CODKAAGA KU CIIL BAX- 15


“KURSI ISKU-DHEJINBAA DAL BURBURISA…DAWLAD XUMAA UMMAD BAA’BIISAA
DULMI WAXA UGU CULUS KA QARAN DHAN LAGA GALO..WAANA KOLKA QALAD LAGU DAAFCO XAAKIM CADAALAD DIID AH…GEESIGU MA AHA NINKA QORIGA KU DAGAALAMA WAA NINKA XAAKIM DAALINA HORTIISA RUNTA KA SHEEGA..DADNA WAXA UGU RAQIISAN NINKA DAMIIRKIISA IIBIYA..WAANA HUBAAL INUU IFKANA MAGAC XUMO KU JOOGO AAKHIRANA XISAABI KA HORREYSO “

Allow naga yeel kuwa xaqqa raaca, kuwa aan dhaldhalaal adduunyo dariiqa toosan ka leexin, kuwa aan u hiilin daalin iyo cadaalad diid, kuwa aan noqon calool la ciyaar iyo dhaameel raac, kuwa aan eex qabiil iyo hiil-xigto xaqqa ka indhosaabin, Allow naga dheeree xaasid. Allow ha naga yeelin kuwa naftooda mooyee aan tu kale eegin, kuwa aan u nixin miskiin gaajo la sooma, danyar aan u damqan, indhihiisu dhulka eegin ee cirka tiigsada.
Dalkeenu waxuu marayaa marxalad qof walba looga baahan yahay inuu naftiisa xisaabiyo, oo uu garto waxa uu qaban karo, iyo inta dhibta ka taagan uu mas’uul ka yahay. Aamusku xiligan waa hiil xaq-darro, waa gaabis dalka wax yeelaaya, waana dambi culus oo diintu inoo sheegtay inuu ka mid yahay dunuubta culus ka aamuska arrin lagaga baahan yahay markhaatigeeda. Waxa dalka ka taagan balan-baajis, iyo caxdi ka bax caado noqotay, deedna intii farta ku fiiqi lahayd cidda balanka jabisay, dar-jiidhay ee indhaha iyo dhegahaba xidhatay, ayaa la yidhaahdaa waxaanu nahay dhexdhexaad.

Dhexdhexadnimadu ma aha xaqqa oo laga aamuso, ma aha adigoo cidda qabsoomaysa culeeskaaga saara, ma aha adigoo ka cabsada runta, ma aha adigoo ka dhigta fursad ku soo martay ood magacaaga ku iibiso, amba ku ganacsataba. Dhowr arrin oo u baahan bayaamin ayaan maqaalka uga dhigay darmada-soo dhoweynata, bal qaar ka mid ah aan daahfuro.

KURSI ISKU-DHEJIN IYO AAFADEEDA

Waa cudur aafeeyey carrada nin madow iyo duul carbeed. Waana masiibada ugu badan ee qaran burburisa. Waxaad ka warqabtaan dirir iyo dagaal sakooye iyo mid shisheeyaba inuu keeno nin (weli dumar miyenaan maqale), yidhaahda anigaa hoggaanka keli ku ah, cid kale talo ma hayso, kii wax ii sheegaa waa cadow wadan iyo nabad-diid ah….waa odhaahdii looga bartay taariikhda casriga ah dalalkii shuuciga ahaa, iyo kuwii ka horeeyey ee Naziga ahaa ee Yurub. Maantana waxa caadaysatay inta Illaahay ku manaystay qoroxda diiran iyo kheyraadka dhulka hoostiisa iyo guudkiisa daadsan….waa Qaradda Afrika iyo Bariga Dhexe…Maxaa Ciraaq helay, maxaa Suudaan ka jira, Rwanda iyo Burundi maxay ka soo kabteen, Itoobiya iyo Mengiste iyo Xaylihii ka horeeyey soo qabo, bal dhegeyso Yaman iyo Chad waxa ka taagan, dhegta u fur guuxa aan damin ee ka sanqadha Masar, Liibiya, Algeeriya iyo inta xadigaas ka badan ee hareeraheena ah. Iyada leysu tilmaamimaayo waxa Ina Soomali saymo goo’yey…waa nin kusri ku fadhiistay, deedna xabag aan maydhmin iskugu dhejiyey kursiguu ammaano ahaan ugu fadhiistay.Wax-qabadkii loo igmadayna ku bedelaa inuu hub iyo maalkii ummadda kaga hawl galo ku fadhiga kursiga oon wax kale soo raacin.

Haddaba haba fadhiyee maxuu falaa? Sideedaba qofku marka uu noqdo kursi-daafac, waxa ka luma xiska iyo garaadka garashada, waxuu noqda ruux talada u arka cay, waxuu la coloobaa inta toosin lahayd, waxuu maqlaa waxuu jecel yahay, waxa soo baxa dar damiirkoodu liito, oo laxankaas uu jecel yahay si wacan miisig u raaciya…waxuu ka fogaadaa waxgaradka ummadda, waxuu la saaxiibaa dhuuni-raacyo iyo daneestayaal aan sacabkooda iyo afkooda wax dhaafsan arag….Waxuu aaminaa beenta laga iibiyey. Muruq iyo cududbaa bedesha maskaxdii iyo maankii uu wax ku miisaami lahaa. Adduunkii uu dalka ku horumarin lahaa, waxay noqdaan wax uu meel xun iyo xaraan-fal ku bixiyo, iyo wax uu beenta la subkay ku iibsado. Waxa bilaabma in dad badan oo niyad jabay isku rogto ka shaqeyso iyo ka daneyso..Danaysti baday, afafkii kala qabay, carabkiina soo riday, ee halkee looga keenaa wax uu dhalaq siiyo. Ugu dambayntii taasi waxay keentaa inuu waayo wax uu ku raali geliyo tirada sii kordheysa ee been-iibiyaasha…Waxa uu noqdaa nin kala doorta kii shalay beenta ka iibiyey, iyo kan ka dabo yimid ee shalay isaga caayi jiray, bal se kaba laxan macaan kii hore….Wuu nuglaadaa oo cabdi iyo shakibaa gala..kolkaas ayuu nacaa kii shalay u diriray, waxuuna gudaha soo gashadaa nin ay col ahaayeen oo beerka u seexday, si uu malafsiga oo badhkiis u muudsado, deedna uu xiliga uu la sugo, uu suldaaro iyo tabco isu raaciyo…deedna uu kaga cararo: “Cadkay dhe..” Waa bilowga burburkiisa…Astaanta ugu horeysa ee jabka kelitaliyahu waa kolka uu garabkiisa daaqo oo uu eryo ragii dhufayska kula jiray, ee uu u gacan haadiyo dhurwa haraad iyo hamuum qaba, hoostana cadho iyo ceel ugu haya. Waa jabkiisii oo uu gacmahiisa ku soo xareeyey.

Aan uga gudbo xaalka manta iyo duruufaha taagan. Waa siyaasad jaahwareersa, oo ku wareegaysa mareeg, kolba halkii aad hore u dhaaftay ku soo laabmayso, hore-u-socod ma leh, yool iyo hiimilo ma leh. Waxa ka maqan xukuumad hogaamisa dalka. Waxay ku mashquushay dumiska garabadii dawladnimo ee ay dhisi lahayd, sida Golayaasha Sharci dejinta, Waaxda Garsoorka iyo Hay’adaha Dhaqaale.

TODDOBAADKAN IYO DHACDOOYIN TAARIIKHI AH

Waxa is yidhi waajibkiina guta oo xaaladaha aloosan wax ka qabta Golaha Wakiilada oo ah hay’adda keliya ee weli sharci ku joogta. Waxaa xusid mudan in Guurtida oon doorasho ku iman iyo Madxtooyaduba waqtii ka dhammaaday loo igmaday inay amaano ahan xilka ummadda u hayaan. Haddaba waxa hor yimid filan-waa iyo tanina ma hadhsanayd. Waa xubnihii loo soo doortay sharci-dejinta iyo la-xisaabtanka Waaxda fulinta ee madaxtooyada iyo wasaaradaha, waxa ay qaar fariimo guracan loo soo guntay, u dhaqmeen sida budhcadda iyagoo kuraas rux iyo tuurisba fadhigii golaha ku baajiyey…waxa ka-daran noqotay..raggii(Weli haween wey inoo dhiman yihiin, inkastoo haweenay golaha joogtay ayna yareysan qaylo iyo gujaba), intay gacanta shirgudoonka warqad rasmi ah oo qaranku leeyahay, ay xoog ka faro maroojiyeen, maamuus la’aanna ay hortooda ku jarjareen uguna dareen kuraas la dul lalmiyo, hanjabaad iyo hiif, ayaa kolkii la yidhi waar aan sida dhalaanka u dulqaadano, oo yeynaan seddex cisho wax ka badan ganaaxin, ayeyba habarwacasho iyo goolaftan bilaabeen. Kaba sii darane, waxa hiil iyo garab u noqday kuwii sharciga loo dhaariyey inay cidda baal marta ku soo dabaalaan..waa ciidankii boliska. Haye. Waa ayaan darro ee xalku guracanaa. Boliska iyo Taliyahiisu hadday noqdaan kuwii Ina Bare ee wedha odaygu wax walba kala weyneyd, sharcina u ahayd, sidee himmiladii loo soo dhintay, loo soo dhawacmay, maal iyo mood loo soo huray loo gaadhayaa?

Waa tabta keliya ee hadhsan ee awoodda dadweyne wax ha laga tuso, iyadoon qori iyo rasaasi dhicin isusoo bax iyo qaylo ha la tuso. Sidaas waxa is-yidhi dhalin danta guud aragtay. Cidi ma abaabulin ee dhalinyarro iyo haween geesinimo wadan jaceyl u raacdo ayaa Golaha isa soo tumay, garab xaq-raac ah ayey noqdeen, dhiirade duqaydi oo yidhaahde “meynu waajibkeena gudano, sowkan odaygu dabar-goostay, sow kan dastuurki noqday xuruuf warqad ku qoran, oon nafci iyo naruuro midna lahayn, sowkan waxuu nahyiyey la xalaaleeyey, waxuu amrayna la xaaraameeyey.”

“La yee odayga hawsha aynu u dhiibanay, hadduu minjihii madax u rogay, maynu albaabka tusno, inayn xilka ummadda aynu wakiilka ka nahay ayaa u dhiibatayee.” La soo dhig mooshin xil-ka qaad. Umey cuntamin qayb wakiilada ka tirsan, oo halka ay sharciga ka daafici lahaayeen, hadday mooshinka qalooc ku arkaana daadafayn lahaayeen ooy tusi lahaayeen waxa ka qaldan iyo halkuu tuurta ka leeyahay, ayey ficilkii dhoorayda la yimaadeen “ oo meynu ka dhooqayno, maan jaahwareer iyo looma-fadhiyaan ridno” Soo dhigi moshin kale oo rag magacooda ku taxan yahay lagu eryaayo Shir-guddoonka Wakiilada waa Cirro, Samaale iyo Baashe.

Magacyada labada mooshin, si aad ula socoto xildhibaankaaga, ood berry ka maalin la xisaabtanto,guji linkan oo kaydka xusuusta gasho.

MOSHINKA LOO MARAAYO SHIR-GUDDOON BEDELKA

Haddaba waxa la yaab leh in xubnaha moshinka hinaase soo dhigay ay garab mareen asaaska qodobka ay rabaan inay si dadban ugu sii maraan hadafkooda ah inay shirguddoonka eryayaan. Moshinkani waa mid aan soconayn sababo sharci awgood ooy ugu muhiim san yihiin:

1- Waxa isku si loo adkeeye oo loo dhigay madaxda seddexda waaxood ee Madaxtooyada, Guurtida iyo Wakiilada in hoggankooda lagu eryi karo cod ah 2/3. Dastuurkuna waa mid uu si isagu xidhaayo qiimaha hawlwadeenadani dalka u leeyihiin iyo in laga foojignaado qaskii ka dhici jiray Golayaasha degaanada ee dhowrkii biloodba nin loo cumaamadim jiray.
2- Tan ka weyni waa mabda’ asaasi ah oon la,aantii sharciyadi jireen. Waa sharci 2/3 ku hirgelaaya, lagamu bedeli karo cod hal dheeri ah. Waayo hadday taasi dhacdo qiimo ma leh qodobka ku salaysan eek u ansaxaaya 2/3, illeyn waxa baa’biin kara sharci ku fula hal dheeri. Taasi waxay waajib ka dhigaysaa in la helo cod 2/3 ah si loo bedelo sharci kasta oo ku fulaaya cod 2/3 ah.

Kolka arrinku sidaas yahay, waxa looga fadhiyaa qaybta sharciga ee golahu inay ka badheedho oo ay waajibkooda gutaan. Waxa se mad-madow geliyey dib-u gurasho iyo tan manta dhacday ee la yidhi La-taliyii sharci ee Wakiilada waxa looga yeedhay Maxkamadda Sare. Maxaa taas meesha keenay? La-taliye waa shaqaale loo qortay aqoontiisa inuu ku kabo socod-siinta hawlaha Wakiilada, ma laha go’aan qaadasho..waa talo bixiye u khaas ah wakiilada. Teeda kale arrin aan weli sooba gaadhin Golahii hawsha lahaa, halkay Maxkamaddu u soo martay? Farogelinta intaas leegi maxay ka dhigaysaa Maxkamadda? Waa mid qiimaheedii lumisay, tuurtay madaxbanaanidii dastuurku siiyey, iskana qaaday sharaftii ummaddu u huwisay. Waxay ahyd inay xilka u deysa wakiilada, iyana sugto kolka xil-ka-qaadku soo maro dhabbada sharcigu dejiyey. Wax walba filo. Dhinaca kale ma laga yaabaa in labada garyaqaan is-aragoodu kheyr ku dhammaado, ooy daafaca xaqqa isku qanciyaan iyo danta qaranka! Waa suuragal.

Xubnaha wakiiladana aan xusuusiyo, inay yihiin wakiilo shacbiga matala, loona doortay sharci dejin iyo la-xisaabtanka fulinta. Ma aha kolka arrinku joogo sharciyada iyo dastuurka iyo masiirka ummadda inay xisbi iyo reer iyo qoys iyo saaxiibnimo eegaan. Shacbiga soo doortay wey arkaan, sharaf iyo maamuusna waxay ku leeyihiin sida ay hawsha qaranka u fuliyaan. Daafaca xisbi ee garab marsan danta qaranka iyo sharciyaddu waa gef waana danbi kolka Islaamka loo yimaado, waayo waa gar eexo. Sidoo kale ayaa La-taliyaha, iyo Maxkamadda sare looga fadhiyaa inay awoodda dastuurku siiyey ku dhaqmaan, ogaadaana inay u dhaarteen ilaalinta sharciga iyo daacadnimo ay hawshooda u gutaa. Waa mid dhammaan xil-qaadayaasha meel kasta ooy joogaanba saran.

Waxa se jab ka joogaa, kolka kii cidda sharciga ku gafta soo qaban lahaa, isagii la adeegsado.Waa doorka boliska halka sartu ka qudhuntay..waxa hoggamiya oday weyn oo shaqada askarinimo ka bilaabay xiligii 50naadkii, dunida waa kow Taliye ciidan oo da’daas ah iyo aqoontaas leh. Dambi kuma laha kolkaad si u eegto, oo waxa boliska la qoray xiligii isticmarka oo waajibkiisu ahaa inuu ilaaliyo badhasaabka, intaas ayaa loo tababaray. Waxaan Odayga odhan lahaa inuu ka fakiro culayska hawshu leedahay iyo fulinta looga baahan yahay. Qaadashada shaqo aadan karti iyo itaal u lahayn ood ogtahay, waxay noqonaysaa khiyaamo, hadayna noqonba dambi.Illaahay waxaan uga baryayaa inuu odayga iyo inta ka le ee xilka haysaba tuso dariiqa xaqqa ah, kana yeelo kuwa u gurmada badbaadada dalka, sidoo kale ayaan u rajeynayaa dhammaan min Madaxtooyo, Maxkamado, Wakiilo, Guurti, Bolis iyo Ciidanka kaleba inay noqdaan dar ku soo laabta sharciyada.

Shacbigana aan idhahdo indheha iyo dhegahaba fura, xaqqa garab gala, kan qaldan soo waaniya, inteydaan garabka soo qaban, qas iyo qalalaase adoon ku dhaqaaqin, isu diyaari inaad xaadho dhabbadii aad u mari lahayd inaad CODKAAGA KU CIIL BAXDO. Kaad doortay ee kaa danaystay tuur, tus in xilku ahaa ammaano aad u dhiibatay, kii fashilaana uu badda ka cabi doono, ku dhiiro inaad hoggaanka qaranka ka dhigto mid uu qabto ka aad doorataa, kuna socdo dastuurkaga. Ka dhig xukuumaddu mid adiga kuu shaqaysa, ogow adigaa biiliya. Sanku neefle reer Soomaliland ah, amba aan ahayn oo dalka jooga ma jiro oon lacag si joogta ah u siin inta xilka inoo haysa madaxweyne ilaa askari, karaani iyo agaasime. Waa cashuurta sida tooska lagaga qaado iyo sida dadban tan sharciga lagu burburiyaa..”Waa la mustafeeyey…waa dhaameel..faro aan dufan lahayn wax ma duugaan..waa hawl fududeyn” ereyadaas waxa dhaqan galiyaa waa beesadaha laga soo uruuriyey islaanta tamaadhada dhulka la fadhida ee ciiddu gogal u tahay cadceedna aan hadh ka haysan.

Xaqqa ayaa guulaysan ee samirkeed iyo niyad wanag aan la nimaadno.

Mahad oo dhan ALLAH leh

Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: