WARQAD FURAN oo Kusocota M/weynenaha JSL


M/weyne Anigoo Sharciga hortiisa Shirkadda TOTAL kaga heli kara xuquuqdaydii fulineed Ma Aha in Kolba Cid aan Ka Baryo COMPUTER iyo in Khayrkay aan Gacanta Hoos Dhigto Anigoo Ah Muwadin–Jaamici–Garyaqan(Lawyer), Horena U Ahaan Jiray Sarkaal Dawladda JSL u shaqeeya iskiina uga tegay sababo Mushahar yari awgeed (Eeg WGW/AG/14/121-12/06/04 ee 12/06/04). Attached here
(Fiiro gaara: M/weyne Saacadaydii iyo Moobilkaygii ayaan usoo rahmay Diyaarinta Qoraalkan manta aan kugula hadlayo awgeed [internet Café u dhow Macmacaanlaha Idacadda Aadan Siiro)
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIMI
Ugu Horayn, Waxaa Mahad Leh Illaaha Ged-Gediya Quluubta Dadka Iyo Axwaashaba (Xaaladaha) Ee Maalinba Cid U Dhiiba Xilka, Waxaa Mahad Leh Illaaha Nagu Addoonsaday In Madaxdayada Ku Adeecno Wixii Macruuf Ah Iyo In Waalidiintayada Aanu U Samafalno, Illaahas Oo Ah Illaaha Rabbil Caalimiinta Ah. Mahad Illaahay Ka Dib:-

Mudane M/weyne, weli maan arag M/weyne Muwaadinimadayda JSL igu tixgeliya oo aniga idanaynaya oo kana Damqada Dhibta igaadhay, Mid dhankiisa la iiga soo dhaco mooyee, oo Danaynaya, Metelaya(Represent) una doodaya Shirkadda TOTAL/MEG mooyee!!? Waxa xaqiiq ah in Shirkadda TOTAL ay tahay mid iga jeeb weyn dhaqaal ahaan, aniguna aan ahay muwaadin danyar ah oo dhaqaale xumo ay hayso, taasina waa farqiga noo dhexeeya aniga iyo Shirkadda TOTAL ee xadidayey inta aanu u jirno M/weynaha JSL!!? Albaabka M/weynuhu wuxu u furnaa Shirkadda TOTAL taasoo ku hanatay jeebkeeda. Weli may dhicin in M/weyneyaashii adiga kaa horeyey aan u kaxaysto Odayaashayda iyo madaxda Dawladda ee kasoo jeeda Qabiilkayga, sidoo kalena M/weyne adigana kuu soo kaxaysan maayo, Muwaadinimo ayaan adeegsanayaa. Marka ay Dawladi jirto Qofka Dawladdiisa ayaa ka Masuul ah ilaalintiisa iyo u doodistiisaba, marka aanay jirina Qabiilkiisa ayaa leh gudashada Masuuliyaddaas!!? Aniga iyo Shirkadda TOTAL waxaa jira albaab naga wada dhexeeya oo cidwalba u furan (Equal Access) oo ah Maxkamadaha Sharciga ah!!? M/weyne TOTAL Jeebkeeda ayaa Kursga gaadhsiiya laakiin aniga Sharciga ayaa isiiyey dariiq aan ku cabbiro oo bulshaday aan ku gaadhsiiyo dhibta I haysata Sida ku cad Qod: 32(3) ee dastuurka JSL. Markaa Saxaafaddu waa Albaabka aan kala xidhiidho Madaxweyneyaashayda, Runtiina “Haddii Aanay Jiri Lahayn Saxaafadda(W/Bahinta) Madaxa Bannaani Waan Qarxi Lahaa!!?” Ma aha weedh si fudud loo odhan laakiin waa mid dareen dhab ah ka soo jeedda!!

M/weyne maanta waa xilligii LA IS-XAQSIIN LAHAA, ee Muwaadinku heli lahaa Madaxweyne isaga metala(Represent) oo codkiisa ku hadla(On Behalf of The Citizen). Haddaba, mudane M/weyne adigoo tixgelinaaya duruufo badan oo ad-adag oo aan soo maraywaxaan si Sharaf, iyo Qaddarinba leh aan kaaga codsanayaa daahid la’aan; 1) In Maamulka Shirkadda TOTAL aad Amartid in ay u Hogaansamaan Sharciga Dalka iyo Awaamiirta Maxkamadaha Dalkan JSL oo Sharciga hortiisa aanu ku kala xaq-qaadano; 2) In Kalsooni Madaxbanani-Gudasho-Shaqo ah aad siisid Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo Kursigan M/weynenimo Ciddii ku fadhiday ayaa hore shaqadooda u haddiday; 3) In Taliyaha Booliska JSL aad Amar ku siisid in uu u Hogaansamo Fulinta Awaamiirta Maxkamadda Sare ee JSL iyo kuwa Maxkamadaha kale ee dalka JSL, waayo Mar kasta oo Maxkamadda Sare ay Gacanteeda ku Fuliso Xuquuqdayda lidka ku Shirkadda TOTAL ee ay sidaas Amar ku siiso Taliyaha Booliska ayaa ka dhego adaygi jiray fulinta Awaamiirtaas isagoo taliyuhu qaata Amar ka dambe (ee ah Un-Lawful Order) ee Madaxweynaha JSL uu bixiyo, markaasna halkaasbay ku hakataa helitaanka xuquuqdaydu. Sababtuna waxay tahay Garsooreyaasha Maxkamaduhu gacantooda wax kuma soo qabtaan ee waxa gacmaha Sharciga ah oo ay adeegsadaan waa Ciidanka Booliska. Markaa Ciidamadamada Booliska JSL waxay yihiin sida “HAL LABA MIDIGOODLE UU DHENGADEEYEY OO DHANNA UMA FAYOOBA!!” waana Nin — Nin u shaqeeya!!?? waayo majiro Sharci ilaalinaya Xuquuqahooda Shaqo, Qeexaya Waajibaadkooda Shaqo iwm oo ka soo baxday Baarlamaanka JSL, markaa waa sida Nin- nin ushaqeeya oo kle, halkay ka ahaan lahaayeen dad dalkooda u shaqeeya!

Sidoo kale, Mudane M/weyne waxaan si Qaddarin iyo Xushmadi ay ku jirto aan kaaga codsanayaa in si dhakhso ah aad u soo Magacdid GARYAQAANKII GUUD EE DAWLADDA DIFAACI LAHAA, si Maxkamadda Sare ee Awoodda Sharciyeed u leh aan uga Furto Dacwad Maamul oo Lid Ku Ah Dawladda JSL oo ah in Magdhaw dhan $ 230, 000 (Laba Boqol iyo Sodon Kun oo Dollar) ay ……….. si waafaqsan Qodobka 97 (1) ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 9aad ee XHM iyo Shuruucaha kale ee laxidhiidhidoona qadiyada dacwaddaas. Magdhawyadaas oo ah Dhibaatooyinkii kala dambeeyey labadii Madaxweyne ee hore ay ii geysteen Marxuum M. I. Cigaal iyo M/weyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay ka mid yihiin labadii goor ee Dawladdu ay sababtay Burburka dhismahayga QOYSNIMO!!??
FIIRO GAARA: DHAMMAAN Dhokumentiyadii la xidhiidhay qadiyan ka akhriso http://www.nasiibnews.co.cc Waayo Qarankani uma taagna inuu DUUDSIYO / DULMIYO XUQUUQDA MUWAADINIINTIISA IYO CID KALE TOONA, isagoo Qaranku taa xaqiijinaya, isla markaana si looga badbaado Xad-gudubyada Maamul-Xumo (Maladministration) ee Madaxda Dalku/Dawladdu u geysanayaan Xuquuqda Aadamaha ayaa wuxuu diyaarsaday Maxkamado ilaaliya Xuquuqahaas oo Garqaadis sameeya, sida ku Cad Qodobka 97aad (1) oo u dhigan sidan “Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u Gar-naqa ka dhaxeeya Dawladda iyo Dadka; iyo Dadka dhexdooda.” Mudane M/weyne, Dacwaddaas dambe dheeraanshaheeda iyo dhakhso u soo af-jarideedu waa mid ku xidhan sida uu ka yeelo kolba cidda Dawladdani ay Madaxweynaha ka Dhigato iyo sida uu wax u qiimeeyo Qiyam ahaan(Values), maadaamaa uu isagu yahay cidda ka madaxda ah (Odayga ah) siwaafaqsan Qodobka 90aad ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan “AWOODAHA MADAXWEYNAHA: “Madaxweynuhu waa Madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana Astaanta Midnimada Muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil¬saaran yahay Daryeelka Haybadda Dalka; ilaalinta Nabadgelyada; Horumarinta Bulshada iyo Hab-sami-u-socodsiinta Maamulka Dawadda.” waayo Dadka dalkani waxay leeyihiin Gobonimo badan oo waxaa jira wax la yidhaahdo “XAAL” oo la xidhiidha la bixiyo marka dhexdooda ay timaado Xad-gudubyo Deel-qaaf ah oo Lacag iyo Xooloba aan ka Qaalisan, oo GARAWSHIIYO-BIXIN ah (Magdhaw Akhlaaqadeed, Damiireed iwm ah) (Moral Remedy). Waxaan ilaaliyey sharafta Qabiilkayga, Sharafta Deegaankayga, Sharafta M/weynahayga, Sharafta Dadkayga iyo ta Dalkaygaba. Waxaan ku sugnaaday waajibaadka ay ina farayaan Qodobadan kala ah Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobka 34aad (2), iyo Qodobka 28aad (1) Xaqa Dacwadda ee Dastuurka JSL. Sidaas darteed xaq baan aniguna ugu leehay in Dadkuna ay ii hadlaan oo xuquuqahayga ay ilaaliyaan, waayo jidh qudhaataanu nahay oo haddii xubini wax noqoto jidhka intiisa kalena ay la damqanayaan.

Mudane M/weyne Adiga iyo Marwadaada Aamina Sh. Maxamuud Jirde (Aamina-Weris) oo keliya maaha Qoysaska sida gaarka ah Dawladdani ay cadaadiska u saartay uguna xadgudubtay xuquuqahooda, dhibtaas aniguba kaala mid baan ahay, oo Qoys ahaanbay Aniga oo ah Maxamed Xasan siciid iyo Eedaday SHUUN SICIID CILMI (INA SALLI-DHIGE) Eedaday aamina Weris Horteed ayey isla Booskaas Hay’adda CARE INTERNATIONAL ee ah Team-Leader-ka Xafiiska Hargeysa ay tartan imtixaan u galeen dad 250 Qof ah, eedaday baa ku guulaysatay booskii, markii ilaa xaruntooda Dalka Markaykanka ee Hay’addaasi ay ka soo hambalyeysay ayaa, isla markaana Baasaboorkeeda ay diyaarsatay si magaalada NAIROBIi ee Dalka KENYA ay ugu soo qaadato Office-Policy-Training. Waxaa intii eedo ay ku mashquulsanayd hawshaas baasaboorka ayaa Dawladdu si badheedh ah ayisaga hortaagtay shaqadii, kuna Amartay hay’addas in dalka ay ka baxdo hadii kale oo SHUUN ahayn ay u soo magacaabato, sidiina Hay’addii ay shaqadii uga joojisay eedaday cid kalena ay u soo magacaabatay!!? Arintaas Aqoon yahana JSL badankoodu way ogyihiin, eedadayna waa ruux Dumar ah oo Caan ah oo lawada yaqaano, madaxdii goob-joogeyaasha xilligaasna waxaa ka mid ah JAAMAC SWEDEN Ex-NEC Commissioner!!?? Xilgaas Eedaday sidii SIILAANYO, Dr. GABOOSE iyo MAX’ED XAASHI iyo Marwo Aamina Werisba ay uga QUUSTEEN inay helayaan Garsoor Caddaalad ah Xuquuqdooda sharciga hortiisa ku difaacaya, ayey eedadayna xilligaas uga Quusatay inay helayso Caddaalad Garsoor!!??? Aamina Weris waxay udhibaatowday oo keliya inay tahay xaaska hoggaamiye Xisbi siyaasadeed oo caan ah; Su’aashuse waxay tahay maxay u dhibaatowday eedaday!!? Jawaabtu waa “Xoriayaadda Fikirkeeda” iyo Baaxadeeda Aqooneed iyo fir-fircoonida ay u dhalatay!!??
waydo waxa hubaal ah in Sifo Sharci ah ay Xuquuqdeeda iyo Mustaqbalka Nolosheedaba ay ku heli doonto, mana ahaan taas mid cid loo daba fadhiisan doono!! Haddii Madaxda dalka ee Xilka Loo Dhiibaa ay is halaynayso Caydhimada Yurub, oo ay Aaminsan yihiin fikrado daciif ah sida weedhaha mar walba dhegeheena ku soo dhaca sida ‘MEESHU WAA AFRIKA’ ‘MA YURUB BAY ISMOODAYAAN INAY JOOGAAN iwm’.
Waxaan Halkan ka Sheegayaa in DALKAYAGU UU YURUB NOOYAHAY, isla markaana dariiq Sharci aanu Xuquuqahayaga ku Heli doono!!??

Qiimo-Dhaca Muwaadinimada JSL
Ma aha in la i nacsiiyo Muwaadinimada aan maanta Dalkayga ku joogo oo la igu dirqiyo inaan TAHRIIBO oo Muwaadinimadayda JSL aan ka door bido LAAJINIMO DAL SHISHEEYE AH. M/weyne waxaa hubaal ah oo aad ogtahay, in haddii aniga oo LAAJI ah oo jooga Dal Shisheeye (sida Dalka FARANSIISKA) in M/weynaha Dalka Faransiisku imuu yidhaahdeen intuu warqad ii soo diro Laajiyahaw Anigaa DUUDSIYEY Xuquuqdii ay kuu Xukuntay Maxkamadda Dalkaygu (Eeg warqadda Xaaraanta ah ee uu qoray marxuum M. I. Cigaal ee Sumaddeedu tahay JSL/M/TOT-001/02004 ee ku taariikhaysan 23/02/2004) ee Lidka ku ahaa Shirkadda TOTAL, sidoo kalena muu iskortaagi kareen Fulinta Maxkamadda u saraysa Dalka Faransiiska (ee warqadda Maxkamadda Sare ee JSL ee Fulinta ah ee Summadeedu tahay MS/102/01 ee 2/2/05) isagoo weliba ka faa’iideysanaya baahidayda iyo duruufaha igu wareegsan intuu ciidan iyo saraakiil Dawladda ah igu meero muu amreen in si khasab ah la iiga saxeexo inaan ka tanaasulay dhammaan xuquuqihii la ii xukumay iyo in baadil ay ahaayeen dhammaan tallaabooyinkii Maxkamadaha Dalku ay qaadeen (Xukunadii iwm) kala duwanaa ee ay soo kala saareen qaybaha kala duwan ee Dawladdu ee khuseeyey kiiskaygu (Eed Warqadda Xaaraanta ah ee M/weyne Rayaale ee Sum/tahay JSL/MMXS/100-007/112000 ee ku taariikhaysnayd 4th November 2000), muddo 12- sanadood ahna imuu silciyeen!!?

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: