Ismaaciil Buubaa oo ka hadlay Isbeddelka dalka ka dhacay & waxyaabaha looga baahanyay M/weynaha la doortay


Nairobi,(Nnn)- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa markii u horaysay ka hadlay natiijada doorashada Komishanka Doorashooyinka Somaliland soosaaray iyo guusha xisbiga KULMIYE ee doorashadii Madaxtinimada.
Ismaaciil Buubaa oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi waraysi siiyay Wargeyska Ogaal, waxa uu talooyin muhiim ah u jeediyay Madaxweynaha la doortay oo uu guushiisa ugu hambalyeeyay. Waraysigaas oo uu kaga hadlay waxyaabaha looga baahan yahay hoggaanka cusub iyo xukuumaddiisa, meelaha Somaliland ka jilicsan tahay ee waxka qabashooda laga sugayo, waxa uu ka tilmaami karo Axmed-Siilaanyo oo ay ururkii SNM ka wada tirsanaayeen iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;
S: Ismaaciil, sideed u aragtaa natiijada Komishanka Doorashooyinka Somaliland ay soo saareen doorashadii ka dib?
J: Natiijada ay soo saareen runtii waa mid si wayn loo soo agaasimay, xaqiiqadiina doorashadii meesha ka dhacday ka sheegay, shaqo wanaagsan bay runtii Komishanku ay qabteen.
S: Sideed u aragtaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee la doortay?
J: Runtii waan hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkaba, waxaanan filayaa sidii loo maamulayey muddo dhawr iyo toban sanadood ah Somaliland in si ka duwan uu hogaankan cusubi u maamulo, runtiina saaro culayska meelaha dalku u baahan yahay in wax looga qabto oo waynu ogsoonahay ilaa maalintii lagu dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland ilaa maanta wax suurogal u noqday dalka horumarkiisa way yaraayeen, waxayna ila tahay inuu halkaa saari doono culayska.
S: Si gaar ah haddaad u taabato waxyaabaha ay yaraayeen suurtagalnimadooda wax qabasho maxaa ka mid ah?
J: Dhinaca dhaqaalaha wax alla wax laga qabtay ma jiro, Somaliland waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhaqaaluhu ku kobci karaa waxa weeyaan; dhisida kaabayaasha sida wadooyinka, dekedaha, madaarada, isgaadhsiinta, waayo Somaliland waxay ku taalaa meel muhiim oo dhinaca ganacsiga magaalada Berbera iyo magaalooyin kale oo fara badani oo xeebta ku yaalaa ay waxyaabo badan u tari karaan, haddiise magaalooyinkaas ay go’doon yihiin oo aanay waddooyin jirin, biyo jirin, koronto jirin waxay ila tahay way yaraanaysaa in iqtisaadka wadanku isbedelo. Markaa waxay ila tahay in dawladdu culayska saarto waxa la yidhaahdo dhisme-hoosaadka, waayo waynu ognahay wadooyinku waa sidii nidaamkii hore ee Siyaad Barre kaga tagay, dhinaca dekedaha waxa laga qabtay way yar yihiin, iyadoo aad moodo cida keliya ee dalka wax ka qabatay inay tahay hay’adda UNDP iyo hay’adaha kale ee UN-ka ee in dadka la quudiyo oo keliya ay shaqadoodu tahay, laakiin dhinicii horumarku uu guud ahaan ka maqnaa meesha.
S: Prof Ismaaciil, adigu shaqsiyan ma u soo hambalyeysay Madaxweynaha la doortay?
J: Wallaahi, anigoo isticmaalaya jaaniska aad imika isiiseen ee waraysigan, aad iyo aad baan u jecelahay inaan u gudbniyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka la doortay in insha alla Illaahay xilkaa ku gacan qabto, aadna waan ugu tahniyadaynayaa.
S: Markaa waxay ka dhigan tahay inaanad toos ula soo xidhiidhin?
J: Haa, toos ulamaan soo xidhiidhin, waayo waad iska garan kartaa way adag tahayba imika sida loo heli karaaba, markaa halkan baan uga hambalyeynayaa, waanan soo dhawaynayaa doorashadiisaa.
S: Maxaad isleedahay caqabado ahaan Xukuumaddan cusub way ka hor iman karaan?
J: Caqabado fara badan baa ka hor iman kara, dhinaca siyaasadda mandaqada, hadday tahay dariiqii aad iyo aadka u koobnaa ee aan ahayn inay noqoto Somaliland wadan ka ciyaari kara isbedelka gudihiisa iyo mandaqaduu ku nool yahayba oo wuxuu ka shaqeeyaa ay tahay keliya in lagu tuntuunsado amnigu inaanu faraha ka bixin, waxay ila tahay wax badan u hagaagi maayaan. Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay in dhibaatooyin fara badan oo Somaliland dhex yaala ama mandaqadaba waa lagama maarmaan in dawladda hadda la sameeyay inay arrintaa si wanaagsan ugu babac dhigto oo ay wax ka qabato, taasaa ay wax ugu tari doonta dadka Somaliland jooga, dadyawga faraha badan ee mandaqadana wax ugu tari doontaa.
S: Dhinaca arrimaha dibada markaad eegto, ma isleedahay xukuumadda cusubi way ka duwanaan doontaa tii hore oo icitiraaf way keeni kartaa?
J: Horta, kolay ninka laga yaabo inuu wasiirka Khaarajiga noqdo waa nin aad iyo aad mutacalin u ah oo aanan kartidiisa dhayalsanayn, waa nin wax wayn qaban kara, haddii loo dhiibo ninkii KULMIYE u ahaan jiray Xoghayaha arrimaha dibada, waxay ila tahay shaqooyin fara badan inuu qaban karo. Laakiin, runtii arrintaa Ictiraafka iyo horumarinta Somaliland aniga waxay ila tahay inaanay ku xidhnayn wasaarada Arrimaha dibada, balse ay ku xidhan tahay wasaaradaha ganacsiga iyo Daakhiliga, Ictiraafka la raadinayaana aanu ahayn mid yaala dawladdo dibada ah ee mid dhexyaala dadka Soomaalida. Markaa wasiirka Daakhiligu siduu u shaqeeyo ee uu wadanka nabadgelyo uga dhaliyo ee uu dadyawga kale ee Soomaalida ah ee tabaalaysan uu u noqdo mid soo dhaweeya oo wax la qabta ayuu ictiraafku ku iman doonaa, anigu uma arko mid yaala dibada ee waa mid yaala Soomaali dhexdeeda. Ta labaad, cidda qabata wasiirka Ganacsiga waxay ila tahay arrin aad iyo aad u muhiim ah oo maanta dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin ee ku daadsan Imaaraadka, Kenya ku daadsan ee Jabuuti ku daadsan, waxa loo baahan yahay siyaasad dhaqaale oo isu soo ururisa oo dadka isu keenta oo Somaliland noqoto meeshii dhaqaalaha Soomaalidu ku kulmi lahaa, taas iyo ictioraafkuna iska hor iman maayaan ayey aniga ila tahay. Markaa waxay ila tahay inay taasi aad u dedejin doonto waxyaabo fara badan, markaa xaga dhaqaalaha iyo amniga oo loo arko amniga Somaliland sidii uu geyiga kale ee Soomaalida ugu fidi lahaa dadka Soomaalida ee tabaalaysana wax laga qaban lahaa, aniga waxay ila tahay dhinacaasuu ka iman doonaa isbadel xoogan haddii culayska la saaro.
S: Adiga maadaama aad Axmed-Siilaanyo SNM wada ahaydeen, maxaad ka tilmaami lahayd hogaamintiisa?
J: WallaahI Axmed Maxamed Siilaanyo waa nin karti u leh dhinaca maaraynta, dunidana waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay waa maaraynta. Waxa kale oo iyaguna maanta hogaamin culus u baahan dhibaatooyinka wadanka yaala sidii iyadoo la isku duuban yahay loo waajihi lahaa inuu ka shaqeeyo weeyaan. Markaa aniga waxay ila tahay arrimo fara badan oo noocaas ah hadday tahay tacliin ama khibrad ama Somaliland la soo jaan-qaadkeeda ilaa maalintii nidaamkii hore uu dhacay ilaa maanta waxay ila tahay Madaxweynaha la doortay inuu ku soo biirin karo oo uu wax ka qabto.
S: Ugu dambayntii maxaad kula talin lahayd hogaanka cusub ee la doortay?
J: Hogaanka cusub ee la doortay waxaan kula talin lahaa inuu si degan oo dadka isu soo dhaweysa uu maamulkiisu u dhaqmo, in xorriyada dadka dhinaca Saxaafadda ha noqoto ama dadkan la iska qabqabsanayo ee iyadoon Maxkamad la gayn la xidhxidhayo ha noqotee, ummada xor ah baa horumari karta, laakiin umad jeedal lala daba taagan yahay oo xadhig iyo dhibaato lala daba taagan yahay waligeed waxba qabsan kari mayso. Markaa aniga tayda ugu wayn ee aan ku talin lahaa arintaa ku saabsan waxa weeye, dhinaca waxa la yidhaahdo horumarka dhaqaalaha, horumarka siyaasadu waxay ku xidhan yihiin horumarka bani’aadamka ee la maamulayo ee arrimihiisa la maaraynayo xornimadiisa si loo ilaaliyo.
Courtesy: OGAAL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: