Faysal Cali Waraabe oo sheegay inay tahay Markii ugu dambaysay ee uu isu soo taago Xilka Madaxweynaha


Hargeysa,(NNN)- Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horaysay ka hadlay waxa uu yeelayo haddii lagaga guulaysto tartanka Madaxtinimada ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.
Murashaxa Madaxweynenimo ee UCID, ahna guddoomiyaha xisbigaas oo ay waraysi dheer la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha xisbigiisu kaga duwan yahay labada xisbi ee la tartamaya.
Murashaxa UCID waxa uu sheegay in haddii ay talada dalka qabtaan ay tirtiri doonaan dhamaan ganacsiga Kootada loo xidhay oo ay ka mid yihiin Shirkadda keenista Shidaalka loo xidhay ee TOTAL iyo Maxjarka Xoolaha ee ninka Sucuudigaanka ahi ka hirgeliyay magaalada Berbera, wuxuuna ka hadlay talaabooyinka u horeeya ee uu qaadi doono haddii Madaxweynenimo loo doorto. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay sida uu u arko Xildhibaano ay ka mid yihiin kuwo xisbigiisa Baarlamaanka ku galay oo sheegay inay u digo-rogteen xisbi kale iyo qodobo kale oo dhawr ah, waxa uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, waxaad faahfaahin naga siisaa waxa aad kaga duwan tihiin labada xisbi ee kale UDUB iyo KULMIYE?
J: Labada xisbi ee kale waa dadkii dalka Somaliland gacanta ku hayey 18-kii sanadood ee u dambeeyey. Anagu dad cusub baanu nahay, waxaanu nahay dadkii nabada ee markii hogaamiyayaashii siyaasadeed ee SNM dagaalameen ee magaalooyinka lagu dagaalamay, waxaanu nahay dadkii soo gurmaday, markay qadhaadhaato ee labada xisbi isku kacaan, waxaanu nahay qoladii dhexdhexaadinaysay, waxaanu nahay dadkii danta dalka aawadeed lanoogu bixiyey way isbedbedalaan, anagoo danta dalka wax kasta ka horeysiin jirnay, marka dambana la qaadan jiray taayada, arrintii u dambaysay waad ogayd ee dhibaatada siyaasadeed dalka ka dhacday – taayadii baa la qaatay. Waxaanu nahay dadkii sameeyey dimoqraadiyada ama xisbiyada badan (ee Somaliland), waad ogtahay maanta siyaasiyiinta labada xisbi ku jirtaa dhamaantood shir-beeleed bay doonayeen, waxaanu dadkii ku dhiiraday ee yidhi qabiil halaga baxo; waxaanu nahay xisbiga qudha ee aan odhan reer hebel baa noo soo galay, waxaanad aragteen in labada xisbiba ku baratamayaan reer hebel baa noo soo galay.
 Fayal Cali Waraabe oo la fadhiya Oday Indho la’

Hadda imika (markii waraysiga laga qaadayay) waxaan ka baxay Xaaji Saalax, waxaan ku socdaa Duruqsi, waxaanan soo maray ilaa doraad 15 tuulo, geed kasta ayaan istaagay, iyagana waad ogtahoo Hargysa ma dhaafaan, reer hebel baa noo soo galay iyo xaflad dad la soo ururiyey ayey sameeyaan. Waxaan hubaa labada musharax ee ila tartamayaa inaanu midna ka bixin Hargaysa sidii loo doortay, waqtigii diiwaangelintu socotay ayuu Siilaanyo baxay ayaan filayaa, anigu sanad kasta waan baxaa oo gobollada ayaan maraa. Markaa waanu ka duwanahay, anagu dad dalka iyo diinta doonaya ayaanu nahay, iyaguna waa dad kursi doonaya.
S: Laakiin, sida adiguba aad ka dhawaajisay xisbigiina waxaa lagu xantaa in mawqifkiinu had iyo jeer isbedbedelo, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Koodaa isbedela, laakiin anagu ka danta guud uun baanu wadnaa. Qadiyada waxa laga yaabaa inaanu maalina isku mawqif nahay ka wadanka haya, maalina ka Mucaaradka ah. Laakiin, markasta oo mushkiladi dhacdo cida taladooda la qaataa waa anaga, waana dacaayadaha lanaga fidiyey. Waxaanu la tartamaynaa dad ku ababay inay dadka sumcada ka dilaan, laakiin aan la iman anjande iyo barnaamij siyaasadeed. Waxaad isu eegtaa saddexda barnaamij ee xisbiyada kaayagu waa wax cilmiyeysan, ka KULMIYE-na akhri, ka UDUB waynu haynaa oo waa bilaa Biyo, bilaa camal, qabyaalad, musuqmaasuq, dhulkii oo la booboo, derejo la’aan, idaacad la’aan, lacago kala jaad-jaad ah. Markaa anagu maadaama aanu nahay dad cusub oo isbedel doonaya, labada xisbiba way na dacaayadeeyaan, laakiin shacbiga Somaliland way ogyihiin maanta inay nabada Somaliland anaga nagu xidhan tahay iyo ictiraafkuba oo aanay cid kale keeni karin.
S: Guddoomiye, muddooyinkii u dambeeyey waxaa jiray in xisbigiina aad magacawdeen xilal kala duwan oo aad u kala magacawdeen dad kala duwan, arrintaasi ma arrin doorashada uun ku soo beegantay baa, mise waa arrin idiin qorshaysnayd?
J: Xisbigayagu waa xisbi doonaya dad cusub iyo weji cusub, qofkii Maqasha ka adkaan waaya maaha inaanu u dirno Geel. Dadkii cusbaa baa imika imanaya, waanu ku sii simaynay ee ra’yiga cusbaa ee adduunka soo arkay ee qabyaalada ka sareeyey ee isku dirka ka sareeyey ee goolaaftanka ka sareeyey, waanay imanayaan insha Allaah.
S: Arrinta xasaasiyada badani ka dhalatay waxa ka mid ah xiisadii barigii dhaweyd ka dhacday Bariga, markaa adigu arrintaa sideed u aragtaan guddoomiye xisbi UCID ahaan?
J: Dadka reer Somaliland waa mid, waa dad walaalo ah, dhulka waa la wada degan yahay, reerna Sool iyo Sanaag ma sheegan karo, umaddu way wada leedahay, waxani waa fidmadii Soomaaliya nagu kala abuurtay ee Somaliland qabiil u kala saartay. Waa la dayacay walaalahayaga reer Buuhoodle iyo Widhwidh, waxaanu diyaar u nahay inaanu la fadhiisano. Anagu waxaanu soo jeedinay oo dadku goosteen oo iyagu saxeexeen in dawladnimadii dib loo soo celiyo, hadday wax ka roon noo hayaan waanu dhegaysanaynaa, laakiin xabad, jabhad iyo in dadka la barakiciyo kuma taageerayno. Laakiin, waa laga seexday oo waxba looma tarin. Waxaanu leenahay UCID baa isbadel keenaysa, kaalaya aan wada tashano, maanta Soomaali nabad bay u baahan tahay, Somaliland yaan nabadeeda lagu ciyaarin.
S: Markaa ma u tagteen Buuhoodle iyo Widhwidh?
J: Anigu labadaba diyaar baan u ahay inaan u tago socdaalkaygan hadda aan ku marayo Bariga inaan wada doodno, inaan wada fadhiisano, waayo waxaynu ku helayno wadahadal inay dadkeena xabad u quudhno waa ceeb, Soomaali oo dhan baa wada ceebaysan, dadkeeniibaa wada daadsan, Afrikaan baa yidhi waanu idin heshiisiinaynaa, UN-taa tidhi waanu idin heshiisiinaynaa, dad aan inala dan ahayn gacmaha soo geliyey, anagaa doonayna inaanu wax ka qabano insha Allah, markaanu Somaliland hab fiican iyo dawlad fiican oo dadku ku kalsoon yahay oo aan ka baqayn inay Soomaalida gacan siiso oo ay nabad ka dhaliso ka dhisno.
S: Guddoomiye, dhawaan waxa dhacday Xildhibaano ka soo galay Baarlamaanka xisbigiina inay sheegeen inay ka baxeen xisbigiina oo ay ku biireen xisbi kale, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Maanta ninka xildhibaanka ee shan sano Baarlamaanka ku jiray ee xisbigiisii waxtari waayey ee deegaankiisii waxtari waayey, waxtirsi malaha. Laakiin, waxaad ogaataa inaanu shacbi kaxaysan, anagaba qaar baa noo soo galaya UDUB ka tirsan. Waxa jirta dadkani inaanay nidaam haysan, waa dad kolba meel socda, waxay isleeyihiin malaha KULMIYE ayaa helaya, kii lagu dilayey maxaad KULMIYE ula midowday, kii nagaga baxay ee naga cadhooday ee la soo saftay UDUB ee na lahaa hadduu KULMIYE dalka qabto siduu reerkiinu noqon doonaa baan ka seexan waayey ayaa maanta KULMIYE ah. Markaa waa dad an lahayn nidaam oo naftooda oo keliya u socda, waanigaa maanta deegaanadoodii socda, waanigaa dadkoodii maraya, anaga ayey dadku noo soo hadhayaan, iyaguna way ku hungoobayaan meelahay tageen.
S: Laakiin, idin masuuliyad intee leeg baad ku leedihiin guddoon ahaan maadaama aad idinku soo xusheen xildhibaanada marka hore?
J: Xaq uma laha inuu ka baxo oo sharciga ayaa odhanaya inaanu ka bixin xisbiguu ka soo baxay, markaa waa dad xaguu roobku ka hilaacay ah, markaa anigu kuwaa kama werwero. Laakiin, aniga werwerkaygu waa shacbigayga, ninkaygaa dhex socda, dhex seexanaya, sariibada maraya, islaanta og, odayga miskiinka ah og, xaaladooda og ayey maanta Somaliland u baahan tahay, anagaa dalkan hagaajinayna, anagaa tuuri doona qabyaalada, anagaa ictiraafka keeni doona insha Allaah, anagaa badhaadhe keeni doon, anagaa xoolahooda u amaan gelin insha Allaah.
S: Haddiiba lagu doorto oo aad ku guulaysato doorashada, tallaabada ugu horeysa ee aad qaadaysaa maxay tahay?
J: 120-ka maalmood ee ugu horeeya waxaan joojinayaa waxa weeye xukunkii degdega ahaa ee dadka lagu xidhxidhayey, shir dhaqaale ayaan qabanayaa aan u yeedhayo mutacalimiintayada oo dhan, haddana waxaan qabanayaa shir ganacsi, waxaanan casuumayaa baayac-mushtariga Soomaaliyeed oo dhan, si aan u idhaahdo halkan wax u soo gashada. Waxa kale oo aanu samaynaynaa derejadii ciidamada, lacagta Soomaaliya ayaanu bedelaynaa insha Allaah, idaacad weyn baanu keenaynaa, waxaanu qaadaynaa wax allaale wixii heshiis kooto ahaa ee uu ka mid yahay ka Maxjarku ee uu ka mid yahay ka TOTAL, shaqaalaha oo dhan baanu mushaharka u kordhinaynaa, ciidamada qaranka iyo Booliska ayaanu dib-u-habayn ku samaynaynaa.
S: Halkeed ka keenaysaan lacagta aad mushaharka shaqaalaha ugu kordhinaysaan?
J: Lacagta dalka waa lagu cunaa ilaa $150 milyan oo doolar weeyaan warbxinta Baanka Adduunku, taas baananu xafidaynaa insha Allaah. Waxaanu dhiirigalinaynaa wax dhoofinta, waxaanu doonaynaa in dalkani horumar gaadho, inaanu shaqooyin degdeg ah abuurno oo aanu wadooyinka isku xidhno. Anaga waxayagu laab-lakac maaha, waa wax aanu aqoon ku samaynay, dawlad yar baanu samaynaynaa.
S: Guddoomiye, haddii doorashada lagaaga guulaysto, in badana waxaad ka soo hadashay inaad doonaysid inaad samaynaysid isbedel siyaasadeed, markaa laga yaabaa inaad adigu isbadelka iska bilawdo oo aad siyaasadda ka baxdo?
J: Anigu maanta jaaniskaa haddaan waayo waxaan u banaynayaa dadka kale ee igu xiga, laakiin aniga jaaniskaasaa iigu dambeeya oo aan u ordayaa, haddaan doorkaa waayo (Madaxtinimada) mar dambe u ordi maayo, haddaan helana mar labaad waan isu soo taagi karaa. Laakiin, aniga waxa ii muhiim ah inaan nidaamkayga iyo rayi’gaygu socdo oo hadafka aan u galay siyaasada ay Somaliland u hirgasho.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: