Xukuumada tala haysa oo la sheegay inay iibsanayso kaadhadhka Codaynta!!!


Burco, (NNN) Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka dhawaajiyey in madaxda sar sare ee xisbiga Udub ay ku mashquul sanyihiin sidii ay u iibsan lahaayeen kaadhadhka cusub ee doorashada lagu galaayo, waxaanu sheegay in ay suuqyada la taagan yihiin madax olalaha ee Udub iibsa-shada kaadhadhka Codaynta.
Wuxuu sidaasu ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka Bulsho, isaga oo intaas ku daray in madaxweyne Rayaale isna iibsanaayo Kaadhadhka codaynta.

Geesta kale wuxuu xukumada ku eedyey in aanay haba yaraatee wax aqoona u lahayn qiimaha ay leedahay maalinta 18 May, maadamoo aanay muujin maalintii ay Somaliland xornimadeeda kala soo laabtay Somaliya wadankii la odhan jiray.
Maxamed Kaahin mar uu ka hadlaayey ariimaha kaadhadhka iyo Xisbiga Udub waxa uu yidhi:- “Dawlada waxay mashquul hada ku tahay inay diwaangelintaasna inay car qaladayso oo ay fashiliso , waakii ninka madaxweyne Daahir Riyaale Xisbigiisa kaabaynka maamulaha uga ah waaka dariiqyada la taagan iibsiga kaadhadhka codaynta, taas macaneeheedu waxay weeye Madaxweye Daahir Riyaale oo iibsanayaa kaadhadhka”.
Maxamed Kaahin Axmed mar uu la hadlaayey xukumada ayaa waxa uu yidhi, “xukumada Waxaan leeyahay “Sakaaro Saalo muuqata ayey aast’aa, “dhuumasho dhabarku ku muuqdaana dhuumasho maaha” markaa waxaan leeyahay saaxibayaal iska daayaa car qaladaynta koomishanka iyo hawlaha doorashooyinka.”
Waxa kale uu Kaahin uqu baaqay shacabka reer Somaliland inay kaadhadhka qaatan, una qaataan si nabad galyo ku jirto, kuna codeeyaan si nabad galyo buuxdaa ay ka muuqato.
Geesta kale waxa uu xukumada ku eedyey in wasiirada ay u kala dirtay gobolada Somaliland, waa sida uu hadalkiisa u dhigaye inay qayb ka tahay iib-sadashada kaadhadhka codaynta, mar uu arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wasiiradiisa uu meelahan (Burco) u soo dirayna waxay ka mid tahay taas aan hada kuu sheegay (iibsa-shada kaadhadhka codaynta”
Ugu dambayntii mar aanu la xidhiidhnay gudoodmiyaha xisbiga Udub ee Gobolka, si aanu wax uga weydiino dhaliisha xisbigooda loo jeediyey ayaa ka gaab saday in uu wax faah faahina ka bixiyo, ugu yaraan seddex jeer ayaanu isku daynay in aanu ka helno jawaab hase ahaatee may dhicin.
Ibraahim Qaasim
Burco, Somaliland
Qaasin05@hotmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: