Falsafadaha Qarsoon ee Hay’adaha Caalamiga ah


Baryihii hore waxaynu ahayn dad muruqooda iyo maskaxdooda ku ciil baxa, imika waxaynu nahay dad maskaxdooda iyo muruqooda la hawl gabay mustaqbalkana waxaynu noqon dad baryootama hadii aan la is daba qabatyn”   AbdiRahman M. .Ali
Hantidaa dameer kolay ku tahay,Layskama haleeyo
Hoygaa harreef koluu ku yahay, Lama huraan weeye
Ninaan xoolahaa haw hallayn, Xoolo bini aadam
Oo hebel xurmuu kugu lahaa, Haysu kala xaydin
Naaleeye Xirsi Samatar
Fikrada maqaalkani waxay igu soo dhacday habeen dhawayd ayaa anigoo xiisad ah maamulida mashruucyada (Project Management) ku jira ayaa macalinkii xiisada noo dhigayay ayaa wuxuu filim documentary ah nagu daawad siiyay mashruuc kamida mashruucyadii la bixin jiray 1970aadkii gaar ahaan 78kii, mashruucaas sidaan indhahayaga ku arkaynay wuxuu ahaa mashruuc wayn oo lacagta ku baxaday ahayd 150milion oo Dollar ($150milion waxay maanta u dhigmaan dhawr Billion oo Dollar waayo Dollarku aad iyo aad ayuu hoos ugu wuu jabay marka xilligaa loo eego), wuxuu macallinkii noo sheegay in bilawgii sagaashanaadkii lacagta mashruucyada lagu qabto ee caawimada lagu bixinjiray ay ahayd 200,000-400,000 Dollar, wuxuu ku sii daray in maanta lacagta mashruucyada lagu qabto ee haayaduhu bixiyaan ay tahay inta badan 20,000 -30,000 Dollar oo ay waliba hoos ay lacagtani u sii socoto.
Markuu macalinku intaa noo sheegay ani ahaan waxay ii noqotay baraarug (eye opener), waxaan dareemay inay mar uun caawimada iyo haayadahu meesha ka baxayaan sida kolba lacagaha ay deeqaha ay ku bixiyaan u sii yaraanayso, bal hadaba saamaynta haayadaha inkastooy badan yihiin aynu hal mid kasoo yar qaadano, anoo saamayntaa laba qaybood u qaybinaya Muruq Naafayn (Muscle Disarmament) iyo Maskax Naafayn (Mental Disarmament).
Muruq Naafayn (Muscle Disarmament): Qaybtan koowaad waa mid ay dadka in badani dareensanyihiin, tusaale ahaan, haayada WFP waa haayad jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan cunto qaybinta , waxay hadafkeedu yahay inay dadka tabaalaysan ee cunto yaridu hayso cunto ku caawiso, laakiin arrintu taa ka wayn marka la eego wadamada islaamka ee dhaqaalahoodu hooseeyo, haayadani ma bixiso caawinta cuntada xilliga loo baahanyahay sida markay aabaruhu dheeraadaan ee waxay bixisaa markuu roobku soo dhawaado ee beeraha labeeranayo si beeralayda waxa ka soo baxaa suuq aanuu u helin oon aan loo iibsan waayo marka dadkii bilaash lagu siiyo cunto tii iibka ahayd ee beeraha wadanka ka soo baxday lama iibsanayo dabadeed ninkii beeralayda ahaa markuu dhawr jeer inta uu beero beertiisa (waaba ka ugu fiicane qaarbaaba markay mar beeraan niyad jaba e) waxba laga iibsan waayo ee uu khasaaro ayuu ninkii beeralayda ahaa niyad jabayaa ka dib dib waxba uma beerayo oo wuxuu sugayaa uun caawimadaa WFP-da, barigii dhawayd ee abaaruhu dabadheeraadeen ee biyo la,aantu dhacday haayad qudha may biyo dhaamiso marka laga reebo laba urur oo wadanka ka dhisan iyo haayada islaamka ah ee laydhaa Haayada Geeska, tusaale kale oon anigu toos u arkay waxaa weeye, wasaarad kamida wasaaradaha dalka loogu tuhun badan yahay inuu kharash soo galo ayaa maalin maalamaha kamida xafiis kamida waxaa ka yar istaagay printerkii( mishiinka wax daabaca) markaas aniga iyo nin kale oo aanu saaxiib nahay ayaa ku nidhi inankii xafiiska haystay maxaad u hagaajin waydeen printer-ka, inankii xafiiska fadhiyay wuxuu yidhi “haayad hebla ayaa na siisay printerka markaas iyagaa noo hagaajinaya” hadana isla wasaaradaas ayuu maalin kale khadka Internet-ka ayaa yar xumaaday markaan ku idhi maxaad u hagaajin waydeen wuxuu yidhi nin kamida shaqaalaha wasaaraardaasi haayad ayaa noogu deeqday Internet-ka markaa iyagaa ayaa hadana noo hagaajinaya khadka internet-ka. Waxaa kaloo dhacday wasaarad kale oo ah kuwa xaga maamulka dalka gacanta ku haya ILAAHAY kasakow waxaa ka xumaaday mishinkii daabacada (printer) dabadeeed shaqadii wasaarada ayaa istaagtay illeen mishiinkii kala waday ayaa isna istaagee, muddo dhawr cisho ah ayay sidii u taagnayd oo dadkii iyo hawlihiiba isku wada xanibmeen, markii lawaydiiyay maxaa ku dhacay mishiinka oo aad u keeni waydeen waxay shaqaalihii wasaaradu ku jawaabden “haayad hebla ayaa noogu balanqaaday inay noo keenayso printer cusub oo iyadaanu sugaynaa” . Bal u fiirso maskixiyan ayaa laynaga dhaadhiciyay inaynaan waxba qabsan Karin.
Maskax Naafayn (Mental Disarmament): baryihii hore haayado dalka may joogi jirin oo dadka cilmiga lihi badh dawlada ayay u shaqayn jireen kuwa kalena shirkado ganacsi ayay u shaqayn jireen,halka qaar kalena iskood u shaqaysan jireen, laakiin hal mabda’ ayay ka sinaayeen , wuxuu ahaa mabda,aasi inay maruun ninkastaa iskii u shaqaysto haduu yahay nin dawlad u shaqeeyo ama tukaan ama hudheel, hadaanuu macaal wakhtigu u saamixin hadana arrinkaa ah inuu mar iskii u shaqaysto maskaxdiisa kamuu madhnayn , wakhtigan imika la joogo waxaabad moodaan soomalida kale ee dalalka kale joogtaa inay ka dhaqdhaqaaq badanyihiin kuwa dalka jooga haday tahay , kuwa Kenya jooga ama South Africa waayo halkaa haayado ma joogaanoo maskaxdooda ayay maalayaan oo waxay ku fikiraan sidii ay iskood u shaqaysan lahaayeen, taasi dalka kama jirto waayo ardaydii jaamacadaha kasoo baxday ninkastaa haayad ayuunbuu eegayaa. U fiirso haayadaha hawlahooda waxaa la raaca dariiqyo (guide line) hore loo dajiyay hadii wax cusub loo baahdana dibada ayaa lagaga soo daraa laakiin ma jirto maskax fikir/ ikhtiraac cusub keenaysa wadanka gudihiisa oo siyaasada haayadaha ayaanay ku jirin inay dadkani fikiraan laakiin ay raacaan oo qudha waddo loo jeexay, ogow hadii maskaxda laga fikirsiinwaayana lasoco oo korrinkeeda ayaa ay wax iska dhimayaan oo tusaale ahaan hadii xubin ka mida jidhkaaga shaqadii ILAAHAY u abuuray qaban waydo waxaa ku dhacaya korriin la,aan, lugaha hadii lagu socon waayo heerka caruurnimada ee cagabaruurnimada ah dhaafimaayaan.
Ardayda jaamacadaha kasoo baxday laba ayay isugu jiraan mid waalidkii ganacsi leeyahay oo uu wakhtigu la hayo iyo mid wakhtigu hayo.
Jaamiciga wakhtigu lahayo: baryihii hore ardayga jaamacad kasoo baxaa ee aabihii ganacsade yahay meel kale mabuu tagi jirine shaqaadaas aabihii ayuu horomarin jiray oo uu cilmiyayn jiray waayo aabihii maaha nin cilmi leh waa nin ku dhashay miyi, shaqada kasoo bilaabay hudheele, tukaan haye ama wax lamida dabadeed dadaal sameeyay ka dib waayo-aragnimo ku shaqaynaya laakiin inankiisii waa nin jaamacad ka soo baxay aduunyada la socda xaga horumarka luuqadihiina yaqaana laakiin wakhtigan xaadirkaa waxaad arkaysaa inan jaamacad kasoo baxay aabihii ganacsade yahay hadana ku leh haayad ayaan doonayaa inaan ka shaqeeyo oo meelahaas ayuu iska fadhfadhiyaa oo maalinba warsidayaasha ayuu eegayaa inay wax shaqo haayadii ku qoran tahay, talow sidan aabihii u noolaan maayee yuu ugu talo galay markay tiisa noqoto inuu shaqada aabihii sii wado.
Nin la odhan jiray Harold Geneen ayaa wuxuu yidhi “dunida ganacsigu laba shay ayay u baahantahay lacag iyo waayo-aragnimo, waayo-aragnimada marka hore qaado lacagtu iyadaa imane”, inankii haduu marka aabihii dhinto uu is yidhaahdo shaqadii sii wadoo uu lacagtii aabihii hayo xageebuu waayo-aragnimada ka helayaa illeen hore shaqadan aabihii umuu soo dhex geline dabadeed waxay ku noqon afkalaqaad inankii jaamiciga ahaa markay shaqadii isku wada cayn go,do.
Jaamiciga wakhtigu hayo: jaamiciga wakhtigu hayo garbuu u leeyahay inuu haayad ka shaqeeyo oo uu masruufkiisa ka raadsado, laakiin qaladkuu leeyahay jamicigani waa isagoo maskaxda ku hayn inuu mar uun iskii u shaqaysto oo wuxuu doonayaa inuu waligii shaqaalahaa ahaado, waxaabad mararka qaar ka maqlaysaa iyagoo leh sannadka 2040 anoo haayad hebla u shaqeeya talow muu yidhaahdo sannadka 2040 anoo intaas oo qof ii shaqaynayso ama shirkad intaas leeg haysta oo maamula.
Soomalida ayaa waxay ku maahmaahdaa “wuxuu ganacsi ku siiyo saaxiib kuma siiyo” ta kale markuu qofku uu isagu iskii u shaqysto cid uu fasax ka qaadanayo ma jirto cid maamulaysaa ma jirto, marka aad shaqaale tahay, haday Hooyadaa xanuunsato waxaa tahay kii fasax waydiista cidaad u shaqaynayso oo waliba muddo go,an lagu siinayo xadaa haddaanay hooyadaa bogsan.
Qolyahan laydhaa Peace Corps ee maraykanka ah waa qolo haayad oo kale ah oo waxbay caawiyaan, waxbay dhisaan, dabadeed qolo kamida oo joogtay wadanka Philippine ayaa waxay is qabsadeen oo isfahamwaa ka dhex dhacay iyaga iyo xagii maamulkii wadanka Philippine dabadeed waxay noqotay inay iska tagaan oo ay ka baxaan waddanka, markay tagayeen ayaa nin kamida wasiiradii dawlada Philippine ayaa kalmad laga qoray wuxuu idhi “ ANAGA OO DAD AH AYAAD NOO TIMAADEEN, WAXAAD NAGA TAGTEEN ANAGA OO AAN DAD AHAYN” wuxuu u jeedaa waxaydin noo timaadeen anaga oo wax qabsan karna (Powerful) waxaydun naga tagteen anaga oo waxba qabsankarin (Powerless).
U fiirso, barigii maxkamaduhu haysteen Koonfurta Somaliya, waxaa dhacday inay wabiyadu fataheen, ganacsatadii ayaa lacago iska ururisay dabadeed si aanay waligeed haayad reer galbeed ahi wax u caawin ayay dadkii daadadku tabaaleeyeen u caawiyeen.
Bal u fiirso macaal hablihii gashaantiyaha ahaa ninka isagu iskii u shaqaysta waxay ka door bidaan ninka haayad u shaqeeya oo waxaabay isugu faanaan “hebla ninkeedu haayad ayuu u shaqeeyaa”.
Waxaa dhacday gabadh ka shaqaysa xafiisyada dawlada ayaa sidii caadada u ahayd waxaa soo doonay gaadhiigii dawlada ee numberka cagaarkaa lahaa si uu shaqada u geeyo, waxaa arkay wiil ay qaraabo yihiin gaadhigii markaasuu ku yidhi isagoo gabadhii la hadlayaa “ naa hebla maxaad ka raacdaa gaadhigan numberka cagaarkaa leh, hadaanuu numberkiisu ahayn number cas oo haayadeed, lugtaa kuu dhaanta gaadhigan” bal u fiirso wiilkaa maskaxdiisa sida loo dilay ee looga dhaadhiciyay gaadhi haayadeed.
Waxaas oo dhan waxaa ugu wacan hamigii dhalinyarad ama jaamiciyiinta oo noqday haayad inuu u shaqeeyo, gabadh cas inuu guursado, gaadhi cadna lagu qaado, waligiina inuu shaqaale ahaado. Lasoco waxaa la ogaaday intabadan dadka haayadaha ka shaqeeya haday naftooda iyo xaaskooda ay ku filaadaan/kaafiyaan ayaabuu buro sidaa, Talow dadka ka intan fikirkoodu yahay maanay cidi kusoo tabcin oo aanay waalid iyo qaraabo lahayn. Sidani waxay inyar ka saraysaa CALOOSHII U SHAQAYSTE waxaanan u bixiyay CALOOSHA QOYSKII U SHAQAYASTE.
Adoo maskaxda ku haya inaanay haayadahani waligood dalka joogayn fadlan sawiro markay haayadahani dalka ka tagaan xageed u dhaqaaqi.
Nin wayn oo waayo araga magaciisuna yahay Dr.Food-Cadde waxaan afkiisa ka hayaa “had iyo jeer waa inaad lahaataa meel aasaas (base) kuu ah oo aad kasoo saad qaadato marka aad shaqo tagaysid kuna noqotid markay albaabad oo dhami iska kaasoo xidhaan”.
Maskaxda ku hay inay haayadaha 90% ay ka shaqeeyaan dalalka dawlad xumada ama dagaalada sokeeye ka jiraan markaynu hagaagno bal isa sawir halkaad istaagi doonto ileen macaal dawlad uma shaqayn kartid oo hawo kale ayaa ku gashee.
Caawimada ay wadamada reer galbeedku bixiyaan siyaasad ayay ka leeyihiin, qofna bilaash wax uma bixiyo oo macaal Islaamku hadii aanuu Janno ku helayn muu bixiyeen shayna iyagoo gaalo ah oo Aakhiro wax uga horeeya jirin miyay kula tahay inay bilaash wax kuu siinayaan sidaa daraadeed waxay doonayaan inay awrkooda ku kicistaan, tusaale ahaan marka hore waxbay kaa dharginayaan marka ay in muddo ah kugu wadaan ee aad la qabsatid oo aad ilawdid awoodaadi wax qabsi ayuun bay dhinaca kale kuugu rogayaan oo hadaadan waxay doonayaan qaban waxay kugu xuuxinayaan deeqaha ayaanu kaa jojinaynaa adna waad habranaysaayoo goormaaba kuugu dambaysay wax aad qabsatid, inbadan ayaynu idaacadaha ka maqalaa dawlad hebla cadaadis ayaa lagu saaray arrinkaas, cadaadisku wax kale maaha ee lacagtii yarayd ee la siin jiray ayuunbaa laga joojiyay dabadeed wataa dawladii cadaadiska lasaaray wixii laga codsaday qabanaysa illeen caawintan la,aanteed inaanay jiri Karin ayay aaminsanyihiine, tusaale cad waxaa inoogu filan dawlada Malawi, 28/ May/2010 waxay xukuntay laba nin oo isku guursaday wadankeeda ka dib waxaa labadii nin lagu xukumay 14 sanno oo xadhiga, markiiba wadamadii reer galbeedka ayaa qaylo isla oogsaday iyagoo leh dawlada Malawi dimuqraadiyad maaha, dadku hadalkooda iyo ficilkooda xor uma aha iyo hadallo kale oo badan, dabadeed cadaadiskoodii ayay saareen, ogow 40% kamida miisaaniyada waddanka Malawi waxaa siiya wadamada reer galbeedka, intan ayaanay ku bajinayaan inay ka jaridoonaan. Dawladii Malawi labadii nin ee isguursaday May/30/2010 ayay ooda ka qaaday oo ay sii daysay waayo dawlad 40% ka mida miisaaniyada wadakeeda laga xanibay waxay qaban kartaaba iska yar, lacagtan la siiyo ha u fahmin in toos loo siiyo, haayadaha ayaa loo soo mariyaa oo waataa hayadi odhanaysa Police-ka ayaanu kaa caawinaynaa midkalena wax barashada halka qaar kalena o dhanayaan caafimaadka yaanu kaa caawinaynaa.
Haddaynaan sidan isu dhaamin, haayadahani way iska tagi dabadeed sida qaxoontiga ayaa layna quudin illeen waatan Maskax iyo Muruqba laynaga naafeeyee waxaanaynuna noqon dad Mahaadin (dependent) ah oo qoladaa reer galbeedkuna meel fog ayay inaga maamuli (remote control).
Caalamka waxaa ka jira shirkado boqolaal sano jiray oo walina si fiican u shaqeeya, sidaas waxaa u saamaxay qoyskasta oo ubadkiisa ku tababara sidii ay shaqada u sii wadi lahaayeen laakiin innaka iska daa inaynu ubadkeena ku tababaro inay shaqada sii wadaane waxaad arkaysaa oday wayn oo ganacsade ah hadana inamadiisii dibada u dhoofinaya oo haduu wax barasho u diro waaba sahaale wuxuu u dirayaa inuu qoxoonti yurub ku noqdo oo garaam loo qoro.
Cilmi baadhis ay ku samaysay koox lagu magacaabo Tokyo Yoko Research 1,975,620 shirkadood oo ku jira database-kooda, waxay heleen 21,666 shirkadood oo jiray in kabadan 100 sano. Markale, bankiga kuuriya cilmibaadhis uu sameeyay wuxuu isna helay, 837 shirkadood oo 200 sano ka wayni inay ka jiraan waddanka Jarmalka, 222 shirkadoodna ka jiraan waddanka Holland, halka 196 shirkadood oo iyana 200 sano ka wayni ka jiraan waddanka Faransiiska. Iyana waxaa kale oo la sheegay in waddanka Japan ay ka jiraan in ka badan 20,000 oo shirkadood oo ka wayn 100 sano.
Markaan ku leeyahay shirkado boqolaal sano jiray ha u fahmin shirkado waawayn oo kumanaan shaqaale ahi u shaqeeyaan ee muhiimadu waa joogtaynta shaqada gaar-ahaaneed haba iska yaratee waayo 89.4% ka mida shirkadaha boqolka sano kawayn waxaa ka shaqeeya shaqaale tiradoodu ka yar tahay 300 qof.
Magaca shirkada Xilliga la aasaasay Magaalada iyo dalka lagu aasaasay Nooca shaqada Website
1. Kongo Gumi 578 Osaka, Japan Dhismaha http://www.kongogumi.co.jp

2. Hoshi Ryokan
718 Komatsu, Japan Hotel ama Albeerko http://www.ho-shi.co.jp/jiten/Houshi_E/

3. Barone Ricasoli 1141 Siena, Italy Saliida Olive http://www.ricasoli.it

4. Barovier & Toso 1295 Venezia, Italy Weelka quraarada ah http://www.barovier.com

5. Richard de Bas 1326 Amvert d’Auvergne, France Waraaqaha http://www.richarddebas.fr

6. Torrini Firenze 1369 Florence, Italy Dahable` http://www.torrini.com

7. Baronnie de Coussergues 1495 Montblanc, France Samaynta maraakiibta http://www.henokiens.com/index_baronnie_gb.php

8. Fabbrica D’Armi Pietro Beretta S.p.A. 1526 Gardone, Italy Hubka http://www.beretta.it

9. William Prym GmbH & Co. 1530 Stolberg, Germany Naxaasta/ Maarta http://www.prym.com

10. John Brooke & Sons 1541 Based in Huddersfield, United Kingdom Dharka http://www.brookesmill.co.uk

Shirkadaha soomaalidu waxay la dhintaan marka qofka aasaasay uu dhinto badankoodu waayo waxaan jirin cid sii wadda oo sidaan hore u carabaabay ayuunbay ninka shirkad aasaasay caruurtiisii u hiyi kacsanyihiin oo ay meel kale u eegayaan ama uu odaygii dalkale uu ugu dhoofiyaa.
Markaan in muddo ah u dhaba galay shirkadaha ugu da,da wayn dalkeena, waxaan helay saddex shirkadadood oo kala ah OGF Company, Dahabshiil Company iyo Mohamed Ali Abby & Sons Company Ltd ALLE ha garabgalee.
OGF: shirkaddan waxaa la aasaasay sannadkii 1943-kii, iyadoo marxalado badan soo martay imika waxay maraysaa heerkii ugu sareeyay, iswaydii sababta? Sababtu waa aasaasihii shirkada oo ku tabcay caruurtiisii, waxay ka soo baxeen jaamacadaha ugu qaalisan wadanka ingiriiska oo meeshay istaagaanba shaqo haayadeed ka waayi maayan laakiin ALLE ayaa tii wanaagsanayd garansiyay oo shirkadii aabahood ayay sii horomariyeen oo heerkaa ay imika marayso ayay soo gaadhsiiyeen oo ay waliba mustaqbalfiican leeyihiin.
Dahabshiil: Sannadkan 2010 ayaa loo dabaal dagay afartan guuradii shirkadan Dahabshiil, waxaynu ognahay inta waddanee ay xafiisyo ay ku leedahay iyo tirade dadka u shaqeeya imikana waxaabay noqotay Banki caalami ah, shirkadana odaygii aasaasay caruurtiisii ayuu ku tabcay oo imika iyo heerkay shirkadu maraysana gaadhsiiyay.
Mohamed Ali Abby & Sons Co. Lmtd: Shirkadan waxaa la, aasaasay 1970-kii walina sifiican ayay shaqaynaysaa ALLE hala garabgale.
Saddexdan shirkadood waa shirkado tusaale fiican inoo ah (role model) oo ku dayasho mudan, sida saddexdaa oday ee aasaasay shirkadahaas ayaa looga baahanyahay odayaasha imika shaqeeyaa inay ku daydaan.
Talow dadkan iyo dawladahan sugaya in la caawiyo ee bini aadam ku tiirsan miyaanay maqal xadiiskii Nabigu ku yidhi (CSWS) isagoo dhiiri galinaya qofku inuu wax qabsado oo aanu bini Aadam wax waydiisan “inaad xadhig qaadatid oo aad soo xaabaysato ayaa ka fiican inaad dadka martidid oo aad wax waydiisatid”.
Isna Abraham Lincoln oo mar ahaa madaxwaynaha Maraykanka ayaa yidhi “Qaninimada dadka qaar waxay ina tusaysaa inay inta kalena qani noqon karaan taas oo inoo ah dhiiri galin iyo inaynu wax aasaasno”
Nin kale oo asalkiisu yahay Japanese laakiin Maraykanka ku nool oo laydhaa R. T. Kiyosaki buugiisa laydhaa Rich Dad Poor Dad wuxuu ku yidhi “Shaqo jidheed oo sax ahi waxay kor u qaadaa caafimaadka qofka, fakir maskaxeedna oo sax ahina wuxuu kor u qaadaa qaninimada qofka. Caajisnimadu caafimaadka iyo qaninimadaba way la dagaalantaa”.
Guntii iyo gabagabadii waxaa loo baahanyahay inaynu fikirkeena badalno oo aynu maskaxdan iyo muruqan laynaga gumaystay iska qabano oo aynu maskaxdeena iyo muruqeenaba ka shaqaysiino sidaasuu ILAAHAYna inoogu gargaarayaaye.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa gabaygaan ku bilaabay oo oday reer hawd ahaa oo la odhan jiray Naaleeye Xirsi Samatar qarniyo ka hor tiriyay:
Hantidaa dameer kolay ku tahay Layskama haleeyo
Hoygaa harreef koluu ku yahay Lama huraan weeye
Ninaan xoolahaa haw hallayn Xoolo bini aadam
Oo hebel xurmuu kugu lahaa Haysu kala xaydin
FIIRO GAARA: INSHA, ALLE waxaa soo bixi doona buug ka hadlayaa saamaynta fog ee haayadaha reer galbeedka iyo sida dadkeenu isu dhiibay maskixiyan iyo muruqiyan kaasoo statistics badan oo ay ka midyihiin inta qof ee ku hamiya inuu mar uun iskii u shaqaysto, inta qof ee haayado ku hamiya iyo xogo kale oo aad u xiiso badan taas oo lagu ogaaday cilmi baadhis dhaba.
BUUG KAASHI:
• Rich Dad Poor Dad (1998) by Robert T. Kiyosaki with Sharon L. Lechter, Page 20
ISPN 38373635343332313029
• Associated Press, Aug 12, 2009
• Kyoto-Saga Art University, Lecture Series “Sense on beauty in Kyoto (captial city)” 5th lecture
• The fifth time “Celebration events in Kyoto (capital city)” lecturer: Mr. Genda Zenro (President of Genda-Shigyo stock company) Mar. 26th, 2005 (Sat) from 14:00 note:open 30 minutes before]
• Information magazine Kyoto, No.48 issued 2000-05-08 (Japanese). On the box at very bottom
http://www.topdare.com/2010/01/top-100-oldest-companies-in-the-world/
• bizaims.com
http://nortonlilly.com
MAHAD CELIN:
Waxaa mahad leh ALLE ka sakow Ahmed Shooqi, Khadar A/lahi, AbdiAziz Khadar, Ahmed Saleban Birinbir iyo Mohamud Saxardiid.
WQ: AbdiRahman Mohammed Ali
E-mail: amaabby@yahoo.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: