WARAYSI: (Xeebta Jaziira) Nin habeenkaas la qabtay laakiin laga soo reebay intii dadka aan loo qaadin dhinaca xeebta


Hargeysa, (Nnn)- Maanta waxay ku beegantahay sanadguuradii 19aad ee ka soo wareegtay habeenkii murugada badnayd ee 17kii July 1989 xeebta Jasiira ee magalaada muqdisho lagu xasuuqay 46 nin oo reer Somaliland ahaa oo habeenkaas iyagoo hurda saqdhexe guryahooga lagala baxay iyagoon wax denbi ah gelin laakiin loo xasuuqay isir ahaan halkay ka soo jeedeen.
Hadaba waxaa dhawr sano ka hor SDWO uu waraysi ka qaaday Gaashaanle Sare Canjeex oo dadaafeeyay inuu xasuuqaas ka danbeeyay. Hadaba waxa maanta xuska xasuuqii jasiira noo suurtogashay inaan warysi gaar ah le yeelano Adan Axmed Cabdi (dery) oo hada ku nool UK, oo habeenkaas ku jiray dadkii guryaha lagala baxay hase yeeshee wakhtigiisa oo aan dhamaan uu nin ay jaar ahaayeen ka reebay in la kaxeeyo. Waraysigan oo uu qaaday Guled Abdi Sheekhaash wuxuu u dhacay sidan:

Su,aal: Habeenkii Murugada Badnaa ee xasuuqii Jasiira halkeed kaga sugnayd magaalada Muqdisho, goormaadse ka warheshay in la raafayo ama la qaqabanayo dadkii dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland?

Jawaab: Habeenkaa ragga lagurayey waxaan ku sugnaa xaafada (Buula-xuubey) weliba dhinaca villa baydhabo, wadadayaduna waxay ahayd halkii dadka ugu badan lagala baxay sagaalkii inan ee isku guriga ahaa ee afar walaalaha ahaayeen oo alle ha u naxariitee ahaa rag aanu aad saaxiib u ahayn.


Su’aal: Dadku xasuuqaas waxay ku eedeeyaan inuu ka danbeeyay Gaashaanle Sare Canjeex oo SDWO waraysi ay la yeelatay uun ku beeniyay jirtaanka eedeemaha loo soo jeediyo, isla markaasna sheegayna inaanu wax shaqo ah ku lahayn, Maxaad adigu ku cadayn kartaa inuu ninkaasi watay ciidankii xasuuqa geystay?

Jawaab: Wax lawada ogaa bay ahayd oo aan nina ka qarsoonayn anigaaba habeenkaas guriga la igala baxay oo la iga sii siidaayey Canjeex

Aadan Axmed Cabdi (Deyr)

Su,aal: Sidee baad ku aqoonsatay inuu Canjeex yahay ninka ciidanka watay, mise wejigiisaa ayaad hore u taqaanay, mise isagoo magaciisa loogu yeedhayo ayaad maqlaysay habeenkaas?

Jawaab: Ninikii iga sii daayey markii guriga lagigala soo baxay ayaa ku yidhi waar ina walidow waar canjeexoow inanka abtaan u ahaye siidaaya

Su,aal: Wiilkii ka badbaaday habeenkaasi wuxuu sheegay inuu ciidanka watay canjeex, arinkaasina waxa dadaafeeyey Canjeex oo yidhi habeen madow siduu igu aqoonsan karaa, maxaad adigu doodaas canjeex kaga jawaabilahayd?

Jawaab: Waxaan kaga jawaabilahaa canjeexow aniga iyo adiga iyo illaah way is ogyihiin-raganimadaad habeenkaa ku laysay raga iminkana ku qiro

Su,aal: Maxaa dhacay Habeenkaas bal warbixin yar naga sii, sidey wax u bilaabmeen waxaad ka ogeyd?

Jawaab: Illaah baa mahadleh’ waxay walaal kubilaabatay habeenkaa anagoo badan oo ilaa -9 dhalinyaro ah ayaanu makhaayad kasoo kacnay dabadeedna inamadii waxay yidhaahdeen dumnad baanu ciyaaraynaa oo waxaygaleen guriga nagasoo horjeeda, guri xaga bidix ka xiga reer ahaa mareexaan, inankooduna wuxuu noqday koofiyad castii waxaana la joogey inan bah-dhulbahante ahaa oo la odhan jirey Faysal Adhi-Carbeed iyo inan aanu aad saaxiib u ahayn oo majeerteena ah lana yidhaahdo Najiib Raaqow- nin aad u kala yaqaan buu ahaa saraakiish iyo madaxda oo aad baanu uga sheekeysan jirney, wuxuu kaloo aad u yaqaaney sarkaal waliba halkuu joogo. Waaberigii ayuu noo yimi najiib iyo inankii koofiyadcasta ahaaba waxayna nagu yidhaahdee ragii idiin soo galay waxay ahaayeen Canjeex iyo ina Walad oo Cimraan ahaa runtii ninkaa Cimraan waa ragii na loo sheegay waana ninkuu dhagarqabe CANJEEX waraysiga ku sheegay laakiin wax cusub may ahayn oo illaah wuxuu igu ogyahay inaanu waaberigiiba ogeyn ninku inuu cimraan ahaa lasocdey CANJEEX.

Waxa kale oo loo galay habeenkaa nin la odhanjirey QOORGAAB oo isagu guriga nagasoo horjeeda deganaa wuxuuna ahaa sarkaal sirdoon ahaa oo reer-weyd ahaa oo aad ula shqaynjirey ismaacil cali abokor oo inta laxidhay markii lasoo daayey buulka laga dhigay, gurigiisa way galeen habeenkaas, inamo ii adeer iyo abti ahina gurigaa ayay deganaayeen laakiin qoorgaab iyo ragii ciidanka watay ayaa isgartay, kadina albaabkiisaba maydhaafin oo way ka soo baxeen. Qoorgaab wuxu ahaa nin geesi ah oo aad u feejigan.

Su,aal: Adigu sideed uga badbaaday inaan lagu qaban mar hadii aad ciidamadii is aragteen ururinayey dadkii la soo xasuuqayey?

Jawaab: Waxaan walaal uga badbaaday markay noo soo galeen nin baanu aad isu jikaarnay guriga dhexdiisa waayo waxaan aad uga baqayey guriga rasaas baa taaley laakiin meel ay ka taalo ayaanan garanayn inankii garanayeyna habeenkaa muu joogin, markuu jikaarkayagii batay ee ay dhameeyeen ayuu igu yidhi intuu qoriga laabta igaga dhiftay soo bax waryaa, xiligaas go-yarbaan guntanaa, dabadeed waan raacay markaasay hooyo kutidhi waar inanka yar saad leedahay waxuu yadhi geedkan geed qadhaadh waaye – waa kelmada siduu u isitcmaalaye, xiligaas ninka cibraan (ina walid) wuu nala joogaa laakiin muu hadlayn.

Banaanka markii aanu u soo baxnay ayaa ninkii qoorgaab ee aanu jaarka ahayn deg-deg u furay albaabka oo ku yidhi waar canjeexow, waar ina waladow inanka abtaan u ahaye sii daaya, Canjeex ninkuu lahaa baa kuyidhi waryaa Qoorgaab kagal gurigaaga, markaas wadadu way buuxday askari iyo qori miidhan bay ahayd, waxay mar qudha kuwada yidhaah deen waryaa qoorgaab gal gurigaaga, markaasuu ina walad oo dhinacayga taagnaa looto iyo feedh iskukaywada raaciyey, bahal xooguu ahaayoo dhulkuu iigu ridey markiiba, markaasuu laad igu kiciyey xagii albaabka guriga ayuu ii tukhuntukheyey isagoo leh gal gurigaaga kadibna waxaan kudhacay albaabkii weynaa ee guriga sidaasaan gurigii dib ugu galay’

Su,aal: 47kii qof ee xeebta loo qaaday sidaan ka warqabno wax qudha oo ka badbaaday Cumar Muuse, ninkaas marna wax xidhiidh ah ma la yeelatay, mise ogtahay meel lagala xidhiidhi karo hadda?

Jawaab: Waalaal lamaan xidhiidhin runtiina garanmaayo meel uu iminka ku suganyahay


Su,aal: Maxaad ka ogtahay nimanka uu canjeex sheegay inay habeenkaas joogeen sida uu yidhi waa in iyaga wax laga weeydiiyaa sida, Maxamed Cabdilaahi Buraale(ina wilad) oo markaa ahaa taliyaha hawlgelinta guudtada labaad ee tawaangida iyo Gaashaanle Sare Cabdi Hirre Guhaad oo canjeex sheegay inuu joogay goobtii uu amarku ka soo baxay iyo Sedex xadhigle Maxamuud Afrax Shunuunac?

Jawaab: Horta illaah baa iga sareeye ninkii layga reebikari waayey wuxuu ahaa nin sadex xadhigle ha oo dheer oo madow laakiin ma aan maqal mgaciisa

Su,aal: Canjeex wuxuu sheegay ragii habeenkaas ciidanka watay inay ahaayeen Gaashaanle Sare Dhegobacayr iyo Taliyahii Koofiyad Casta -Diiriye Xirsi, Raggan ma aragtay habeenkaas mise maqashay inay habeenkaas ciidanka xasuuqa geystay ay wateen?

Jawaab: Walaal ragan uu dhagar qabuhu sheegay warkooda mahayo laakiin arinkii habeenkaa dhacay wuxuu kadhacay ilaa sadex wado oo qudha. runtiina wax ciidamo iyo saraakiil aad u badan u baahnaa may ahayn, ragii wadooyinkaa lagu arkayeyna ragaas uunbay ahaayeen

Su,aal: Goormaad ogaatay adigu shaqsi ahaan in ragii la xasuuqay?

Jawaab: Waxaanu walaal ogaaney inragii lala baxay jazeera lala tegey oo lagu xasuuqay goobtaa duhurkii markii inankii isagoo dhawac ah ee ka badbaaday xasuuqa uu kasoo baxay ayuu xaafada ku soo horeeyey markaasay baroortu is qabsatay.

Su,aal: Adigu miyaad aragtay inankaas soo badbaaday markuu xaafada yimid, gurigii lagala baxay se intuu u jiray gurigiinii?

Jawaab:Anigu inanka ismaanan arag inanka wadada nagu xigta ayaana lagala baxay hase yeeshee markuu gurigooda yimi ayaa markiiba deg-deg lagaga saaray oo dhinaca kaasa-balbalaadhe ayaa loo qaaday laakiin wuxuu war hayey dumarkii guriga joogay buu usheegay in ragii la-laayey sidaasuuna warku isuwada qabsaday markiiba kadibna waxaanu ku wareegnay guryihii lagala baxay inamada oo badankoodu aan ogeyn in la xasuuqay inamadoodii xalay la qafaashey .

Su,aal: Xasuuqii ka dib markii duhurkii 18ka July laga warhelay wixii xalay dhacay, hadaad ahaydeen dadkii la ugaadhsanayey ee ka soo jeeday Somaliland cabsi intii leeg baa idin soo food saartay in tii xalay dhacaday oo kale ay halkeedii ka sii socoto oo caawana guryaha dadka lagala baxo?

Jawaab: Ruuntii walaal ragu meyd socduu ahaa wer-werkaa aad noogu weyni wuxuu ahaa sidii dumarka iyo caruurta looga saari lahaa, laakiin alle wauxuu nagu ogaa inaan wax baqdin ahi aanay nagelin laakiin wer-wer aad u weynbaa nahaystey, guryihii aanu kujireyna kamaanan bixin laakiin waxaanu joojiney kubadii aanu ciyaarijirney, habeenkiina waanusoo jeedi jirey.

Su,aal: Adiga shaqsi ahaan maadama aad arkaysay dadkii habeenkaas la ururiyey, imikana aan midi dib uga soo laabaan, jawigaagu siduu ahaa habeenadii danbe, ma ka se dheeraatay goobtii hore ee dadka laga ururiyey?

Jawaab: Walaal shaqsiyan aniga dhaawac weyn bay runtii ee iigeysatay anigu markaa waxaan ahaa -13jir ragan walaal la-laayey waa ragii aanu tolka ahayn axsaabta ahayn inamadii 9 ka ahaa jimce walba waxaanu tegijirey halkaa markii danbe lagu laayey ee xeebta jasiira. Xasuuqii baana iigu dambaysey kubad aan ciyaaro waayo niyad ahaan runtii meydbaan ahaa laakiin halkii kamaan tegin gurigiina habeen walba waan seexanjirey.

Su,aal: Goormaad ka soo baxday Muqdisho, sideed se uga soo baxday, xageed se timid?

Jawaab: Waxaan ka soobaxay muqdisho sanadkaa 1989kii bishii October waxaanan imi dalka Qatar-Dooxa, hadana waxaan deganahay UK

Su,aal: Sideed dareentay Markaad maqashay ama aad aragtay waraysigii uu bixiyey Canjeex ee uu ku sheegay inaanu wax shaqo ah ku lahayn xasuuqaas?

Jawaab: Walaahi walaal markaan arkay ee aan daawaday canjeexoo leh aniga muu ahayn ninkii ragaa xasuuqay ee weliba nin somalilander ahi waraysanayo waan ooyey wayna itaabatay waayo anigiyo canjeex markii layga siidayey ilaahay uun baa noo dhexeeyey.

Su,aal: Maxaad dareentaa markaad soo xasuusato habeenkaas iyo xasuuqaasi, gaar ahaan marka aad saxaafadaha ku aragto xuska habeenkaas lagaga sheekeeyo wixii dhacay?
Jawaab: Waxaan dareema murugo iyo ciil waxayna igu noqotaa inaan aamusnado in mudo ah waxaanan uga sheekeeyaa caruurtayda wixii habeenka dhacay si aanay iyaguna weligood u ilaabin taariikhda, waxaanan diyaar u ahay hawlgal walba oo dhagarqabe Canjeex sharci loo horgeyn lahaa sikastaba ha ahaatee weliba anigu aan hormuud ka noqon lahaa.
Courtesy: SDWO

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: