Somaliland: Dal U Baahan In Laga Xoreeyo Maskaxo Duugoobay [FAALO]


Inkasta oo qormadani ay mar hore ku soo baxday qaybaha kala duwan ee warbaahinta, hadana waxaa muhiim noqotay in mar kale la soo celiyo, sababta oo ah waxa la soo gaadhay wakhtigii ay munaasibka ku ahayd in lagu dhaqaaqo taabo-gelinteeda.
Marka aad maqashid ereyga xoreyn, waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaysa waajibaad hal-gan, mid dagaal iyo mid maskax huriseed, mar labaadka waxa aad dareemaysaa in la baadigoobayo hanashadda xoriyadda cid leedahay oo cid kale gacanta faro-maroojisay.
Dhaq-dhaqaaqyadda xoreyntu waa qaar salka ku haya oo ka soo burqanaya dareen culus oo ka dhashay aafo taagan oo u baahan in xal iyo maaro loo helo, isla markaana in la helo wixii bedelkeeda ah. Waa kuwo ka imanaya dad ay si weyn u dhibtay mashaakilaad is-biirsaday oo naftoodu hayn kari weyday .
Waxaa kale xoreyntu dhabadda u xaadhaysaa kasbashadda nolol ku qalabaysan kalsooni, dad-nimo, hal-abuurnimo iyo gudashadda waajibaadyo dayacan oo loo baahan in laga midho dhaliyo.
Mar kale xoreyntu waa arimo is-biirsaday oo salka ku haya dareen, cadaadis, tacadi, u tudhid la’aan, u naxid la’aan iyo ragaadin is-biirsaday oo cid ku kalifay inay ka gil-gilato arimahaas.
Sidaas oo ay tahay wadankan Somaliland, wuxuu khatyaan ka taagan yahay oo uu baahan yahay in laga xoreeyo maskaxo duugoobay oo aan la jaanqaadi karayn wakhtiga casriga ah ee la galay. Sababtuna tahay waa maskaxo ay ka buuxaan waxyaabo badan oo la soo koray wakhtiyo qalafsan oo soo mareen. Kuwaas oo ka mid yihiin cadaadis, cabudhin, cadaalad la’aan, is-caabin, colaado, bur-bur iyo hagar-daamooyin nololeed.
Waxaana waxyaabahaasi sababeen in Maskaxahaas duugoobay yeeshaan hab-jiritaan ku aroora habdhaqabadan soo socda:-
1-Waa maskaxo fikirkooda ugu badani ku salaysan yahay, sidii ay u hanan lahayeendano iyo rabitaano gaar ahaaneed oo aanay dani ugu jirin dalka iyo dadka toona, iyada oo hadafku yahay sidii ay u xaqiiqsan lahaayeen bartilmaameed u gaar ah oo aanay dan iyo faa’ido ugu jirin jiritaanka wadanka.
2- Waa maskaxo ku guuldaraystay waajibaadkii dhabta ahaa ee ka saarnaa wadanka, kuna bedelay wax-qabadyo kale oo aan buuxin karin kaalinta banaan ee dalka iyo dadkuba tebayaan.
3- Waa maskaxo ka araddan hal-abuurnimo iyo dan umadeed una heelan waxyeelaynta wadanka.
4- Waa maskaxo ay ka buuxaan dareeno salka ku haya is-colaadsi shakhsiyadeed iyo wax isu ogalaansho la’aan, taas oo adhax-wareen ku ah geedi-socodka horumarinta wadanka. Iyo gudashadda waajibaadyada qofkasta looga baahan yahay.
5- Waa maskaxo ay ka maqan tahay lexo-jecladda iyo dareenka wadaniyadeed ee lagama maar maanka u ah kobaca dhaqan dhaqaale, toosinta iyo horumarinta qiyamka nololeed ee bulshadda.
6- Waa maskaxo ka moogan tixgelinta iyo ku dhaqanka shuruucda iyo qawaaniinta kala gedisan ee wadan ku leeyahay.
7- Waa maskaxo ay biyo-dhigtay ku dhaqanka filicladda musuqmaasuq iyo hab-dhaqanka xantooyadda ee xoolaha umadda.
8- Waa maskaxo ay ku badan tahay khiyaamadda, wax is-dabamarinta iyo nidaamka loo yaqaano ku qabso ku qadi mayside.
10- Waa maskaxo aan laga rajo-qabin in ay wadan meel gaadhsiiyaan, islamarkaana horumarka muhiimka ah ee dadka iyo dalkuba baahida qabaan abuuraya.
11- Waa maskaxo u horseedaya jiilka bedelkooda ah aayo-tiin la’aan iyo ku dayasho xun oo cawaaqib xumo ku keenaysa nololashooda dambe.
Laga gayoonmaayo in halkan lagu soo koobo muuqaalada maskaxaha duugoobay xambaarsan yihiin ee sida balaadhan u halakeeyey, hase yeeshee waxaan intaa kaga soo gudbaynaa guud markaas gaaban ee aanu sida kooban ugu falanqaynaynay.
Waxay cid waliba is-waydiinaysaa toley sidee baa maskaxahaas duugoobay dalka looga xoreyn karaa? Waa su’aal ay jawaabteedu ay cid kasta u furan tahay in ay ka tidhaahdo fikirkeeda ku aadan.
Ha yeeshee hadii aan anigu waxoogaa ka taataato siyaabaha ugu sahlan ee maskaxahaas loola dagaalamayo ee wadanka looga xorayn karayo, waxaa ka mid ah:-
1: Waa in dadka maskaxdoodu ka madhan tahay cuduradaas, isku dayaan sidii ay abuuri lahaayeen barnaamijiyo lagu tirtirayo laguna masaxayo raadkaas ay abuureen maskaxahaas dugoobay ee wadanka baroosinka aastay.
2: Waa in dadka dhalinyarta ah ee maskaxdoodu curdinka tahay kana buuxdo cilmiga casriga ahi isu diyaariyaan sida ay hal-gan maskaxeed ula gali lahaayeen maskaxahaas duugoobay, isla mar ahaantaana wadanka uga saafi garayn lahaayeen.
3: Waa in maskaxaha ka madhan waxyaabaha xun xun ee aynu kor ku soo sheegnay ka feejignaadaan inay ku dhaqmaan tubtii ay jeexeen maskaxahaas duugoobay lana yimaadaan qorsheyaal tibaaxaaya siyaabaha ugu macquulsan ee u tir-tiri karaan.
4: Waa in maskaxaha aqoonta diimeed biyo-dhigtay, umadda ka wacyi-geliyaan sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen ku dayashadda iyo la fal-galida nidaamka ay horseedeen maskaxahaas duugoobay
5: Waa in la sameeyo daraasado cilmiyeysan oo soo bandhigaya qaababka ugu macquulsan ee lagu la dagaalami karayo ama lagu sixi karayo itijaaha ay ku soconayaan maskaxahaasi.
Waxaan filayaa in si weyn u dhugateen nuxurkii daahnaa ee ay xambaarsanayd qormadani. Hase yeeshee hadii aan wax yar ka xuso u jeedada dhabta ah ee aan ka leeyahay qoraalka waxa ay tahay in bulsho weynta reer Somaliland u cadeeyo inay isbedelka wax oolka ah ee wadan ku u baahan yahay ku xidhan yahay tirtirida maskaxaha dib u socodka ah ee wadanka hadimadda ku haya laguna bedelo maskaxo curdina oo saafi ka ah hab dhaqankii xumaa ee ay horseedeen kuwaa ka horeeyey.
Mida kale khilaafaadyada siyaasadeed ee wadanka ragaadiyey waxaa sal u ah oo hoosta ka hurinayaa maskaxaas duugoobay, waana waxyeelooyinka khatarta ah ee u baahan in si uun looga samata-baxo, si dalka iyo dadkuna jahawareerka uga baxo
Sidaa darteed waxaan ku soo af-meerayaa qormadan in Somaliland u baahan tahay, isbedel deg deg ah oo dhinac kasta ah, si ay uga samata baxdo daruufaha qalafsan ee ku gadaaman ee jiritaankeeda halis galinaya. Waxaa isbedelka lagu gaadhi karaa in laga leexdo wadadaas hore ee ay jeexeen maskaxaha duugoobay.
Ugu dambayntii waxaa qormadani ugu baaqaysaa maskaxaha curdin ka ah, ee saafiga ah , ee hal abuurnimadda leh, ee damqashadda wadaniyadeed leh, ee danaynaya horumarka wax ool ka ah ee loo baahan yahay in ay la dagaalamaan oo meesha ka saaraan dhaqankaas xun ee intaaba ka soo horjeeda ee ay leeyihiin maskaxahaas duugoobay. Sidaas ayaana lagu xaqiijin karaa himilooyinka dhabta ah ee uu higsanayo dadweynaha Somaliland.

QALINKII: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com  /  heersare2009@gmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: