TALLO-BIXIN SHARCI OO KU SAABSAN DHAMAYSTIRKA SHARCIYADDA MASUULIYIINTAN IYO DHISMEYAASHA DAWLADDABA CUSUB


Mudane M/weyne, anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-dhige), isla markaana ah muwaadin Somalilander ah oo aan ka tirsanayn saddexdan Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID-toona, ayaa ugu horayn aniga oo ku faraxsan kuguna hambalyeynaya Magacabista Masuuliyiintan Cusub ee xilalka dawladda aad u magacawday oo ay ku jiraan Rag iyo dhalin Sharciyaqaano ah oo muddakar ah iyo kuwo kale oo dhammaantood ay yihiin kuwo u qalma xilalkaas oo gudan kara waajibaadkooda shaqo, kuwaasoo aan iyagana Illaahay aan uga baryaayo inuu u fududeeyo gudashada masuuliyadooda AAMIIN – AAMIIN, ayaa M/weyne si aad u xaqiijin kartid ISBEDLKA ay dadku doonayeen oo ah helitaanka Madax dhawrsan iyo Dawlad ku Dhisan kuna dhaqanta Sharciga oo keliya, isla markaana aan ka hor tegayo in Masuuliyiintan cusubi ay Noloshu ka wasakhawdo oo aanay u noqon Xaaraan quuteyaal ILLAAH kama dhigo’e, ayaa waxaa Dammiirkaygu uu igu khasbay inaan halkan si kooban aan kuugu soo gudbiyo Dhaliisha jirta iyo Tallo-bixinta Sharci ee ku haboon in laqaado, oo aan u arko inay Dawladdani ku khasbanan doonto meel-marinteeda waana sidan:-
Soo Bandhigid Kooban ee Dhaliilaha
Ugu horayn, isbedel waxaa la qaadi karaa waa marka la arko dhaliisha jirta ee la isla qaato sida la isu bedelayo. M/weyne, Dalka ma jiraan Sharciyaqaano iyo Baarlamaan kuu nool oo kugu ilaalin karaya inaad ku ekaatid tubta toosan ee ah ISBEDELKA aad rabtid inaad qaado ee laguu doortay, oo ku qaban kara markaad Khaldantid, waxaana hore u baaba’saday oo shiiqiyey madaxdii iskaga kala dambaysay Kursigaa aad maanta ku fadhidid, oo ah kursiga dhibaatadiisa ay ummadani ka degi la’dahay ee hortaagan in ummadani ay hesho Caddaalad Garsoor oo Madax Bannaan oo Wax Ku Ool ah oo Dhakhso ah. M/weyne Mushkiladaha iyo Dhibaatada Garsoorka waa la sixi karaa oo way fududahay oo baadhitaan baanu ku samaynay laakiin cidda u bahaahan in Gacan Bir ah lagu qabto waa laba Gole Siyaasi ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka. Sharciyaqaankuna ma aha mid soo bartay sida Raciyadda loogu noqdo ee beenta loogu raali geliyo Madaxda, laakiin waa dad soo bartay dhawrsanaanta, ilaalinta Xuquuqaha iyo sida Sharciga Raciyadda loogu noqdo, mana jirto sabab ay noo kelifayaan anagoon awoodin ee ay uga hadli la’yihiin toosinta dhibta haysata madaxdooda dedaalaysa. Xataa waad og tahay oo kamay hadal Sharciyaqaanada Dalku Heshiiskii Xaaraanta ahaa ee Saddexda Guddoomiye Xisbi ay ku heshiiyeen in aan jiri karin cid Cid Muwaadin ah oo furan karta Urur/Xisbi Siyaasadeed, kaasoo lid ku ahaa xuquuqda Muwaadinka JSL oo sababtaa darteed ay weli helitaanka xuquuqdaas siyaasadeed ay u dhiban yihiin Ururka u UDHIS iyo qaar kale oo iyaguna leh damac siyaasadeed oo raba inay inay furtaan Ururo/Xisbiyo, waxaanan arinkaas aan kugula talin lahaa inaad adigu M/weyne aad afkaaga ka qirtid oo aad sheegtid Sharcidarada Heshiiskiinii hore ee xaaraanta ahaa ee duruufta iyo Shaydaanku idinku kelifay, waayo Maanta waxaad tahay M/weyne, Xisbigiina (KULMIYE) si Gobonimo leh oo Dimuquraadi ah baad u wareejisay oo waxay tallaabadaadaasi ay ka mid ahayd ISBEDELKA ay ummaddani rabtay, oo ma jirto sabab iyo duruuf dambe oo kugu kelifi karta inaad u hortaagnaatid xuquuqo dad muwaadiniin ahi ay leeyihiin. Waxaana xaqiiq ah haddii dalka ay ka jiri lahaayeen Ururo Sharciyaqaano firfircoon ah oo si guud u ilaalinaaya kana hadlaaya danta guud ee ummadda iyo Maxkamado leh Gobonimo badan oo Sharciga ku difaaci kara xuquuqaha muwaadiniinta oo lagu hiran karo Cidna looma daba fadhiisteen arintaas, khaladaadkaas oo kalena dalka kamuu dhaceen.

Sixitaanka iyo Dhamaystirka Sharciyadda Madaxda iyo Hayadaha Cusub
M/weyne Waxaad Samaysay Wasaarado iyo Hay’ado Cusub; Qaar kale oo jiray waad Baabiisay; Qaar Wax baad ka dhintay; Qaar qaybo Cusub baad ku soo biirisay, Qaar kalena Magacyadoodii hore ayaad ka bedeshay oo magacyo cusub ayaad u bixisay, dhamaan waxaas oo isbedel ahi waxay u baahan yihiin in la waafajiyo Sharciga oo Baarlamaanka la hor geeyo, oo Wasaarado iyo Hay’ado cusub ayuu M/weyne magacaabay oo keliya kuma filna oo sidaa inay ku shaqeeyaan ma aha Ansax (Not Valid). Waxaa mudane M/weyne loo baahan yahay in Masuuliyiintan iyo Hay’adahan cusuba la soo dhamaystiro Sharciyeyntooda (it’s Legitimazation), waayo isbedeladaasi waxay saamaynayaan Shaabaddii, Boodhkii Wasaarada/Hayaddaas, dhamaan Dhukumentiyadii iyo dhammaan xidhiidhada macaamileed ee ay la lahaayeen Dadweynaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda dhexdoodaba. Haddaan Sharciga la waafajin dhammaan talaabooyinka ay qaadaan madaxdaas iyo hay’adahaasi waxay noqonayaa kuwo waxba kama jiraan ah oo aan yeelan doonin wax saamayn raad Sharci ah!! Waayo, “HAL XAARAAN AHI MA DHASHO NIRIG XALAAL AH!!?” sidaas darteed waa in la hawl geliyaa Sharciyaqaanada cusub ee Dalka u baxay, kuwaasoo maanta gaadhay ilaa iyo 300 oo Sharciyaqaan oo bilaa camal ah oo suuqa ku silcayay, kuwaas oo dalkan wax u soo bartay. Ma jirto siyaasad Qaran oo ku waajahan Daboolidda baahidda dhinaca Sharciga ee dalka, madaxduna rabbitaankooda ayaa sharci u ah oo rabaan taas, sidaas darted waxaan ugu baaqayaa dhammaan sharciyaqaanadu inay fadhiga ka kacaan oo heeryada Dulliga ah ay iska rogaan oo ay ismuujiyaan oo ay cidhiidhsadaan. Waayo xuquuqahan oo kale baryo iyo walaal la iskuma siiyo!!?
M/weyne waxaa hubaal ah, in Masuuliyiintan cusub ee aad magacawday ay yihii kuwo loo magaacabay meele cidlo ah oo wax shaqo ah oo cayiman oo la isla garan karo loo dhiibin!! Dabadeedna uu mid waliba si uu isaga tiiryo uu ku dedaalayo inuu jilo xilka masuuliyadeed oo isaga sida ay la noqoto uu wax u qabto, taasina hadhow waxay keenaysaa inay in boqolaal rabitaan (dhako) oo kala jaad ahi ay isku dhici doonaana adiga iyaguba aydin wareeri doontaa oo UDUB ay bikh noqon doonto oo dadku ay idinku dhibaatoobi oo si dhakhso la idiin nici doono dabadeedna cod la idiin qaadi doono ama banana bax la idinkaga dejin doono xilka!!? ILAAH maqaddaro’e. Markaa M/weyne inta aad meel cidla ah aad u magacaabaysid malaa waxaa waxaa ka haboonaan lahayd inaad u dirtid (Magacwdid) inay Aasaaska Hay’ad kasta dhisaan illeen tacabka ay iminka gelayaan kaas baa ka dhowaan lahaa intaanay been jilin!!? ARRINBA ALLAA LEH.
uu mid waliba
M/weyne waxaan haboonayn oo caqliga iyo dammiirka wanaagsaniba aanu qaadan Karin in la magacaabo Masuuliyiin Dawladeed oo aan la garanayn waxa ay shaqadoodo tahay, awoodoodu tahay, Waajibaadkoodu yahay iwm. Sidoo kalena waxa iyana la mid ah in Qof aqoon yahan ah oo Xil iyo Masuuliyad Dawladeed loo magacaabay uu isna aqbalo arinkaa oo uu xar xariiqo waraaqo iwm!! Sidoo kale waxa iyana taas kasii daran Baarlamaanka qaran ee isna ay shaqadiisa iyo sababta Masuuliyadeed ee darteed uu ku qaato mushaharada uu quuto ee uu siiyo caruurtiisa iyo ehelkiisa oo og inaanay sidaas Sharci ku noqonayn Dhismeyaashaas iyo Masuuliyiintaas cusub ee uu M/weynuhu magacaabayba oo aanay ansax ku noqonayn oo aanay miisaaniyad ku yeelan Karin!!? anigu ma garanayo ma mucaarid baan ahay, ma cadaw baan ahayn mise muwaadin baraarujinaya oo toosinaya Madaxdiisaan ahay!!? ARINBA ALLAA LEH
Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiq ah in Cidda Dawladnimadan JSL aqoonsani ay tahay oo keliya cidda aqoonsan ee uu qabtaan Shuruucda iyo Xeerarka kale ee dalka, laakiin Madaxda dalku aanay isugu tag helayn inay yeeshaan dhaqan, hadal iyo fakir dawladnimo oo ay ku dhaqmaan Sharciga.

M/weyne Baarlamaanku wuu ansixin karaa madax iyo masuuliyiin Wasiiro ah oo la magacaabay, waanu u yeedhi karaa oo wax buu waydiin karaa, laakiin ma garan karaan inay is weydiiyaan Xaaladda Sharci ee ay ku sugan yihiin Masuuliyiinta Wasiirada iyo Aasaaska Sharci ee dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda, oo ma jiro haba yaraatee wax xidhiidh sharci ah oo ka dhexeeya Hay’adahaas iyo Baarlamaanka JSL, dalkana kama jiro Xeerka Dhismaha Xukuumadda/Dawladda (Organizations of the Government Act) oo Qeexaya isla markaana nidaaminaya Ujeedooyinka, Hawlahooda, Qaabdhismeedkooda, Baahida Qaran ee ay u taagan yihiin inay daboolaan iwm oo ka soo baxay Baarlamaanka JSL. Sidoo kalena ma jiro Xeerar Qeexaya oo Nidaaminaya Shaqada, Waajibaadka, Awoodaha iyo Masuuliyadda shaqo ee Wasiirada, ku xigeenadooda, Wasiiru Dawleyaasha, Mareeyeyaasha, iwm iyo qayb walba (Every Departments) qaabka ay u shaqayso iyo waxa ay qabatoba. Sidaasna Baarlamaankan maanta wuxuu yihiin kuwo raciyad u kala ahaa saddexda Gudoomiye Xisbi oo mudadii 5 sanadood ku soo dhamaystay Khilaaf iyo laga soo bilaabo arinkii DHAADHJEERE ilaa iyo shalay 26kii June 2010, Xeer kusheeg kasta oo ay soo saaraana wuxuu ahaa mid ku salaysan khilaafaadkaas oo dano shakhsi loogu adeegayo!!? Kuwaasoo dayacay Dantii Guud iyo Masuuliyadii saarnayd iyo Dhaartii ILLAAHAY ay ugu dhaarteen inay dadkooda dalkoodaba dhex ugu ahaanayaan. Mushkiladaasina waa mid ka dhalatay si xun adeegsiga KURSIGA talada iyo Masuuliyadda Dalka! Xeer Kasta oo 20-kaa sanadood Ka soo Baxay Baarlamaanka JSL marka uu M/weyne saxeexo ayuu isna meel sida Teneg Xashiishka uu ku tuurayey oo aan la gaadhsiin Dadweynaha JSL iyo Hay’adihii ku shaqayn lahaaba, Dabadeedna Xeerar ku sheegaas waxaa la dhaqdhaqaajiyaa Marka Awr lagu kacsanayo ama la doonayo in loo cuskado cid larabo in lagu xad-gudbo. Markaa hawsha Baarlaamaanku waa sida dad FOOSTO GUN LA’ DHAAMINAYA, markaa inay xilka iska casilaan bay ahaydee inay maantaba sii fadhiyaan may ahayn!!
M/weyne Xukuumaddii hore waxay ahayd mid fulisa Rabitaanka Madaxdeeda, halkay ka ahaan lahayd inay fuliso Sharciga iyo xeerarka ka soo baxa Baarlamaanka ee awoodda iyo xaqa u siinaya inay qaado.
Sidoo kale ma jiro Xidhiidh Sharciyeed oo ka dhexeeya Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo qeexaya sida ay u wada shaqaynayaan iyo doorka uu Wasiirku ku leeyahay. Sidoo kalena ma jiraan Xeer Baarlamaan oo lagu aasaasay Dhismaha Booliska iyo Xeerar Nidaaminaya Waajibaadka, Shaqada, Awoodaha, Derajada kala sarayneed iyo Xuquuqaha Ciidamada Dalka oo dhan gaar ahaan ciidamada Booliska oo kasoo baxay Baarlamaanka JSL, sidaas darteedna taasi waxay ka dhigaysaa in Ciidamadu ay noqdaa una socod iyo dhaqan eekaadan sidii kuwii Argagixisada ahaa ee Dawladdii Soomaaliya ee qaadan jiray Awaamiirta Khaldan hal-haysdtana u lahaa “YAAKHII ANIGA AMARAAN QABAA NOO!!” iyo in mar walba uu khilaaf ka dhex taagnaado Xukuumadda, Garsoorka iyo Ciidanka Booliska, isla markaana ay noqdaan sida NIN – Nin u Shaqeeya, halkay ka ahaan lahaayeen Dad u Dalkooda iyo Dadkooda u shaqeeya oo Haybad ku dhex leh Bulshadooda.

SOO GUDBINTA TALADA SHARCI
M/weyne, soo bandhigid dhaliilo sixid u baahan Talooyin badaniba waxay ku diyaarsan yihiin Qoraalka iga qabyayada ah ee aan ugu magac daray “QIIMO-DHACA SHARCIGA, QABYADA DAWLADNIMO IYO HABAYCSANAANTA SHARCIYAQAANADA JSL” Fiiro Gaar ah;- M/weyne miyaad ilowday Dulmigii iyo Xanuunkuu Shalay adiga iyo Xaaskaagaba idin Haysatay, Maxaad u soo Magaacibi Weyday GARYAANKI GUUD ee aan kaa Codsaday iyo Soo Af-jaridii Kiiskii TOTAL!!!!?

XEERARKA U BAAHAN IN DHAKHSO LOO SAMEEYO
Si looga baxo in rabitaanka madaxda dalku uu noqdo sharciga keliya ee dalka lagu dhaqo, waxaa loo baahan yahay in xeerarka iyo kuwo kale oo fara badan oo aan gadaal kasoo sheegi doono iyaga iyo faahfaahintoodaba waa sidan;
1. Sharciga Latalinta (Advisory At)
Sharcigani wuxuu Dawladda ku khasbayaa in dhammaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Caalamiga ahba ay qaataan lataliyeyaal, sababtoo si ah; (1) Si ay Meesha uga baxdo Malo awaalka iyo aqoon la’aanta Sharci ee Madaxda Dalka Haysata iyo in Rabitaankoodu u ahaado Sharciga ugu sareeya ee dalka lagu maamulo. (2) In ay Suuq helaan dhalinta Sharciyaqaanada ahi oo suuqa aanay ku naanaabin, isla markaana iyadoo baahidooda dhaqaale xumo laga faa’iidaysanayo aan ku dhex wasakhoobin Nidaamka Musuqmaasuqa ah (Corrupted System) iyo hab-dhaqanka xun ee Madaxda iyo Siyaasiiinta Dalka, oo ay u noqdaan dad han wayn oo oo xumaha iyo xaaraanta iyo Sharci darada ay uga dhiidhiyaans. (3) Iwm.
2. Xeerkaasi waxa kale oo uu nidaaminayaa habka shaqo, xuquuqda iyo waajibaadka Gudiga Lataliyeyaasha M/weynaha, waxaanu dammaanad-qaadayaa xaqa fikirkooda, waxaanu jidaynayaa in la abuuro Guddi La talin M/weyne (Preesidential Advisory Board). TALO waxay dhimatay markii la weydiin waayey Ehelkeeda ee cidiba u baahan weyday. Waan ku hambalyeynayaa M/weynaha JSL tallaabadiisii ugu horaysay ee ahayd codsigii LATALINTA, waana mid waafaqsan Aayadaha Quraanka Kariimka ah ee 51 Suuradda Shuura iyo 109 ee Suuradda Aala Cimraan.

3. Xeerka Habdhaqanka Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dawladda.
4. Xeer Nidaamiyaha Fadhiyada Golaha Wasiirada. Iyadoo lagu cibro qaadanay Qaabkii foosha xumayd ee ay u qornayd warqadii lagu eryey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi markii uu Wasiirka Ganacsiga ahaa ee M/weyne Daahir uu qoray waxay u dhignayd sidan “Kadib markaad Golaha Intiisa Kale aad Ka Ra’yi Duwanaatay Shaqadii Waa Kaa Eryey” waa xadgudub in qofku uu fikirkiisa lagu eryo oo uu shaqadiisa kuwaayo, sidoo kale siiqadaasi waxay horseeday in meesha ay ka baxday nuxurkii madashu fadhigu G/Wasiiradu ee ahaa wada tashiga, sidoo kalena waxay sababtay in qof walbaaba uu ka baqay inuu shaqdiisa ku waayo fikirkiisa. Anigu Sideed Sanadood baan ahaa saraakiisha Wasaaradda Ganacsiga ee waaxda Berbera, oo waxaan garanayaa in wasaaradda Ganacsigu tahay barta keliya ee laga qiimayn karo dhaqaalaha Dalka oo dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga oo dhan bay Bille iyo Sanadle u tirakoobtaa Wasaaradaasi (Import ; Export)
5. Sharciga Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda
6. Sharciga Sirta Qaranka.
Wax walba waxaa lagu odhanayaa waa sir oo waxay dhibaato badan la kulma Ardayda Ka Qalin jebinaya Jaamacdaha Dalka ee Diyaarinaya Buugooda Qalin jebinta (thesis Book) iyo dadka kaleba, sidaas darteed waa in la kala cadeeyaa waxa sirta ah iyo waxa aan sirta ahayn. Kiis inantii Samsam waa in aynu ku cibro qaadanaa ee!!?
7. Sharciga Xogta iyo Madax banaanida Helidda Macluumaadka.
Sharcigani wuxuu xaq u siin doonaa in muwaadiniintu ay Dawladooda xaq ugu leeyihiin inay si madax banaan u helaan xogta iyo macluumaadka ay uga baahan yihiin Dawladooda oo inay Baadhitaan iyo waraysiyo la yeelan karaan Hay’adaha Dawladda.
8. Xeerarka keli keli dib loogu aasaasayo dhamaan dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda.
9. Xeer Adeega Dalaka Shisheeye (Foreign Service Law) oo Nidaaminaya Waajibaadka Masuuliyadda, Shaqada, Xuquuqda Danjireyaasha iwm, marka laga yimaado Heshiiska Xidhiidhka Dibloomaasiyadeed ee Dalalka Caalamka ee Vienna 1961(Vienna Convention on Diplomatic Relations of 1961) dal kastaaba waxa uu gaarkiisa u leeyahay xeer u gaar ah Functions, Posts, Diplomatic Missions, Consolers and Officers
10. Xeerka Maamulka Dawladda (Public Administration Act)
11. Sharciga Maamulka Booliska JSL (Police Administration Act)

DHISMEYAASHA HAYADAHA/GUDDIYADA
1. Sharciga Dhismaha Xukuumadda/Dawladda.
2. Sharciga Dhismaha Guddiga Diyaarinta iyo Qaabaynta Mashaariicda Sharci (Legal Drafter Board).
Sababta Sharcigani waxay tahay waa si dhakhso loogu daboolo baahida helitaanka shuruucdaas oo xukuumadda iyo baarlamaanku keligood aanay ka lug baxayn, sidaas darteedna waa lagama maarmaan in la dhiso guddiga oo jiritaankoodu noqon doono muddo lix bilood ah.

N.B. waan ka xumahay in ujeedooyinka iyo baahiyaha iyo waxa ay daboolayaan xeerarkaasi aanan halkan ku soo wada koobi kari waayo!

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-dhige)

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: