga oo ka duulaya mabda’a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, wuxuu u dhabar adaygi doonaa gardarooyinka ka imanaya UDUB intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u taagan yahay doorasho iyo nabad, wuxuu ka soo horjeedaa fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka.
Xisbiga KULMIYE, wuxuu wada shaqayn fiican la leeyahay Guddiga doorashooyinka Qaranka, waana sii adkaynayaa wada shaqayntaas. Kulmiye wuxuu ka codsanayaa KDQ inay ku dhiiradaan waajobkooda qaran ee ah kala hagida axsaabta iyo fulinta Xeerkii anshaxa.
Xisbiga KULMIYE, waxa uu shacbiga ka codsanayaa inay codkooda si nabad ah ugu hiiliyaan horumarka dalka iyo mustaqal ka fiican halka aynu manta joogno, muwaadin ogow codkaaga wuxuu dhisi karaa Qaran horumara, muwaadin u dulqaado hawlaha doorashooyinka iyo codbixinta, u dhabar adayg wixii gef ah kaaga yimaada cid qaldan si aynu u gaadhno doorasho khayr leh oo nabad ku qabsoonta.”
Intaa ka dib su’aalo la waydiiyay Guddoomiye-xigeenka iyo jawaabo uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Sidaynu ka war qabno Dastuurka qaranka Somaliland wuxuu tilmaamayaa in Golaha Wakiilada Somaliland ay kala xisaabtamayaan, waydiinayaan, isla markaana ay dabagalayaan heshiisyada oo uu soo galo Madaxweynuhu, safaraduu tago iyo gudbinta warbixintooda, balse taniyo intii uu Madaxweynuhu xilka hayey idinkuna aad xisbi mucaarada aad ahaydeen aad ka hadlayseen in Madaxweynuhu safaradaa uu tagaa dano shaqsiya iyo barkumataal ay yihiin, balse aad ilaawaysaan golihii wakiilada iyo waliba cidii rasmiga u ahayd inay hawshaa iyada ah ay galaan. Taasi maxaad u tilmaami waydeen ee aydun saddexda dhadhaar isugu miisaami waydeen si aanay ugu muuqan dhaliil Madaxweynaha oo keliya ku kooban?
J: Madaxweynaha iyo xukuumadda waxa waajib ku ah heshiisyada caalamiga ee ay soo galaan inay horgeeyaan golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan, markaasuu noqonayaa sharci inaga iyo ciddii lala soo galay ina wada qabta oo uu qarankuna ogolaaday, warbaahinta idinkaa rikoodhka haya oo maalin walba wax qora, haddii la soo helo hal heshiis oo xukuumadda iyo Madaxweynuhu ay baarlamaanka geeyeen oo uu ansixiyey, waa guul Somaliland u soo hoyatay. Intaanu ognahay ma jiro heshiis qudha oo la horgeeeyey baarlamaanka. Sidaa darteed waxa uu soo galaa waa dan gaara maaha dan caam ah. Hadda waxaanu halkna ka caddaynaynaa hore u sheegnay KULMIYE ahaan cod dheerna cidwalba ugu sheegaynaa heshiis kasta oo ajinabi lala soo galo oo Madaxweynuhu la soo galo oo aan golaha baarlamaanku ansixinin maaha sharci dalkan ka hirgalaaya, waayo sharciga waxa hirgaliya golaha baarlamaanka. Golaha baarlamaanka in badan ayaad ka aragteen saxaafada isagoo codsanaaya in heshiisyada lala galo ajaanibka la horkeeno baarlamaanka. Laakiin waxa ka dhega adayga dhadhaarkii fullinta, markaa labada u simi mayno eeda ee dhadhaarkii fullinta oo Madaxweynuhu kaw ka yahay ayaa ka dhega adayga sharciyadii dalka, uma jeedno cid gaar ah saddexda dhadhaarna ma kala jeclin. Laakiin gar baa la qaadaa.
S: Guddoomiye, waxaad ka sheekaysay dhacdooyin kala duwan oo dalka soo maray oo xasaasi ah, hadaladan xanafta leh ee aad xilligan kusoo beegteen bal waxay daaran yihiin noo sheeg?
J: Anagu xamaasada waanu daminaynaa, warkayaguna wuxuu u badan yahay nabadayn, waxaanu sheeganay gar markhaati idinku aad ka tihiin oo dhacdo aan dhicin oo aanu cid imika xanaf ugu yeelayno ama TV-ga lagu hayn oo aanay ummaddu wada daawan naga reeban, waxa waajib oo aanu u soo qaadanaynaa oo aanu ummada u xusuusinaynaa waxaasoo dhacdo ah si looga digtoonaado inaanay dhibaato dambe inoogu iman si looga hortago fidnada UDUB iyo xukuumadda isku milani ay soo wadaan ee muuqata, markaa anagu xajiimayn uma jeednee dajin u wadnaa waxa laga yaabaa dadku qaar inay sidaa u qaataan. Laakiin waxaanu ka qancinaynaa waxaanu doonaynaa nabad iyo xasilooni inaynu doorashada ku gaadhno. Tan aanu kuwii hore soo qaadnay waxaanu ka digaynaa inaan tu dambe lala iman.
S: Waxaad sheegtay in warkii maalintii dhaweyd laga sii daayey Idaacada Raadyaw Hargeysa aad ka gudbiseen dacwad oo aad xeer ilaalinta u gudbiseen, waxaynu la soconaa hore in masuul ka tirsan xisbiga UDUB uu xisbigiina KULMIYE ku eedeeyey inaad ka tirsan tihiin ururka Al-shabaab. Taasoo isla waqtigaana aad ka gudbiseen dacwad, balse aan lahayn dacwadaasi meel ay ku dambaysay cid dambe oo hadal haysana aan la maqal, maxay dacwad dambe ee aad gudbiseen taraysaa, kalsooni intee le’eg baadse ku qabtaan inay noqon doonto dacwad si caddaalada ah loo qaado oo idiin mel marta?
J: Dacwado farabadan oo gar-darroyinka nagaga yimi UDUB iyo xukuumadda ayaanu u gudbinaa garsoorka, markaanu u gudbinayno garsoorkana waxaanu u dacwooyinka waa garsoorka qaranka Somaliland maaha qofka maalintaa fadhiyaa hadduu fullin waayo gartaa la qaadi maayo, kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa maalin maalmaha ka mid ah dacwadaa la qaadi doono. Hadday xukuumadda Rayaale ee maanta joogtaa ay hoosta mari oo ay qaadi waydo, waxaan hubaa cisho dhaw xisbiga talladan ku xiga iyo dawlada soo socotaa inay dacwadaa qaadi doonto, xad kastaba ha gaadhee KULMIYE mabdi’iyan buu u aaminsan yahay wixii gar-darro ah ee yimaada inaanu si dacwad ah nabadgalyo ah kaga baxno, dacwadaana had kasta ha gaadhee ma jirayso dacwad halkeeda taalaa, kalsooni waxaanu ku qabnaa in dacwadaa la qaadi doono maalin maalmaha ka mid ah, ma hubo in dawlada Rayaale qaadi doonto iyo in kale. Laakiin waxaan hubaa in maalin uun la qaadi doono, markaa kuma niyad jabayno tii horaa la qaadi waayey, dacwadahaa waanu gaynaynaa mana gaboobaan dambiyada qaarkood, sida dambiyada laga galo qaranka, kuwa musuqmaasuqa iyo ku aadmiga laga gala dacwado dhamaadaba maaha, xataa qofkii galay oo dhintay baa dacwada lagu qaadaa, markaa waa dacwad u oolaysa ciddii gashay.
S: Waxa jirta baryahan warar isa soo taraya oo sheegaya in Cable isgaadhsiineed dhawaan la doonayo in la soo mariyo badda Somaliland, waxaana jira warar sheegaya in xukuumaddu kula gashay heshiisyo dad ajaanib ah oo aan u dhalanin Somaliland arrimahaas maxaad kala socotaan?
J: Wararkan qoladan baayac-mushtarka ee Cable-ka iyo Madaxweynaha oo ku murmay arrintaa aad baa suuqa looga hadal hayaa, anaga ciddina wax xog ah arrintaa nagama siin oo qolada baayac-mushtarka ah ee arinta ku jirtaana wax xog ah nooma keenin, xukuumadda iyo shacbiga war sugan kamay siin. Laakiin KULMIYE mabda’ buu aaminsan yahay oo caddeynaynaa oo aan gabasho lahayn waa mabda’ a Dastuurku sheegayo, waa mabda’a wadaniyadu sheegayso, marka laba shirkadood oo midi wadani yahay midna ajinabi yahay ay hawshan wada doontaan, marka shirkada wadaniga ay hawshaa aqoonteeda, dhaqaalaheeda iyo awooddeeda uu leeyahay ma sinmayaan ka wadaniga ah ayaa leh. Laba tartamaya maaha waakaa sida uu qoraayo wadaniyada Dastuurka iyo siyaasadda cad ee KULMIYE-ba waa la ogol yahay in shirkado badan oo ajaanib ahi wadanka maal-geliyaan waana lasoo dhaweynayaa. Laakiin loo sadqayn maayo muwaadiniinta iyo shirkadaheena.
S: Guddoomiye, sida laga war qabo lama gaadhin ololihii doorashada, UDUB waad sheegtay horey u samaysay KULMIYE-na muu dhaamin oo wuu sameeyey, arrintaasi dhibaatay keentay KULMIYE tallada ma ugu jirtaa maadaama oo aan la gaadhin ololihii waqtigii doorashada, maadaama oo ololaha imika axsaabtu wadaa ay keeneen durba dhibaatooyin badan inuu uga wareego dhinac kale inta la gaadhayo waqtiga doorashada oo uu la yimaaado?
J: Xisbiga KULMIYE hadii aad tidhi muu dhaamin UDUB gar eexaan u arkaa inaad qaaday, waayo anagu olole maanaan gelin. Ololuhu waxa weeyi marka aad dad badan magaalada dhexdeeda iskugu keento ee aad dhex wareejiso, halkan anaga waxa naga tagay wefti ka kooban afar baabuur, haddii ay ka horyimaadeen waxaanu shacabka waydiinaynaa KULMIYE oo xisbi qaran ah miyuu ka liitaa aroos, aroosbaad aragteen toban gaadhi la isdabagaliyo oo magaalada ku mara, fanaan heesa oo magaalo kale tagaya ayey kooxdiisu intaa in le’eg kaga hortimaadaa, koox kubad soo ciyaartay oo koob soo qaaday in ka yar bay ahaayeen. Haddii aad na leedahay yaanay ciddi idinka horiman oo yaanay ciddiba dhaqaaqin nama qabato. Laakiin KULMIYE inuu sharciga ku dhaqmo oo olole aanu galin iyadoo guddigu fasaxdo mooyaane. Laakiin anagoo ku tallagalnay oo iska ilaalinay marka horeba inaanaan samayn wax rabshad soo jiidi kara, waxa Tv-ga iyo cajaladaha ka daawan kartaan in nagu weeraray xafiisyadayadii.
S: Waxaad sheegtay in Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ka mid ahaa weftiga Madaxweynaha ee uu ku tagay Faransiiska inuu ku hadhay Dubai oo tahayna arrin aan hore uga dhicin wadanka, arrintaasi maadaama oo aad tahay guddoomiye ku-xigeenka sababta hadhitaankaas maxaad ka aaminsan tahay inay tahay?
J: Wasiirka Boosaha ee lagaga tagay Dubai, waxaanu u aragnaa inay tahay waxa la yidhi ninkii aad kabahaaga ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, waxaynu arkaynaa xukuumadda aynu tallo ka sugaynaa in Madaxweyneheedii Wasiirkii qudha ee Hargaysa ka raacay inuu kaga tagay garoonka Dubai, waxaanu u arkaynaa inay tahay tallo kala gaabsan iyo dawlad kala socota. Sababtay u dhacdayna waa su’aal taagan.
S: Xisbiga UCID wuxuu shalay war-saxaafadeed kusoo saaray inaanay raalli ka ahayn inay muraaqibiin xisbiyadu ay leeyihiin ay tagaan goobaha laga qaadanayo kaadhadhka cusub, KULMIYE muxuu ka aaminsan yahay?
J: Haddii UCID ay tidhi muraaqibiin inay tagaan goobaha ma ogolin, anagu go’aankaa ma lihin anagu waxaanu qaadanaa waxay nagu amraan guddiga doorashooyinku. Guddiga doorashooyinka qaranku waxay yidhaahdeen xisbiyada waanu u ogol nahay hadday keensanayaan muraaqibiin goobaha lagu bedelayo kaadhadhka, anagoo amarkaa raacayna xisbi ahaan waxaanu doorbidnay oo nala qurux badnaatay in cid xisbigayaga ka wakiil ahi ay goob-joog ka ahaato oo ay noo kormeerto inay si wanaagsan u socoto ama ay noo soo tabiso haddii ay wax dhaliil ah arkaan intii hadhaw aanu ka caban lahayn, markaa waxaanu raacaynaa amaawirta guddiga doorashooyinka, anagu mana nahin karno, waa la tagi karaana ma odhan karno.
S: KULMIYE marar hore ayuu kalsooni ka muujiyey doorashada hadaladaada inta badan waxa ka muuqday in doorashada aad ku guulaysan doontaan, doorashooyinkii Deegaanka, doorashooyinkii Madaxtooyada, doorashooyinkii Baarlamaanka dhamaantoodba xisbiga tallada dalka haya ee UDUB xisbiga KULMIYE wuu kaga adkaaday, rejada aad maanta ka qabto inaad ku guulaysanaysaan maxay tahay?
J: Waa dhab waanu aqbalnay intaasoo doorasho natiijadii oo UDUB u badnayd. Laakiin maanta kalsoonida aanu qabnaa waxa weeyi dadkii kusoo hungoobay doorashadii hore ee todoba sano waxaanu uga digaynay arkay oo shacbi waynihii UDUB doortay ayaa nooga markhaati furay inay UDUB ku hungoobeen. Sidaa darteed ayaanu kalsooni u qabnaa, kuwii hore u arkaayey inay meel madhan yihiin iyo kuwii kusoo hungoobay isu biiray in aanaan maanta u daahayn UDUB iyadana waa laga arkaa quusta iyo rafashada ay rafanayso.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: