DALKAYGU WACANAA DADKIISU WANAAGSANAA DAWLADIISU WEECSANAA CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII (35)


Mahad Allaa leh, ILaaha i nabad geeyey dalkii aan muddada dheer ka maqnaa, dal ruuxaygu joogay oo aanan saacadna ka fikir la’aan, dad qalbigeygu la joogay. Waxaan ahaa qof ruux iyo jidhku kala maqanaa. Waxaan noqday qof dhan oo taabtay nolasha dhabta ah ee dadkeyga. Wax cusub ma arag oo dharaar iyo habeenba waan la socday dhib iyo dheef, barwaaqo iyo abaar omas ah, waan la qaybsanaayey dhacdooyinka farxad iyo murugu isagu jira. Intaan ogaa oon waxba ugu kordhin ayaan haddana si dhab ah u taabtay.
Waan ogaa samirka, nabad jaceylka, wax wada cunka dadkeyga, waan ogaa shaqo la’aanta, danyarta darxumeysan, dhalinta gidaar jiifka ah, qasriyada madhan ee buulasho hareereeyeen. Waan ogaa quruxda, bilicda, cunta wanaaga huteelada, sooryada guryaha. Waan ogaa in bilicda Maansoor ay agtaal buulasha hortiisa ah. Waan ogaa dadkeyga ku darxumeysan state house iyo dhammaan guryaha bacaha ka sameysan ee aqal Soomaligu qasrigu u yahay. Waa danyar darxumo u dhammaatya, ma haystaan daryeel noocnaba, caafimaad maa kuu, tacliin macnaheedaba ma yaqaaniin, hoyna waa u bac sumaysan. Waa dad samirkii Ayuub leh. Dedaal kuma yara, daacad wey u dhasheen. Waa se la doorshay. Waxa helay dad ay diir , muuqaal iyo magac wadaagaan, dhiig iyo walaalnimo u dheertay, ooy waliba ay u cumaamadeen, kuna noqday goofanayaal aan halka ay qabsadaan ka gu’in, aan dhergin, aan nixin aan lahayn jidh damqada iyo dareen aadminimo.

Duhurkii Jimcaha 18 Juun waxaan cagaha la helay dhulkii hooyo iyo Berbera. Madaar u eeg meel quruumihii lagu dagaalay waayeyna wax dhadhaba. Waa qolol iska daa rinji eh aan lahayn talbiis, daaqadahu waa gidaar madhan oo weli sugaya in laga dhigo daaqad. Gudaha waxa ka taagan buuq inta ku jirtaa wey ka badantay ita soo degtey. Waa dad ay ka muuqato dayac dhaqaale darro wax yar ayaa madaarka si rasmi ah uga shaqeeya. Waa dad eryanaaya quud maalmeed. Umay iman inay wax boobaan, umey iman inay tuugsadaan oo sharaftuuda u diiday. Waa inay helaan farsamo quud loo helo aan xaraan iyo ceeb xanbaarsanayn. Dhalinta askartu wey taqaan inay baahi keentay. Wey u naxaan oo sharciga ayey jiifiyaan si ay dhalintu u gaadho hadafkooda ayna waxba uga hooseen dhadhamo ay ku qaboojiyaan calool ololeysa. Askarta iyo shaqaalaha ee goobta joogaa, darxumadu kama madhan. Waxa ka muuqda diif iyo nolol engegan. Musharkoodu waa qadhiidh aan kafayn baahiyaha asaasiga ah ee nafleyda. Waxay laftoodu dhowraan in ay wax soo gaadhaan. Waa duul xishood iyo khajilsan, sharaf badan bal se baahi
Waxa laga dhigay mushaharka shaqaalaha madani iyo ciidanba mid yar oo lagu kalifo inay sharciga jabiyaan. Waxa loo fasaxay laaluush, si ay u noqdaan dar u jilca sarkaalka ka sareeya oo isagu musuq kooda ka badan liishaanta. Ninba ninkuu ka sareeyo ka af weyn. Waxa helay ummadii xukuumad nidaamkii dawliga ahaa qulubaa gedidey. Waxay ka dhigtay askartii duul la kireeyo, oo ciddii doontaa kaxaysato. Sharaftii ciidan wey burburtay. Derejo ma leh, dharku waa duug dhowr meelood jidhku ka muuqdo, kabahu waa sandhal hadday isku noocba noqdaan ninka gashani Alle mahadiyo.
Dariiqii cagta saarnay. Waa barwaaqo iyo mahad Alle meel waliba waa cagaar, waxa se wadnaha ku qabanaaya kidhkidh iyo hubaqlayn. Waa jid aan mitirna fayoobeyn, godood iyo bacaad aan karkar lahyn, waa kantaroolada oo calanka sharafta badan kaaramada ka qaaday. Kow kuma qornaa kalmedu tawxeed, dhammaan wey goo’goan-yiihiin. Waa astaan ku tilmaamaysa tamarta xukuumadda, xataa birta kontroolku waa amba mid daxal rudhay oo taabashadeedu cudur tahay, amba waa caleen yar oo la soo jaray. Dariiqa ilaa Hargeysa waa tuulooyin dadku iska-faraxsan yahay bal se nolashooda ay ka muuqato rafaad ay wax badan qabitameen.

Waxay ahayd maalin UDUB ololaynayso. Waxa anigoon Hargeysa gaadhin i horyimid markhaati cad oo fal danbiyeed doorasho ah. Waa baabuurtii xukuumadda gaar ahaan kuwa Dekedda Berbera oo raxanraxan ah uuna hormood u yahay Agaasimaha Guud. Waxa labada dhinac laga tuurayaa jawaano qaad ah, waxa kale oo kolkii aan is-taagnay naloo sheegay inay ilaa xalay lacag qaybinayeen. Waxa amakaag igu riday sida loo qabitimay iyo habacsanaanta ummadda. Waa iska caadi..waxay ka mid tahay ereyada aad wax badan maqlayso. Waxa markiiba maankeygu sajilay cinwanka maqaalkan…Dal wacan, dad wanaagsan iyo xukuumad weecsan. Waxa xukuumaddu ka leexatay marinkii xilkeedu tilmaamaayey. Lacagta danyarta, dibjirka, geeljiraha, adhi-raaca, lo-jirka, dilalka, baalashlaha, caanodiiqda, bacadlaha, biyoolaha, timirlaha, taajirka, shaqaalaha, sheikh, shariif iyo ruux kasta oo dalkan degan iyo mid soo cago-dhigtaba laga qaaday ayaa laga dhigay mid dano gaar ah oo danbi cad ah lagu galo.
Muwaadinku ma oga inuu shilin kasta oo uu wax ku iibsadaa qayb ka mid ihi tahay cashuur. Ma jiro qof nool oo aan cashuurta laga qaadini, waxaana looga qaadaa in loogu shaqeeyo. Laakiin waxay noqotaa mid loo isticmaalo si kale. Waa xukuumad weecsan oo marinkii loo igmaday baal-martay. Lacagta waxa loo adeegsadaa sidii dadka maskaxda looga addoonsan lahaa iyo sifooyin xaaraan ah.
Hargeysa ayaan soo gaadhay anigoo aad u faraxsan inaan dadkeygii ehel, qaraabo iyo asxaaba la kulmo. Jawigu waa wacan yahay. Baabuur iyo dad isku haysta marin yar oo dhagax iyo ciidi ku weheliso, ayaa ah waxa ugu xun ee indhahaaga iyo jidhkaaguba dareemaayo. Kidh-kidh aan kala joogsi lahayn oo beerku ku hiqleynaayo. Wey fiday ooy darafyada dhaaftay, waa la dhisaty qof iyo itaalkii, mid qasri aloosa, mid buul ka hordhista, mid sandaqad dhadhabta. Mansha Alla masaajiddu waa buux, makarafoonka wacdiga diimeed ma yara, haddana dhaqanka dadku waa ka durugsan yahay asluubta suuban. Been dul iyo hoos ah, balan la,aan, markhaati aan sax ahayn, laba-wajinimo, isku-dir, nifaaq la joogtaystay, ooy intaba u sal tahay laaluushka iyo xukuumad weecsan oo marinkii ka luntay.
Bilicda magaaladu waa dhaawac sakaraad ku dhow. Nalku waa teel-teel, nuurkiisu waa daciif, jidad la’aan lumisa waqti badan oo shaqo, dhaqaale badan oo baabuur burbur leh, oo halis dadka dariiqa ay maraan baabuurtu ugu tegtay dhe. Biyo yaraan joogta ah, Hargeysa oo intey leegtay la ogyahay ayaa waxay leedahay biriij keliya oo isku xidha labadeeda daamood. Kii lacagta ilaa caruurta laga guray waa mid aan fari ka qodnayn, kolkaad aragtana aad xusuusan balamadii is-dabo-joogay eey Wasiiradu meel walba ka akhriyeen. Si gaar ah waxaan u xusuustaa Wasiirka Hawlaha Guud oo ku baaqay inay Wasaarad ahaan dhammayn doonaan intaan sanadkii hore dhammaan.
Inagoon soo koobi Karin dareenkeyga farxadda iyo murugada isagu jira bal se ay farxaddu u badantay dhinaca shacbiga, anigoon idinka waramin dadka ku dhibaataysan state-house iyo meelo kale oo la mid ah, aan u jeesto dardaan iyo nuxurka weedhayda. Waxa muuqata in dadka maskaxda laga addonsaday., oo kuwa ugu dhibatada badani yihiin kuwa loo adeegsanaayo joogtaynta dhibta haysata. Waa dad u dhiibaaya mindidii lagu qali lahaa kii qalaayey..
Aan qodobo kooban ku gudbiyo fariin muhiim ah;
1. Miyaad jeceshay inaad cimrigaaga ku noolaato, ku dhasho ood ku barbaariso ubadkaaga buul bac ah, nolosha reer State-house ma tahay mid ay rabaan inay wax ka badalaan. Ma tahay wax habboon inaad mustaqbalkaaga siisato qadhiidh iyo quud maalmeed.
2. Haddaad tahay dhalinyaro shaqo la’ ma rabtaa inaad ka korto baryo, qadoodi iyo silica an rajo lahayn
3. Haddaad waxbaratay, ma rabtaa in la tixgeliyo aqoontaada, sinnaan iyo cadaalad lagugu shaqaaleeyo. Rajo-xumida badaha saaxiibadaa ku dhinteen ma rabtaa inaad ka badbaado.
4. Shaqaale dawladeed haddaad tahay, ma rabtaa inaad maskaxdaada u madaxbanaanaatid, inaad adiguu fikirkaaga u xor ah shaqada dawladdana haysid. Ma rabtaa inaad hesho mushahar kaaga filnaada duliga iyo dambiga laaluushka. Ma rabtaa inaad soo ceshoto karaamadada iyo tan qoyskaaga. Ma rabtaa inaad mushaharkaaga heshid xiligeeda.
5. Haddaad Bolis tahay amba Ciidanka ma rabtaa sharaf iyo maamuuskii ciidan lahaa, derejo garbaha kuu sudhan, direes bilicsan, badhan iyo kabo baalashaysan oo kolkaad laafyooto dhalintu ku daawato. Ma rabtaa mushahar kaa xoreeya in sida mihnadaha xun laguu kireysto.Sarkaal iyo askar leh xarumo lagu barbaariyo ubadkooda iyo agoontooda, lagu daryeelo caafimaadkooda.
6. Haddaad tahay ganacsade taajir weyn ah, bacadle iyo mid bacaad fadhiyaba, ma rabtaa ganacsi xor ah oon takoor lahayn, ma rabtaa cashuurta lagaa qaado oo dalka wax loogu qabto, adigoo hela jidad laamiyeysan, biyo aan gu’in, dhakhtaro casri ah, iyo waxbarsho ubadkaagu ka haqab beelaan.
7. Intaasba waxa ka weyn, ma rabtaa cadaalad, xoriyad af iyo mid dhaqdhaqaaq ah. Inaan xadhig iyo hanjabaad midna laguula iman muwaadin, inaan cidi ku xidhi Karin, albaabka gurigaagana lala bixi Karin, ma rabtaa in la baa’biiyo xukunka degdega ah iyo dulmigiisa. Ma rabtaa saxaafad xor ah oo idaacad iyo TV leh dalkoo dhan gaadha.
Intaas oo dhan waxaad ku gaadhi waa adiguu CODKAAGA KU CIIL BAXA. Waa adigoo Xukuumadda weecsan ku bedela xukuumad kuu adeegta. Diid laaluushka mustaqbalkaaga lagu iibsanaayo. Diid inaad kaadhka aqoonsigaaga ee muujinaaya jinsiyadaada iyo nasabkaaga inaad iibiso. U kac oo u codee KULMIYE…KUNNA UU KU SIINE AHOW KULMIYE..SIDAAD U GAADHO MUSTAQBAL IFAAYA.
Masiirka ummadda weeyee codkaaga ha khasaarin, ha la seexan, ha siin CID AAN SOO BAXAYN, oo ha soo saarin CIDDAAD KA CARARTAY…CODKA KHASAARAA WAA MID TAAGEERO U AH UDUB IYO DULMI JOOGTA AH.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: