Siraha ku daboollan Heshiiskii AL-JAABIRI iyo Somaliland


Hargeysa, (NNN)- Warbixin dheer oo daah-furaysa khasaaraha reer Somaliland ka soo gaadhay heshiiskii kootada xoolaha Somaliland ee Al-Jaabiri, hanti malaayiin ah oo ay shirkaddiisu ka faa’iiday iyo cidda dhismaha maxjarka berbera fulisay, ayaa lagu qaadaa-dhigay arrimo badan oo heshiiskaa la xidhiidha.
Warbixintan oo lagu faafiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka Af-soomaaliga, ayaa u dhigan sidan: 
“Heshiiskii Xukuumaddu la gashay ninka carbeed ee AL-JAABIRI iyo kootadii loogu xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, waxa loo baahan yahay in la is-waydiiyo khasaare iyo faa’iido waxa ugu jira dalkan Somaliland. Waayo, waxa la joogaa waqtigii ummaddani ay xisaabtami lahayd.
Sharcinnimada Heshiiska:
Ugu horrayntii waxaynu odhan karnaa heshiiska lala galay AL-JAABIRI waa sharci-darro, wuxuuna xad-gudub ku yahay dastuurka dalka u yaala. Qoddobka 11aad ee Dastuurka ee mabaadii’da aasaasiga ah ayaa damaanadqaadaya ganacsiga suuqa xorta ah iyo sinnaanta fursaddaha dhaqaale, waxaanu qoddobkaa faqraddihiisa 1aad iyo 2aad ay dhigayaan sidan:
1. Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
2. lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
Qoddobkaa dastuuriga ahi waxa uu u danaynayaa dhaqaalaha dalka iyo dadka, wuxuuna ka soo horjeedaa in qof keliya kooto loogu xidho ganacsiga, kaasoo qiimaha uu doono ku iibsada ama ku iibiya, halkii ay ahayd in tartanku uu xukumo qiimaha badeecaddaha.
Qoddobka 53aad, faqradda 3aad, waxa uu waajibinayaa in Golaha Wakiillada oo ka wakiil ah dadweynaha la horgeeyo heshiisyada caalamiga ah ee ay xukuumadu gasho, waxaanu qoddobka 53aad ee dastuurka faqraddiisa 3aad u qoran tahay sidan; “Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda ama keenaya soo-saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.”
Qoddobkan dastuuriga ahi waxa uu u danaynayaa qaranka guud ahaan, waxana uu ka dhigayaa heshiisyada xukuumadu gasho kuwo daah-furan (Transparent) oo aan qarsoodi ahayn, lana ogyahay danta iyo faa’iidada ugu jirta qaranka, si wakiillada dadweynuhu (Golaha Wakiillada) u ansixiyaan iyo khasaaraha uu qaranka u leeyahay si wakiillada ummaddu u diidaan.
Haddaba, heshiiska lala galay AL-JAABIRI marka hore waa heshiis caalami ah. Mar labaadkana waxa uu la imanayaa culays dhaqaale oo waxa ku jira maalgashi lagu sheegay 5 milyanoo Doollar oo lagu dhisayay Maxjar wayn oo lagu daweeyo xoolaha, laguna xanaaneeyo inta aanay xooluhu dhoofin. Sidaa darteed, heshiiskaasi waxa xad-gudub ku yahay qoddobkaa dastuuriga ah. Ka-tallaabsiga qoddobkaa dastuuriga ahi waxa uu ka dhigayaa heshiiskaa mid qarsoodi ah oo aanay ummadu waxba ka ogayn, isla markaana aanay kala garanayn khayr iyo khasaare ka uu u soo sido.
AL-JAABIRI Faa’iido intee le’eg ayuu ka ruqsaday Somaliland?
Tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2006-dii markii uu soo galay sayladdaha xoolaha Somaliland Ganacsadaha Carbeed ee AL-JAABIRI, isla markaana keligii xukuumadu kootada ugu xidhay xoolaha Somaliland ee tegaya dalka Sucuudiga. Waxa u hirgashay inuu AL-JAABIRI ku qaato xoolaha Somaliland qiime aad u hooseeya, maadaama oo aanay ciddi kula tartamayn sayladda, waxaanu mudo yar gudeheed ku macaashay boqolaal milyan oo dollar. Taasoo marka loo eego qiimaha uu ku qaadanayay neefka xoolaha iyo qiimaha uu ka joogay Suuqa ugu wayn ganacsiga xoolaha ee Sucuudiga noqonaysa dhac axmaqnimo ah oo saamaynaya min aabaha, hooyada, inanka iyo inanta ku tabcay neefka xoolaha ee sayladda keenay oo qiimaha uu AL-JAABIRI aanu u goynayn kabdad raashin ah, ilaa dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka qaranka.
Bal u fiirso xogta shaxdani daah-furayso oo ah qiimihii uu neefka xoolaha ah ka siistay sayladdaha Somaliland iyo qiimihii uu neefku ka joogay Sucuudiga iyo faa’iidada uu ka helay AL-JAABIRI afartaa sanadood oo marka la kala jaro qiimihii uu siistay iyo qiimihii uu ku iibiyay ay soo baxayso inuu helay faa’iido dhan $237,792,424:
Macaashka intaa le’eg ee uu Al- Jaabiri ka qaatay Somaliland, ma jirto wax kaga soo noqday dalka, marka laga reebo cashuurta oo neefkiiba $2 doolar ah. Waxaase jira (Shares) yaryar oo ay ku leeyhiin macaashkaas Al Jaabiri Wakiilladiisa iyo masuuliyiinta sar-sare ee qaranka qaar ka mid ah. Sidoo kale, inta la ogyahay dadka saamaynta ku leh arrintan dhaca ah waxa ka mid ah, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim, labada Wakiil ee Al-Jaabiri u iibiya xoolaha Somaliland iyo Masuuliyiin kale.
Xogahani waxay caddeeyeen in labada wakiil ee Al Jaabiri xoolaha u iibiyaa ay ku leeyihiin neefkiiba $5 (Shan Doolar) oo uu siiyo Al-Jaabiri, halka Wasiirka Xannaanada Xoolaha, mudane Idiris la xaqiijiyey in Neefkiiba uu ku leeyahay $0.2 (Laba Senti). Marka la eego xogtaas, Wasiirka Xannaanada Xoolaha saamiga uu ka helayo macaashka uu ruqsaday Al Jaabiri waxa uu noqonayaa $763,341 (Toddoba Boqol iyo Saddex iyo Lixdan Kun, Saddex boqol iyo Kow iyo Afartan Doolar). Marka loo eego hantida uu dalka ka helay Al Jaabiri, waxa ka soo gaadhay masuuliyiinta xukuumadda iyo Wakiilladiisuba waa fara-guudkood.
Ballanfurka Al Jaabiri iyo Maxjarka Been-abuurka ah: 
Xukuumaddu waxay dadka u sheegtay markii ay kootada ugu xidhay Al Jaabiri Xoolaha Somaliland, in ninkaasi Lix bilood gudahood uu dalka ka dhisi doono Maxjar ama Karantiinka Xoolaha ee ugu weyn Afrikada Bari, kaasoo lagu xanaanaynayo, laguna hubinayo caafimaadka xoolaha la dhoofinayo iyo inuu xoolaheenna u furayo Suuqii Sucuudiga oo ah Suuqa ugu weyn ee la geeyo Xoolaha Soomaalida.  Ugu horrayn waxa beenowdey in Al Jaabiri xayiraaddii ka qaado Xoolaha Somaliland. Saddex sannadood ka dib heshiiskaa qarsoodiga ahaa ee kootada loogu xidhay Al-Jaabiri, bishii November 2009, ayaa dawladda Sucuudigu iskeed xayiraadda uga qaadday Xoolaha Soomaalida, iyadoo aanay cidina ka hawlgelin, waxaana kellifey baahida xoolaha Xajka oo dawladda Sucuudigu u baahatay inay ku kabto xoolaha Soomaalida, mana jirin shuruud gaar ah oo ay dawladda Sucuudigu ku xidhay xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida oo aan ahayn inay caafimaad qabaan.
Sidoo kale, waxaan suuragelin Maxjarkii la sheegay in Al Jaabiri dhisayo, balse waxa jira Maxjar la been-abuuray oo dadka loogu sheegay inuu yahay Maxjarkii uu dhisayey Al Jaabiri, kaasoo dhaqaale farabadan lagaga lunsaday qaranka, waxaana ku jirta khiyaamo weyn oo qaranka loo geystey. Ugu horrayn ma jirin Maxjar hore oo dalku lahaa, balse waxa dib loo habeeyey Xeradii hore ee la odhan jirey Livestock (Xoolaha Nool) ee Berbera oo uu dhisay maamulkii Aadan Cadde ee Soomaaliya, 1960-meeyadii. Xeradaas waxa dib u habayn ku sameeyey Bangiga Islaamka oo isagu masuul ka ah Xoolaha Xajka, isla markaana dhigay adeegyada ilaa hadda yaalla. Maxjarka la sheego ee dadku maqlayna waa xeradii hore ee la odhan jirey Xannaanada Xoolaha ee Berbera ee Bangiga Islaamku ugu deeqay Somaliland dib u habaynta uu ku sameeyey, mana jiro Maxjar uu dalka ka dhisay Al Jaabiri. Maxjarkii ay ahayd Al Jaabiri inuu dhiso waxa loogu talagalay oo loo qaydey dhul Saddex Kiiloo Mitir ah oo Galbeedka ka xiga Haamaha Shidaalka Berbera. Dhulka loo qaydey in laga dhiso Maxjarka cusub oo la dhagax-dhigay sannadkii hore ilaa iyo hadda waa gegi bannaan. Mana jirto wax hanti ah oo Al Jaabiri ka gashay meesha hadda loo isticmaalo Maxjar ahaan iyo meesha la dhagax-dhigay midna, balse, Al Jaabiri ayaa lacag ku gurtay lacag malaayiin doollar ah oo aanu xaq u lahayn. Eeg Shaxdan hoose oo caddaynaysa lacagta Al Jaabiri ka helay Maxjarka Bangiga Islaamku dayactiray:
November 2009 ilaa April 2010 xoolaha maray Maxjarka
                                                                       
SN.
Nooca Xoolaha
Tirada
Qiimaha neefka
Isu geyn
1.
Adhi
1,124,171 neef
$7.5
$8,431,282.5
2.
Geel
60,000 neef
$23
$1,380,000
 Isugeyn                                                                           $9,811,282.5
Lacagtaa ma jirto wax looga qabto xoolaha la dhoofinayo, mana jirto meel ay dalka ka muuqato.
Dayaca ka jira Maxjarka iyo khasaarayaasha kale ee uu qaranka u geystey
Ganacsatada iyo Xooluhuba waxay dhibaato weyn kala kulmeen maxjarka been-abuurka ah ee lacagtaa badan lagaga qaado. Maxjarka neefkasta lagaga qaado $7.5 (Adhiga) iyo $23 (Geela), waa hadh ama hooso keliya oo uu maalgeliyey Bangiga Islaamku. Malaha Biyo oo ganacsade kasta waxa ku waajib ah in uu xoolihiisa Biyo iyo Baadba siiyo inta ay ku jiraan maxjarka, iyadoo Maxjarku sidiisaba uu yahay meel lagu xannaaneeyo, lagu daryeelo, laguna daaweeyo xoolaha dibadda loo dhoofinayo, si xoolaha dalka ka dhoofayaa ay u noqdaan kuwo caafimaadkoodu sugan yahay, naaxsan, dhogortooduna fiican tahay. Adeegga keliya ee xooluhu ka helaan maxjarka Berbera ee uu sheegto Al Jaabiri waa Shaybaadhka xoolaha oo ka mid ah qalabka uu Bangiga Islaamku keenay iyo dhakhaatiirta Xoolaha ee ka hawlgala Maxjarka oo iyaguna dulmi iyo dhac kala kulmay halkaa. Sida ay caddeeyeen ururka Dhakhaatiirta ee ULBO iyo xogahan aanu helayba, dhakhaatiirta Xoolaha ee ka hawlgasha Maxjarka waxa loogu talagalay in neefkiiba laga siiyo $1.5 Doolar oo ka mid ah $7.5 doolarka maxjarka lagaga qaado neefka adhiga ah, taas oo uu Wasiirka Xannaanada Xooluhu ka dafiray, markii ururka dhakhaatiirtu ka hadleenna lagu xidhay.
Dhibaatada ugu weyn ee ka jirta Maxjarka Berbera ayaa ah cidhiidhi xoog leh iyo iyadoo aanay kala soocnayn xooluhu oo ay isku dhexjiraan Geela, Adhiga iyo Lo’du, taas oo sababta inay isku neefsadaan, isku bukhuuraan, si fududna isugu gudbiyaan cudurada ama xanuuno ay kala qaadaan. Arrintan iyo dayaca kale ee badan ee ka jira Maxjarka waxay sababtay in la soo celiyo 5 Markab oo Geel ah, kuwaas oo kii ugu dambeeyey uu soo gaadhey dekedda Berbera toddobaadkan horraantiisii.
Tartan aan Suuragal ahayn:
Inkasta oo ay dhammaatay kootadii xukuumaddu ugu xidhay Al Jaabiri dhoofka xoolaha November 2009 markii dowladda Sucuudigu Xayiraadda ka qaadday Xoolaha Soomaalida haddana weli Al Jaabiri wuxuu ku haystaa xoolaha Somaliland kooto dadban, taas oo aan suuragal ka dhigayn in ganacsatada muwaaddiniinta ahi la tartamaan Al Jaabiri iyo in Xoolaha Somaliland ay ku tartamaan Sayladda Sucuudiga. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira Maxjarka Berbera ee ay ka cabanayaan ganacsatada xooluhu waxa ka mid ah in Xoolaha Al Jaabiri laga horraysiiyo xoolaha muwaaddiniinta ee ku soo hoyda Maxjarka, waxaana caado noqotay in inta neef Al Jaabiri leeyahay uu ku jiro Maxjarka aan la saarin neef kale, taas oo cadaadin iyo iska reebis ku ah ganacsatada muwaaddiniinta ah ee tartanka kula jirta Al Jaabiri. Waxa kale oo aan suuragal ka dhigayn in ganacsiga iyo dhoofinta xoolaha lagula tartamo Ganacsadaha Carbeed ee Al Jaabiri lacagta $7.5 ah ee neefkasta lagaga qaado oo u xeroota Al Jaabiri oo ah ganacsade isaga laftiisa xoolo ay uga dhoofaan Berbera, taas oo ka dhigaysa in neefka Adhiga ah ee Al Jaabiri ka dhoofiyo Berbera uu raacayo Markabka isagoo macaash ah $7.5 oo saaran neefka muwaaddinku dhoofinayo.
Waxa kale oo lacagtani ka dhigaysaa xoolaha Somaliland kuwo aan sayladda Sucuudiga kula tartami karin xoolaha ka yimaadda dunida kale oo xaqiiqdii ka qara weyn xoolaheenna, taas oo loo baahnaa in neefka xoolaha ah ee Somaliland uu ku tago Sayladda Sucuudiga qiimo jaban, si uu ula tartami karo xoolaha dunida kale, halka uu iminka tegayo Sucuudiga iyagoo ay saaran yihiin $15.5 Doolar oo neefka Adhiga ah ka raacaya Berbera; (7.5 Maxjarka, $2 Cashuur iyo $6 nooli ah).
Khiyaamo Qaran:   
Si kastaba ha ahaatee, Hantida intaa le’eg ee Al Jaabiri dalka ka dhacay iyo sida loogu xad-gudbey shuruucda dalka ee ilaalinaysa xuquuqda muwaaddiniinta iyo dhaqaalaha qaranka, iyadoo ay halkan inooga caddahay in khasaarahan iyo khiyaamadani aanay qaranka ku dhacdeen haddii aan laga tallaabsan lahayn qodobada dastuurka ee kor ku xusan, balse su’aashu waxay tahay, ma laga hadhi doonaa, isla markaana waa arrin mudan in maxkamad lagu soo taago inta ka qaybqaadatay luggooyadan Qaran.” 
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: